14/06/2026
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), waxa uu maanta booqasho rasmi ah ku gaadhay Dawladda Israa’iil, isaga oo noqday Madaxweynihii ugu horreeyey ee Jamhuuriyadda Somaliland ee booqasho rasmi ah ku taga dalkaas.
Tani ma aha oo keliya booqasho diblomaasiyadeed; waa natiijada 35 sannadood oo ay shacabka Somaliland soo dhisayeen qaran nabdoon, dimuqraadi ah, isla markaana leh hay’ado dawladnimo oo shaqaynaya. Waa tallaabo kale oo muujinaysa kalsoonida sii kordhaysa ee Somaliland ku leedahay saaxadda caalamka.
Shacabka Somaliland waxay muddo dheer muujiyeen adkaysi, himilo iyo go’aan ay ku xaqiijinayaan mustaqbalkooda.
Taariikhda waxa gala ciddii leh aragti fog, geesinimo iyo dulqaad laakiin dhaqaaq joogsi laguma gaadho himilo qaran.
.