26/05/2026
Guddoomiyaha Degmada ahna Duqa Magaalada Baydhabo, Mundane Cabdiraxmaan Ibraahim Aadan ( Sate) ayaa hambalyo iyo bogaadin ku aaddan munaasabadda barakeysan ee Ciidul Adxa u dirayaa dhammaan shacabka ku nool Magaalada Baydhabo, reer Koonfur Galbeed, guud ahaan shacabka Soomaaliyeed iyo Muslimiinta caalamka meel kasta oo ay joogaan.
"Waxaan Alle SWT ka baryayaa in uu inaga aqbalo cibaadada iyo acmaasha wanaagsan, kana yeelo ciiddaan mid nabad, caafimaad, barwaaqo iyo horumar lagu gaaro.
Munaasabaddan weyn ee Ciidul Adxa awgeed, waxaan bulshada ku nool magaalada Baydhabo ugu baaqayaa midnimo, iscafis, isxaq dhowr iyo garab istaag dadka danta yar, si loo xoojiyo wadajirka iyo walaalnimada bulshada.
Sidoo kale, waxaan bogaadinayaa ciidamada amniga, maamulka degmada, culumaaโudiinka, haweenka, dhalinyarada iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada ee ka shaqeynaya nabadda, nadaafadda iyo horumarka Magaalada Baydhabo.
Ciid wanaagsan, Ciid Mubaarak.