Ciidanka Asluubta JSL

Ciidanka Asluubta JSL This is the Official page of the Somaliland Custodial Corps.

๐‡๐š๐ฆ๐›๐š๐ฅ๐ฒ๐š๐๐š ๐“๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š๐ก๐š ๐†๐ฎ๐ฎ๐ ๐ž๐ž ๐‚๐ข๐ข๐๐š๐ง๐ค๐š ๐€๐ฌ๐ฅ๐ฎ๐ฎ๐›๐ญ๐š ๐‰๐’๐‹, ๐ž๐ž ๐‚๐ข๐ข๐๐ฎ๐ฅ ๐…๐ข๐๐ซ๐ข๐ ๐š ๐€๐ฐ๐ ๐ž๐ž๐.   Hargeysa : 19/03/2026 () Taliyaha guud ee...
19/03/2026

๐‡๐š๐ฆ๐›๐š๐ฅ๐ฒ๐š๐๐š ๐“๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š๐ก๐š ๐†๐ฎ๐ฎ๐ ๐ž๐ž ๐‚๐ข๐ข๐๐š๐ง๐ค๐š ๐€๐ฌ๐ฅ๐ฎ๐ฎ๐›๐ญ๐š ๐‰๐’๐‹, ๐ž๐ž ๐‚๐ข๐ข๐๐ฎ๐ฅ ๐…๐ข๐๐ซ๐ข๐ ๐š ๐€๐ฐ๐ ๐ž๐ž๐.

Hargeysa : 19/03/2026 () Taliyaha guud ee ciidanka asluubta jsl, Sareeye guuto Axmed Cawaale Yuusuf (Libaax) isagoo ku hadlaya magaciisa iyo kan ciidanka asluubta jsl waxa uu hambalyo iyo boggaadin udirayaa guud ahaan ummada islaamka gaar ahaan shacabka jamhuuriyadda soomaaliland munaasibada ciidul fidriga awgeed oo ku beegan maalinta bari ah ee jimcaha 20/03/2026.

Taliyuhu waxa uu hambalyo gaar ah udirayaa ciidanka asluubta jsl, Saraakiishooda, saraakiil xigeenadooda,aliflayda,dablayda iyo dhamman qoysaskooda meel kasta oo ay joogaanba. Waxa uu taliyuhu sidoo kale Alle "SWT" uga rajaynayaa inuu ka dulqaado cid kasta oo xanuun ugu soo gashay ciidul Fidrigu inta caafimaad qabtana Alle u siyaadiyo.

Ugu dambayn waxa uu taliyuhu llaahay "SWT" ka baryay inuu ciidan ciideeda bash-bash iyo barwaaqo inagu gaadhsiiyo, Inagana yeelo kuwii ilaahay ka aqbalo acmaashoodii saalixa ahayd ee bishii barakaysnayd ee ramadaan, nimcada iyo barwaaqadana inoo siyaadiyo.

ALLA MAHAD LEH.

Xafiiska Warbaahinta
Ciidanka Asluubta JSL.

๐–๐š๐ซ๐ž๐ž๐ ๐ญ๐จ ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐žCafis;Markii aan arkay:  Qoddobka 90aad, Faqraddiisa 5aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Mark...
25/02/2026

๐–๐š๐ซ๐ž๐ž๐ ๐ญ๐จ ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐ž

Cafis;

Markii aan arkay: Qoddobka 90aad, Faqraddiisa 5aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markii aan arkay: Qoraalka Taliyaha Ciidanka Asluubta ee summaddiisu tahay TCA/G-01/85/2026, kuna taariikhaysan 19/02/2026.

Markii aan tixgeliyey: Qoraalka soo-jeedinta ah ee Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ee summaddiisu tahay XIG/JSL/115/2026, kuna taariikhaysan 24/02/2026, ujeeddadiisuna tahay Talo Bixin Cafis;

Markii aan la-tashaday: Hayโ€™adaha ay khusayso;

๐–๐š๐ฑ๐š ๐š๐š๐ง ๐ ๐จโ€™๐š๐š๐ฆ๐ข๐ฒ๐ž๐ฒ;

In laga bilaabo taariikhda maanta aan Cafis Guud u fidiyo Maxaabiista dembiyadda fudud ku xukuman ee xabsiyada dalka ku xidhan, oo tiradoodu dhan tahay ๐Ÿ•๐Ÿ๐Ÿ‘ (๐“๐จ๐๐๐จ๐›๐š ๐›๐จ๐ช๐จ๐ฅ ๐ข๐ฒ๐จ ๐ฌ๐š๐๐๐ž๐ฑ ๐ข๐ฒ๐จ ๐ญ๐จ๐›๐š๐ง) maxbuus. Cafiskani saamayn kuma laha xuquuqda madaniga ah iyo raadka ciqaabeed ee ka dhalanaya dembiyada ay ku xukunnaayeen. Waxa cafiskan fulinaya Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka, iyada oo la raacayo liiska Maxaabiista ee ku lifaaqan.

