Dowladda Hoose ee Degmada Hobyo

Dowladda Hoose ee Degmada Hobyo Dad mid ah iyo Deegaan Horumarsan

Guddoomiyaha degmada Hobyo mudane Cusmaan Axmed Cabdulle ayaa kaqaybgalayXaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo lag...
04/05/2026

Guddoomiyaha degmada Hobyo mudane Cusmaan Axmed Cabdulle ayaa kaqaybgalay
Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu maamuusayay arday dhammeystay barashada Qur’aanka Kariimka ah madarasada xayaatudiin oo uu hormuud u yahay shiikh Maxamed Jaamac.

Munaasabaddan qalin-jabinta ah waxaa ka soo qeyb galay Guddoomiyahadegmada, Xoghayaha dowlada hoose agaasimeyaashadowladahoose, culumaa’udiin, waalidiin, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada kuwaas oo dhammaantood muujiyay farxad iyo bogaadin ku aaddan ardayda guusha gaartay.

Ardaydan oo wax ka baratay Madarasada Xayaatu Diin ayaa si hufan u dhammeystay xifdinta Qowlkii Eebe, iyagoo muujiyay dadaal, samir iyo karti mudan in lagu daydo. Waxaa lagu ammaanay doorka macallimiinta iyo waalidiinta oo door weyn ka qaatay korinta iyo barbaarinta ubadkan.

Guddoomiyaha degmada Hobyo ayaa ugu danbayn hambalyo u diray ardayda qalin-jabisay, isagoo ku booriyay inay sii wadaan barashada cilmiga diinta iyo kan maadiga ah, si ay mustaqbalka ugu noqdaan hormuud wax ku ool ah bulshada.

DHAMAAD ~~~

Xaafiiska warbaahinta dowlada hoose ee degmada Hobyo.

Waxaa  laga furay magaalada Hobyo kulan muhiim ah oo ku saabsan Madasha Ka-qaybgalka Dhallinyarada, kaas oo diiradda lag...
02/05/2026

Waxaa laga furay magaalada Hobyo kulan muhiim ah oo ku saabsan Madasha Ka-qaybgalka Dhallinyarada, kaas oo diiradda lagu saaray xoojinta ururinta dakhliga Dowladda Hoose , iyada oo loo marayo ka-qaybgal, hal-abuur iyo isla xisaabtan

Intii uu kulanku socday, waxaa si qoto dheer loo falanqeeyay caqabadaha ka jira ururinta dakhliga, doorka firfircoon ee dhallinyarada, iyo xalal casri ah oo ku saleysan tiknoolajiyadda iyo daahfurnaanta. Dhallinyarada ka qayb gashay kulanka ayaa soo bandhigay talooyin wax ku ool ah oo kor u qaadaya isla xisaabtanka iyo ka-qaybgalka bulshada.

30/04/2026

Hobyo 30 April-2026
Guddoomiyaha degmada Hobyo mudane Cusmaan Axmed Cabdulle ayaa daahfuray
Madasha Haweenka ee Kor u Qaadista Dakhliga Degmada Hobyo

Hobyo, Galmudug —
Dowladda Hoose ee Degmada Hobyo ayaa bilowday madalaha wadatashiga bulshada ee lagu xoojinayo dakhliga gudaha ee degmada, iyadoo kaashanaysa Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Galmudug.
Madalaha oo qeyb ka ah dadaallada lagu horumarinayo maamulka iyo adeegyada bulshada, ayaa lagu bilaabay madasha haweenka, kuwaas oo door muhiim ah ka qaata horumarka, xasilloonida, iyo kobaca dhaqaalaha degmada.
Madasha haweenka ayaa diiradda lagu saaray caqabadaha hortaagan bixinta canshuuraha iyo khidmadaha degmada, fahamka bulshada ee muhiimada dakhliga gudaha, iyo sida loo xoojin karo kalsoonida u dhaxeysa dowladda iyo bulshada.
Haweenka waxay soo bandhigeen qodobo muhiim ah oo ay ka mid yihiin:
• Baahida loo qabo wacyigelin dheeraad ah oo ku saabsan canshuuraha
• In la xoojiyo hufnaanta iyo isla xisaabtanka
• In haweenka lagu daro go’aan qaadashada iyo la socodka dakhliga
Dowladda Hoose ee Hobyo ayaa muujisay in ay ka go’an tahay dhisidda nidaam dakhliga oo cadaalad ah, hufan, isla markaana ay bulshada qeyb ka tahay, iyadoo Wasaaradda Arrimaha Gudaha ay taageero farsamo iyo wadashaqeyn ka bixinayso.
Madashan ayaa ah tii ugu horreysay ee taxane madalo ah oo lala yeelanayo qeybaha kala duwan ee bulshada, oo ay ku jiraan haweenka, ganacsatada, iyo odayaasha dhaqanka, si loo helo qorshe mideysan oo lagu xoojinayo dakhliga degmada.
Ugu dambeyn, madalahan ayaa la filayaa inay horseedaan isfaham, iskaashi, iyo kalsooni dhexmarta dowladda iyo shacabka, taas oo muhiim u ah horumarka iyo xasiloonida Degmada Hobyo.

