Waddani Supporters

Waddani Supporters Page kani waa pageka rasmiga ee tageer waynaha xisbiga waddani ee jooga dal iyo dibad ba Magaca waxa loo soo gaabinayaa WADDANI.

Xisbiga WADDANI, waxa uu ka dhashay dareen iyo go’aan ah in dib loo c**o weelka siyaasadda Soomaalilaan, lana keeno dhiig cusub iyo maskax firfircoon oo lagu dardar-gelinayo xaqiijinta himilooyinka ummadda reer Soomaalilaan leedahay oo uu ugu horreeyo Ictiraaf keenista. Xisbiga WADDANI waxa uu albaabo cusub u furayaa da’yarta si ay xooggooda maskax iyo muruqba ugu dhisan-lahayeen dalkooda, isaga o

o bulsha weynta reer Somalilaan ku hoggaaminaya hiiraal iyo hiigsi midaysan bari, badhtamaha iyo galbeedba. Barnaamij-Siyaasadeedkan Xisbga WADDANI waxa uu ka dhashay wada-tashi dheer, is-qancin, doodo iyo lafo-gur taxaddar leh, waana mid ku qotoma u-gondo-degga xallinta baahiyaha dhabta ah ee dadka iyo dalka Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana waafaqsan Dastuurka iyo xeerarka dalkaba. Hiraalka iyo hiigisga barnaamijka Xisbiga WADDANI waxaa udub-dhexaad u ah hirgelinta caddaaaladda ay muwaadiinta Jamhuuriyadda Somaliland u harraadan yihiin, taas oo lagu gaadhayo isbeddelka siyaasadeed ee qotada dheer ee uu xambaarsanyahay Xisbigu. Hoggaanka Xisbiga WADDANI waxa uu higsnayaa in qarankeennu ku dhex-yeesho bulshada caalamka karaamo iyo magac u qalma hanka ummaddiisa iyo dhaxalka ay u reebayaan jiilalkooda soo socda. Tilmaanta Xisbiga ee Magaca, Xarunta, Luqadda, Calanka iyo Astaanta:
Magaca: Xisbigu waa Xisbiga WADDANI ee Somaliland (Somaliland National Party). Mar kasta magaca Xisbiga waxa lagu qorayaa far waaweyn (capital letters). Xarunta Dhexe (Head Office) ee Xisbiga waa Hargeysa, caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uuna xafiisyo ku yeelanayaa dhammaan dalka JSL waxa kale oo uu laamo ku yeelanayaa dhammaan dalalka kale ee dunida. Luuqadda rasmiga ah ee Xisbigu waa Af-Soomaali, luuqadaha Carabida iyo Af-Ingiriisigana waa la adeegsan karaa. Calanka Xisbiga midabkiisu waa LIIMI (Orange) waxaana dhexda kaga qoran WADDANI oo lagu qoray far madow. Astaanta Xisbigu waa Galaydh (Baas) ku taagan caleen qoyan oo cagaar ah oo hareeraha laga xardhay dushana kaga wareegsan tahay giraan laba liid ahi.

27/09/2024

Cawa iyo berbera

Qodobada Tiirarka Aasaaska BarnamajSiyaasadeedka Rajada Shacabka Wadani
10/09/2024

Qodobada Tiirarka Aasaaska Barnamaj
Siyaasadeedka Rajada Shacabka Wadani

10/09/2024
Sawiro part 2Shirkii golaha dhexe ee xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI ayaa saaka si rasmi ah uga furmay magaalada Hargey...
09/09/2024

Sawiro part 2
Shirkii golaha dhexe ee xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI ayaa saaka si rasmi ah uga furmay magaalada Hargeysa.

Shirka ayaa waxa ka soo qayb-galay murrashaxiinta madaxweynaha iyo madaxweyne-ku-xigeenka ee xisbiga, guddoomiyaha xisbiga, guddoomiye ku-xigeenada xisbiga iyo dhammaan xubnaha golaha dhexe ee xisbiga WADDANI iyo marti-sharaf kala duwan.

Shirka golaha dhexe ee xisbiga WADDANI, ayaa maalinta berri ah soo xidhmi doona, waxana lagu wadaa in lagu doorto murrashaxiinta madaxweynaha iyo madaxweyne-ku-xigeenka ee xisbiga, shirkan ayaa sidoo kale waxa lagu soo bandhigi doonaa barnaamij siyaasadeedka xisbiga.

