02/04/2026
Nairobi (April 2, 2026) – Wafdi uu hoggaaminayo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta, mudane Dr. Shucayb Cismaan Maxamuud, ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya kaga qayb galay tababar heerkiisu sarreeyo, kaas oo ay si wadajir ah u soo qabanqaabiyeen Wasaaradda Horumarinta Dhaqaalaha JSL iyo Baanka Adduunka.
Ujeeddada tababarkaas ayaa daaranayd dardargelinta iyo kor u qaadidda hannaanka hawl-socodsiinta mashaariicda uu Baanka Adduunku ka taageero Jamhuuriyadda Somaliland.
Muddadii saddexda cisho ahayd ee uu socday tababarkaas, waxa xoogga lagu saaray hannaanka diyaarinta mashaariicda Baanka, doorarka iyo masuuliyadaha la xidhiidha, isgaadhsiinta iyo isku-dubaridka daneeyayaasha, hufnaanta maamulka maaliyadda iyo wax iibsiga, iyo ugu dambayntii kormeerka iyo dabagalka mashaariicda.
Intii lagu guda jiray xidhitaanka xafladda, waxa kalmado kooban ka jeediyay masuuliyiinta Baanka Adduunka, Safiir ku-xigeenka Somaliland ee dalka Kenya Amb. Sharmarke Geele, Safiirka Somaliland ee dalka Kenya Amb. Maxamed Cabdilaahi Cumar, iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Dhaqaalaha, mudane Maxamed Xasan Sulaymaan.
Gabagabadii tababarka, waxa la guddoonsiiyay shahaadooyinkii tababarka dhammaan ka qaybgalayaashii muddadaas saddexda cisho qaadanayay tababarka.
W. Xidhidhka Dadwaynaha iyo Saxaafadda ee WT&M.