Dhamaad~~~~
Xaafiiska warbaahinta dowlada hoose ee degmada Hobyo.

Dhusamareb April 20Gudomiyaha degmada  Hobyo Cusmaan Axmed Cabdulle ayaa ka qayb galay Shirweynaha 1-aad ee Maalgelinta ...
20/04/2026

Dhusamareb April 20

Gudomiyaha degmada Hobyo Cusmaan Axmed Cabdulle ayaa ka qayb galay Shirweynaha 1-aad ee Maalgelinta Caafimaadka Galmudug, oo ah tilaabo muhiim ah oo diiradda lagu saarayo maalgelinta Iyo horumarinta adeegyada caafimaadka iyo daryeelka bulshada.

Shirkan ayaa waxaa kasoo qayb galay, Wasiiro, Xildhibaanno,Agaasimayaal Iyo qeyb kamid ah Hayadaha kala duwan ee cafimadka ah Iyo kuwa maxalliga ah sida Save the Children, Unicef, kuwaas oo dhammaantood muujiyay muhiimadda ay siinayaan kor u qaadista caafimaadka bulshada iyo tayeynta adeegyada laxariira.

Ugu dambeyn, shirkan wuxuu fursad u yahay isdhaafsiga fikradaha, waayo-aragnimada, iyo xal u helidda caqabadaha jira, si loo xaqiijiyo mustaqbal caafimaad oo wanaagsan oo Galmudug leedahay oo waara.

-Dhamaad-
Xaafiiska warbaahinta dowlada hoose ee degmada Hobyo.

GUDDOOMIYAHA DEGMADA HOBYO OO DAAH-FURAY DIIWAAN-GELINTA COD BIXIYEYAASHA DEGMADA HOBYO.Hobyo, JUMCO 17- April-2026:-Gud...
17/04/2026

GUDDOOMIYAHA DEGMADA HOBYO OO DAAH-FURAY DIIWAAN-GELINTA COD BIXIYEYAASHA DEGMADA HOBYO.

Hobyo, JUMCO 17- April-2026:-Guddoomiyaha Degmada Hobyo Mudane Cusmaan Axmed Cabdulle oo ay wehliyaan Guddomiye ku xigeenka Degmada Mudane Mukhtaar Cabdulahi Maxamed,Xoghayaha dowlada hoose Mursal Maxamud Adan,Agaasime waaxeedyada Degmada iyo qaar ka mid ah Xildhibaannada Golaha barlamanka galmudug ayaa daah-furay Ololaha diiwaan-gelinta cod bixiyeyaasha Degmada Hobyo.

Daah-furkan oo ka dhacay xarunta Dowladda Hoose ee Degmada Hobyo ayaa waxaa maanta wejigiisa koowaad iska diiwaangeliyey shacab waynaha reer hobyo oo ka koobnaa bulshada qaybaheeda kala duwan, sida odayaasha dhaqanka, culimmada, haweenka, dhallinyarada iyo dhammaan bulshada rayidka ah ee reer hobyo.

Guddoomiyaha Degmada Hobyo ayaa kadib markuu qaatay kaarka cod bixinta wuxuu la hadlay Bulshada ku nool degmada Hobyo isaga oo ugu baaqay shacabka inay is diiwaangeliyaan si ay u helaan fursad ay codkooda uga dhiibtaan doorashooyinka qof iyo codka ah ee dhowaan la filayo inay ka qabsoomaan dalka.