๐€๐ฅ๐ฅ๐š๐š ๐Œ๐š๐ก๐š๐ ๐‹๐ž๐ก
______________
๐‚๐š๐›๐๐ข๐ซ๐š๐ฑ๐ฆ๐š๐š๐ง ๐Œ๐š๐ฑ๐š๐ฆ๐ž๐ ๐‚๐š๐›๐๐ข๐ฅ๐ฅ๐š๐š๐ก๐ข (๐‚๐ข๐ซ๐ซ๐จ)
๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐‰๐š๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐

๐‡๐š๐ฆ๐›๐š๐ฅ๐ฒ๐š๐๐š ๐“๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š๐ก๐š ๐†๐ฎ๐ฎ๐ ๐ž๐ž ๐‚๐ข๐ข๐๐š๐ง๐ค๐š ๐€๐ฌ๐ฅ๐ฎ๐ฎ๐›๐ญ๐š ๐‰๐’๐‹, ๐ž๐ž ๐‚๐ฎ๐ซ๐š๐ฌ๐ก๐š๐๐š ๐๐ข๐ฌ๐ก๐š ๐๐š๐ซ๐š๐ค๐š๐ฒ๐ฌ๐š๐ง ๐ž๐ž ๐‘๐š๐ฆ๐š๐๐š๐š๐ง. Hargeysa : 17/02/2026 () T...
17/02/2026

๐‡๐š๐ฆ๐›๐š๐ฅ๐ฒ๐š๐๐š ๐“๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š๐ก๐š ๐†๐ฎ๐ฎ๐ ๐ž๐ž ๐‚๐ข๐ข๐๐š๐ง๐ค๐š ๐€๐ฌ๐ฅ๐ฎ๐ฎ๐›๐ญ๐š ๐‰๐’๐‹, ๐ž๐ž ๐‚๐ฎ๐ซ๐š๐ฌ๐ก๐š๐๐š ๐๐ข๐ฌ๐ก๐š ๐๐š๐ซ๐š๐ค๐š๐ฒ๐ฌ๐š๐ง ๐ž๐ž ๐‘๐š๐ฆ๐š๐๐š๐š๐ง.

Hargeysa : 17/02/2026 () Taliyaha guud ee ciidanka asluubta jsl, Sareeye guuto Axmed Cawaale Yuusuf (Libaax) isagoo ku hadlaya magaciisa iyo kan ciidanka asluubta jsl waxa uu hambalyo iyo boggaadin udirayaa guud ahaan ummada islaamka gaar ahaan shacabka jamhuuriyadda soomaaliland curashada bisha barakaysan ee ramadaan 1447 H / 2026-ka awgeed oo ku beegan caawa.

Taliyuhu waxa uu hambalyo gaar ah udirayaa ciidanka asluubta jsl, Saraakiishooda, saraakiil xigeenadooda,aliflayda,dablayda iyo dhamman qoysaskooda meel kasta oo ay joogaanba. Taliyuhu wuxuu shacabka reer Somaliland u rajeeyey inuu ilaahay bisha barakaysan ee Ramadaan khayrkeeda siiyo ,sidoo kale waxa uu Ilaahayna "SWT" uga rajaynayaa inuu ka dulqaado cid kasta oo xanuun ugu soo gashay bisha ramadaan inta caafimaad qabtana Ilaahay u siyaadiyo.

Ugu dambayn taliyuhu waxa uu llaahay "SWT" ka baryey inuu inoo dambi dhaafo ,sanadkan sanadkiisana bash-bash, barwaaqo iyo badhaadhe inagu gaadhsiiyo, Sidoo kale inaga yeelo kuwii kaga faa'idaysta acmaal saalixa ah bishan barakaysan ee ramadaan.

ALLA MAHAD LEH.

Xafiiska Warbaahinta
Ciidanka Asluubta JSL

Hambalyada Taliyaha ee Sanad Guurada 32aad ee Aas-aaska Ciidanka Qaranka JSL.Hargaysa - 01-02-2026-()- Taliyaha guud ee ...
01/02/2026

Hambalyada Taliyaha ee Sanad Guurada 32aad ee Aas-aaska Ciidanka Qaranka JSL.