“Waxaan hambalyaynayaa guddiga doorashooyinka oo illaa hadda waddadii doorashada ku taagan, shaqo fiicana qabtay..”  Xir...
09/09/2024

“Waxaan hambalyaynayaa guddiga doorashooyinka oo illaa hadda waddadii doorashada ku taagan, shaqo fiicana qabtay..”
Xirsi Cali Xaaji Xasan

[ 𝐒𝐚𝐰𝐢𝐫𝐨 ]:- Beesha 𝐒𝐮𝐛𝐞𝐫 𝐂𝐞𝐥𝐢 - 𝐀𝐑𝐀𝐁 ayaa caawa muujisay cududa iyo taageerada ay u hayso xisbiga WADDANI .Xafladan dho...
06/09/2024

[ 𝐒𝐚𝐰𝐢𝐫𝐨 ]:- Beesha 𝐒𝐮𝐛𝐞𝐫 𝐂𝐞𝐥𝐢 - 𝐀𝐑𝐀𝐁 ayaa caawa muujisay cududa iyo taageerada ay u hayso xisbiga WADDANI .

Xafladan dhoolatus ah oo caawa ka dhacdey magaalada Hargeysa , ayaa waxaa ka soo qeyb galay masuulyiinta xisbiga WADDANI oo hogaaminaayo Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi CIRRO

Waxa aan xalay magaalada Burco kaga qaybgalay xaflad ballaadhan oo ay dalladda Hanasho ku muujinaysay taageeradeeda xisb...
06/09/2024

Waxa aan xalay magaalada Burco kaga qaybgalay xaflad ballaadhan oo ay dalladda Hanasho ku muujinaysay taageeradeeda xisbiga WADDANI, isla markaana ay dhallinyarada dalladda ku bahoobay ay ku soo bandhigayeen diyaargarowgooda ku aaddan doorashooyinka maalmaha kooban innaga xigaan.

Bogaadin ayaan u dirayaa guud ahaan dalladaha ku abtirsada xisbiga WADDANI iyo gaar ahaan dalladda Hanasho oo kaalin weyn ugu jirta xisbiga, dedaal mug weynna bixinaya.

06/09/2024

Balanqaadka dhalinyarada ee musharax madaxwayne cabdiraxmaan maxamed cabdilaahi cirro

06/09/2024

Musharax madaxwayne cabdiraxmaan maxamed cabdilaahi cirro

"Shacabka Somaliland-ow waan idiin shaqeynayaa ee Baloodho idinku qabsan maayo.Difaaca qaranku ma 150 KM dib u soo carar...
05/09/2024

"Shacabka Somaliland-ow waan idiin shaqeynayaa ee Baloodho idinku qabsan maayo.

Difaaca qaranku ma 150 KM dib u soo carar baa , Difaaca Qaranku ma 300 maxbuus ha la xidhaaba.

Anigu dhagaxaan nabagalyo daro soo dhagax dhigi maayo Ceerigaabo iyo Boorama “ .

Musharrax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo hada khudbad kale jeedinaya.

Halkan kala soco muuqalka khudbadan danbe ee Musharaxa goor dhow.

"Cabdiraxmaan Cirro qofka ku yidhaahda Musharax habaar baan ku ogahay, waa in loogu yeedhaa Madaxweyne .Waxaan maanta xa...
05/09/2024

"Cabdiraxmaan Cirro qofka ku yidhaahda Musharax habaar baan ku ogahay, waa in loogu yeedhaa Madaxweyne .

Waxaan maanta xaal ka bixinayaa dhamaan ummadda Afka Soomaliga ku hadasha in Madax-dhaqameedkeeni is caayan oo maanta la caayo Hooyo Soomaliyeed oo la dhaho Garaad Jaamac Garaad Cali Hooyadii may dhalin .”

Suldaanka Guud ee Beelaha Somaliland Suldaan Daa’uud Suldaan Maxamed.

05/09/2024

Waddani media partners

Address

Jidka Mujahid Mahdi Cali, HargeysaJidka Mujahid Mahdi Cali
Hargeysa
NA

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Waddani Supporters posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share