—𝐃𝐇𝐀𝐌𝐌𝐀𝐀𝐃—

Xafiiska Warfaafinta iyo wacyi-gelinta Doowladda hoose ee Degmada Hobyo.

.

xiritaanka Shirka Madasha Maayarada Galmudug oo sanadkan lagu qabtay magaalada Guriceel, kaas oo maanta si rasmi ah loo ...
31/03/2026

xiritaanka Shirka Madasha Maayarada Galmudug oo sanadkan lagu qabtay magaalada Guriceel, kaas oo maanta si rasmi ah loo soo gaba-gabeeyay.

Shirkan oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Galmudug ayaa lagu kulmiyay dhammaan maayarada degmooyinka Galmudug iyo guddoomiyeyaasha gobollada Mudug iyo Galgaduud. Sidoo kale, waxaa ka qeyb galay wasiiro iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Galmudug.

Xaafiiska warbaahinta dowlada hoose ee degmada Hobyo.

29/03/2026

Guddoomiyaha Degmada Hobyo, Mudane Cusmaan Axmed Cabdulle ayaa ka qeyb galay kulan doceed gaar ah oo diiradda lagu saaray horumarinta iyo dardargelinta waxbarashada Degmooyinka Hobyo, Cabudwaaq iyo Guriceel.

Kulankan ayaa waxaa shir Guddoominayay Agaasimaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Galmudug iyo Agaasimaha Wasaaradda Waxbarashada, iyada oo si qoto dheer looga hadlay Caqabadaha jira iyo fursadaha lagu horumarin karo adeegyada waxbarasho ee Degmooyinkaas iyo Deegaannada hoos yimaada.

Kulanka ayaa sidoo kale qeyb ka ahaa shir ballaaran oo ay isugu yimaadeen maayarrada Doowlad Goboleedka Galmudug, kaas oo maanta si rasmi ah uga furmay Degmada Guriceel, laguna falanqeynayo arrimo muhiim u ah horumarka iyo wada shaqeynta Degmooyinka.

Xaafiska Warfaafinta iyo Wacyi Galinta Dowlada Hoose ee Dagmadda Hobyo.

29/03/2026

Guddoomiyaha degmada ayaa soojeedinta degmada kadib ugu mahadceliyey Guddoomiyaha degmada guriceel sida wanaagsan uu usoodhawaeeyey madaxda kasoo qayb gashay madasha maayarada Galmudug.

Madashaan ayaa waxay tusaale utahay hugaanka dowlad wanaaga kudhisan ee galmudug oo uu madaxweyne noogu yahay mudane Axmed Cabdi kariye qoorqoor najiidada wanaagsan iyo wixii soo qabsoomay ayaa runtii noqday mid guulaysata.

Dowladaha hoose ayaa halkaan kusoo bandhigay wixii uqabsoomay mudada sanadka iyo waxyaabihii aan hirgalin.

Xaafiiska warbaahinta dowlada hoose ee degmada Hobyo.

29/03/2026

Guriceel, 29/03/2026

Guddoomiyaha Degmada Hobyo, Mudane Cusmaan Axmed Cabdulle, ayaa ka qayb galay shirka Maayarada Dowladda Galmudug oo maanta si rasmi ah uga furmay Degmada Guriceel.

Shirkan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta dowladaha hoose, horumarinta adeegyada bulshada, iyo dardargelinta mashaariicda horumarineed ee ka socda deegaanada Galmudug.

Guddoomiyaha ayaa muujiyay muhiimadda ay leedahay iskaashi dhow iyo mideynta dadaallada lagu horumarinayo adeegyada aasaasiga ah ee bulshada.

11/03/2026

Gudoomiye kuxigeenka Maamulka deeganka xinbarwaaqo oo wakiil ka ahaa maamulka deeganka daanla ayaa lawareegay deeq biyo ah oo katimid Hay'ada SODMA iyo gudiga abaaraha dowlada galmudug oo ay wakiil oga ahaayeen maamulka Degmada Hobyo.

Address

Hobyo

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dowladda Hoose ee Degmada Hobyo posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Dowladda Hoose ee Degmada Hobyo:

Share