Hargaysa - 01-02-2026-()- Taliyaha guud ee ciidanka asluubta jamhuuriyadda somaliland sarreeyo guuto Axmed Cawaale Yuusuf (Libaax) waxa uu dhambaal hambalyo ah u dirayaa Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland sanad guurada 32aad awgeed ee ka soo wareegtay aas-aaska ciidanka Qaranka jsl oo ku beegan barri oo taariikhdu tahay 02-02-2026.

Taliyuhu waxa uu hambalyo gaar ah u dirayaa taliyaha guud ee ciidanka qaranka Jsl sarreeyo guuto : Nimcaan Yuusuf Cismaan Gaaxnuug, jananada, saraakiisha, saraakiil xigeenada, aliflayda, dablayda iyo dhammaan qoysaskooda meel kasta oo ay Joogaanba.

Ugu dambayntii taliyuhu waxa uu Alle "SWT" uga rajaynayaa inuu Sanadkan Sanadkiisa bash-bash, nabad-qab iyo Barwaaqo ku gaadhsiiyo dhammaan ciidanka qaranka jsl meel kasta oo ay joogaanba.

ALLAA MAHAD LEH.

Xafiiska Warbaahinta
Ciidanka Asluubta JSL.

Taliye ku xigeenka 1aad ee ciidanka asluubta Jsl sarreeyo guuto : Xasan Cali Cawad ayaa  maanta oo taariikhdu tahay 29/0...
29/01/2026

Taliye ku xigeenka 1aad ee ciidanka asluubta Jsl sarreeyo guuto : Xasan Cali Cawad ayaa maanta oo taariikhdu tahay 29/01/2026 tabobar usoo xidhay xubno kamida ciidanka asluubta jsl, Tabobarkaas oo la xidhiidhay qaab-qoraalka (๐˜ผ๐™˜๐™–๐™™๐™š๐™ข๐™ž๐™˜ ๐™’๐™ง๐™ž๐™ฉ๐™ž๐™ฃ๐™œ)) oo ay xarunta Alool Educational Consultancy ay soo agaasimtay kaas oo lagu qabanayay taliska guud ee Ciidanka Asluubta Jsl.

Hargeysa : 27/01/2026()  Taliye ku xigeenka 1aad ee ciidanka asluubta Jsl sarreeyo guuto : Xasan Cali Cawad ayaa  daah-f...
27/01/2026

Hargeysa : 27/01/2026() Taliye ku xigeenka 1aad ee ciidanka asluubta Jsl sarreeyo guuto : Xasan Cali Cawad ayaa daah-furay tababar la xidhiidha qaab-qoraalka (๐˜ผ๐™˜๐™–๐™™๐™š๐™ข๐™ž๐™˜ ๐™’๐™ง๐™ž๐™ฉ๐™ž๐™ฃ๐™œ)) oo ay xarunta Alool Educational Consultancy ay soo agaasimtay kaas oo lagu qabtay taliska guud ee Ciidanka Asluubta Jsl.

Tababarkan ayaa ujeedkiisa ugu weyni uu daarnaa kobcinta aqoonta iyo xirfadaha qoraalka tolmoon ee ciidanka , Tababarkan oo socon doona muddo saddex maalmood ah.

Taliye ku-xigeenka 1aad ee ciidanka asluubta jsl ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray xarunta Alool Educational Consultancy sida hagar la'aanta ah ee ay uga qayb qaadanayaan kobcinta aqoonta ciidamada, Geesta kale taliye ku-xigeenka ayaa kula dardaarmay xubnaha loo furay tababarkaasi inay ku dadaalaan sidii ay ugu faa'idaysan lahaayen tababarkan muddada uu socdo.

ALLAA MAHAD LEH.

Xafiiska Warbaahinta
Ciidanka Asluubta Jsl

Hargeysa : 26/01/2026 () Taliyaha Guud ee Ciidanka Asluubta Jsl  Sarreeyo guuto Axmed Cawaale Yuusuf (Libaax) ayaa ka qa...
26/01/2026

Hargeysa : 26/01/2026 () Taliyaha Guud ee Ciidanka Asluubta Jsl Sarreeyo guuto Axmed Cawaale Yuusuf (Libaax) ayaa ka qayn galay Daah-furka Siyaasadda Qaran ee Ka-hortagga Xagjirnimada kullankaas oo ka dhacay Xarunta Wasaarada Cadaaladda Jsl.

