Degmada Jamaame

Degmada Jamaame Jamame District Official Page

Senator Layla noor maax ma matasho miyaa reer jamaame mise kursigeed ayey u cabsatay.Waxaan mid mid idinkula wadaagi doo...
18/11/2025

Senator Layla noor maax ma matasho miyaa reer jamaame mise kursigeed ayey u cabsatay.

Waxaan mid mid idinkula wadaagi doonaa dadki masuulka ka ahaa degamada Degmada Jamaame ee isaga aamusay oo ay ugu horeyaan xildhibaanada iyo kuwa gudoomiye isku sheega ee kismayo jooga .

Dhowaan filo mid kasto iyo xogtiisa gaarka ah

17/11/2025

Sida ay inoo xaqiijiyeen sarakiil ka tirsan ciidanka darawiishta jubaland waxa jira diyar garow xoogan oo la doonayo in duulaan lagu qaado Degmada Jamaame iyo deeganada hoostaga, duulaanka waxa qayb ka ah diyaradaha duuliyaha aan lahayn .

Shacabkii ka qaxay degmada iyo deegaanadeeda waxan ugu baaqaynaa inaysan soo laaban illaa uu howlgalku ka dhamado.

XASUUQ SHACAB MISE HOWLGAL CIIDAN
17/11/2025

XASUUQ SHACAB MISE HOWLGAL CIIDAN

15/11/2025

War Deg Deg ah

Deegaanka malaayleey ee hooostaga degmada jamaame ayaa laga soo shegayaa in ay ciidamada jubaland kufsi iyo dil u gaysteen gabar ka mid ahayd dadka deegaanka oo lagu magacaabo xawo cabdow.
Gabdha meydkeeda ayaa la sheegay in ay qaateen ciidanka jubaland .

Waxaan ku dadalynaa xog faahfahsan inaan helno

15/11/2025

Ciidamada jubaland ee saakay weerarka madafiicada ku qaadey degmada jamaame iyo deeganada hoostaga ayaa dib ugu laabtay halkii ay kaso weerar tageen , waxa gabi ahaanba laga qaxay jamame iyo deeganada ugu dhow, ciidamada jubaland ayaa diidey in dhaawacyada laga saaro meelihi ay madafiicda ku dheceen, weli waxaa magaalada ku jiro ilma yar iyo maamo waayeelo ah kuwaas oo aan weli helin wax gar gaar ah magaalada wa cidlo kooxdi soo weerartay iyo kuwii la weeray midna kuma sugna shacabka waa qexwen maydad iyo dhaawac ayaa loogu tagay magaalada.

Alle hau gargaaro shacabka masakiinta ah we ku xaniban magaalada iyo deegaanada hoostaga.

Allow badbaadi shacabka maskaiinta ah

15/11/2025

Waxa socda dadaalo xal loogu raadinayo shacabka masakiinta ah ee dhaawacmay sidii ay gargaar ku heli lahaayeen.

15/11/2025

Waxa degmada jamame ku socday weerar cirka ah gudaha magaalada waxa ku naf beelay qoysas badan waxa jira dhaawacho tira beel ah oo isugu jira caruur iyo waayeelo mana jirto meel lagu baxnaaniyo dhaman maydadka iyo dhawacyada shacabku waa ay ka kala carareen wana laga qaxay waxan hayna muqalo iyo sawiro argagax leh dhaman walaga qaxay maagaalada jamaame .
Dhawaa. Filo xogta oo dhamaystiran

27/10/2025

Insha Allah reer jamaame waa cusub ayaa u baryi doona
👀👀

Address

Jamame

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Degmada Jamaame posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share