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Md. Yoonis Axmed Yoonis oo ay weheliyaan Taliyayaasha Ciidamada Asluubta, Booliska iyo taliye ku-xigeenka Sirdoonka Qaranka ayaa saaka si wadajir ah kulan ula qaatay saraakiil ka socday Xafiiska Dawladda Ingiriiska iyo Hayโ€™adda GIST.

Kulankan oo ay ujeeddadeesu ahayd dhammaystirka iyo hir-gelinta siyaasadda qaran ee ka hortagga fikradaha xagjirnimada ah ayaa diiradda lagu saarayay xoojinta iskaashiga hayโ€™addaha amniga, caddaaladda iyo saaxiibada caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Ugu dambayn Taliyaha ayaa dhankiisa soo dhaweeyey kullanka Wax-ku oolka ah isaga oo tibaaxey in kullankan ahmiyad gaara
uleeyahay Qaranka jamhuuriyadda soomaaliland , Taliyaha ayaa sidoo kale xusey in kulanka uu noqon doona Biriish isku xidha dhammaan hay'adaha amniga dalka iyo bahda cadaaladda.

ALLAA MAHD LEH.

Xafiiska Warbahinta
Ciidanka Asluubta Jsl.

TACSI TALIYE  : 20-01-2026-()-INAALILAAHI WA INAA ILAAHI RAAJUCUUN.Taliyaha Guud ee Ciidanka Asluubta Jsl, Sarreeyo Guut...
20/01/2026

TACSI TALIYE : 20-01-2026-()-

INAALILAAHI WA INAA ILAAHI RAAJUCUUN.

Taliyaha Guud ee Ciidanka Asluubta Jsl, Sarreeyo Guuto: Axmed Cawaale Yuusuf (Libaax) isagoo ku hadlaya afkiisa iyo ka ciidanka Asluubta jsl Waxa uu dhambaal Tacsi tiiraanyo leh u dirayaa eheladii,qaraabadii, iyo asxaabtii ay ka baxday Alle ha u naxariistee Marxuumad Khadiija Sahal Ducaale oo shalay ku geeriyootay magaalada Burco.

Taliyuhu waxa uu si gaar ah uga tacsiyadaynayaa Taliyaha Hayโ€™adda Sirdoonka Qaranka JSL, Mudane Jaamac Maxamuud Cigaal oo Marxuumadu Alle Ha u naxariistee Hooyadii ahyd.

Ugu Dambayn Taliyuhu waxa uu Alle โ€œSWTโ€ uga baryaya in uu naxariistii Janno fardawsa ka waraabiyo qoyskii, asaxaabtii iyo qaraabadii ay Marxuumaddu ka baxadayna ilaahay โ€œSWTโ€ Samir iyo Iimaan Saadiqa ka siiyo.

Aamiin... Aamiin... Aamiin.

ALLAA MAHAD LEH.

Xafiiska Warbaahinta
Ciidanka Asluubta JSL.

TACSI TALIYE: 14/01/2026-()-INAALILAAHI WA INAA ILAAHI RAAJUCUUN.Taliyaha Guud ee Ciidanka Asluubta Jsl, sareeyo Guuto A...
14/01/2026

TACSI TALIYE: 14/01/2026-()-

INAALILAAHI WA INAA ILAAHI RAAJUCUUN.

Taliyaha Guud ee Ciidanka Asluubta Jsl, sareeyo Guuto Axmed Cawaale yuusuf (libaax), Waxa uu Dhambaal Tacsi tiiraanyo leh u dirayaa ehaladii,qaraabadii, asxaabtii, iyo qaranka Jamhuuriyada Soomaaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariiste Marxuum Mujaahid : Yuusuf Kirix Cawad oo ku Geeriyoodey Caasimada Hargeysa.

Taliyuhu waxa uu marxuumka Ku sifeeyay halyey qaranka jamhuuriyadda soomaaliland tacab iyo dadaal geliyey sidoo kalena in badan qaranka usoo shaqeeyey kana qayb qaatay dib u dhiskii dalka, taliyaha ayaa sidoo kale xusay in mujaahidku ahaa ruux cibaado badan, dadaal, karti iyo waayo aragnimo shaqo koobsaday.

Ugu dambayn Taliyuhu waxa uu ilaahay โ€œSWTโ€ uga baryayaa marxuumka in uu naxariistii Janno fardawsa ka waraabiyo. Qaranka Jamhuuriyada Soomaaliland, qoyskii, asaxabtii, iyo ehelkii uu marxuumku ka baxayna ilaahay โ€œSWTโ€ Samir iyo iimaan Saadiq ah ka siiyo, kana yeelo Maccii Rasuulkeena "SCW"

Aamiin... Aamiin... Aamiin.

ALLA MAHAD LEH.

Xafiiska Warbaahinta
Ciidanka Asluubta JSL.

13/01/2026

Maanta oo Taariikhdu tahay 13/01/2026 Taliyaha guud ee Ciidanka Asluubta Jsl Sarreeyo guuto Axmed Cawaale Yuusuf (Libaax) oo ay weheliyaan Wasiirka madaxtooyada khadar xuseen cabdi , wasiirka wasaarada cadaaladda jsl Yoonis Axmed Yoonis , wasiirka wasaarada diinta iyo Awqaafta jsl cabdillahi Baashe, badhasaabka gobolka maroodi jeex iyo Taliyaha Ciidanka Booliska ayaa kormeer indho indhayn ah ku tagay xabsiga Halleeya oo haatan ku jira marxaladdii ugu dambaysay ee qalabaynta iyo dhammaystirka.

Taliye ku-xigeenka Ciidanka Asluubta Jsl Sarreeye guuto :- Xasan Cali Cawad oo uu weheliyo Hoggaanka ciidanka G/sare Sal...
01/01/2026

Taliye ku-xigeenka Ciidanka Asluubta Jsl Sarreeye guuto :- Xasan Cali Cawad oo uu weheliyo Hoggaanka ciidanka G/sare Saleebaan Yuusuf Cabdillahi iyo Saraakiil kale oo ka tirsan ciidanka asluubta jsl ayaa ka qayb galay xafladda qalin jabinta Ciidamada oo ay soo agaasimeen Machadka Orbit, tababarkaas oo ku saabsanaa Adeegsiga Tiknoolajiyadda oo lasiinayay xubno ka kala socday Ciidamada kala duwan ee Qaranka Jsl.

Taliye ku-xigeenka oo halkaasi ka hadlay ayaa hambalyo udiray machadka Orbit oo si hagar la'aan ah u dhisay aqoonta ciidanka ee dhanka Tiknoolajiyada , taliye ku-xigeenka ayaa sidoo kale u hambaleeyay xubnaha ka qalinjabiyay machadka isaga oo hambalyo gaar ah udirey xubnaha ciidanka asluubta jsl ee ka qalin jabiyay machadka.

Ugu dambayn Taliye ku-xigeenka ayaa hambalyo iyo dardaaran u jeediyey dhamaan Xubnaha kala duwan ee qaatay Tababarka, isagoo kula dardaarmay inay qarankooda ku anfacaan cilmigaa ay barteen si hufnaan leh.

Allaa Mahad Leh.

Xafiiska Warbaahinta
Ciidanka Asluubta JSL

Hambalyada Taliyaha Ciidanka Asluubta JSL, ee Curashada Sannadkan cusub ee Miilaadiga 2026.Hargeysa -31-12-2025-() Taliy...
31/12/2025

Hambalyada Taliyaha Ciidanka Asluubta JSL, ee Curashada Sannadkan cusub ee Miilaadiga 2026.

Hargeysa -31-12-2025-() Taliyaha Guud ee Ciidanka Asluubta JSL, Sareeye Guuto Axmed Cawaale Yuusuf (Libaax) isagoo ku hadlaya magaciisa iyo kan Ciidanka Asluubta, waxa uu hambalyo iyo Bogaadin udiraya dhamman shacab waynaha Jamhuuriyada soomaaliland curashada sanadka cusub ee miilaadiga 2026 oo ku beegan maalinta beri ah oo khamiis ah 01.01.2026.

Taliyuhu waxa uu hambalyo gaar ah udirayaa Ciidanka Asluubta Jsl. Saraakiishooda, saraakiil xigeenadooda,aliflayda,dablayda iyo dhamman qoysaskooda meel kasta oo ay joogaanba. Dhanka kale taliyaha ayaa ku booriyay bulshada xariirta ah ee Jamhuuriyada somaliland inay la shaqeeyaan hayโ€™adaha amniga si meel looga soo wada jeedsado ilaalinta nabada iyo xasiloonida dalka.

Ugu dambayn Taliyuhu waxa uu llaahay "SWT" ka baryay inuu Sanadkan sanadkiisa bash-bash, barwaaqo, nabad iyo badhaadhe inagu gaadhsiiyo. Kana yeelo Sanad nabad, xasilooni iyo horrumar wata. Sidoo kale inaga yeelo kuwii kaga faa'idaysta acmaal saalix ah.

ALLA MAHAD LEH.

Xafiiska Warbaahinta
Ciidanka Asluubta JSL.

Address

Hargesa

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Ciidanka Asluubta JSL posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Ciidanka Asluubta JSL:

Share