03/06/2026
๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐
๐๐๐๐๐
Fadhigii 64-aad ee Shirka Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha JSL, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyada JSL.
๐๐๐ซ๐๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐ ๐๐๐๐ฅ๐๐๐๐ ๐๐ก๐๐ช๐๐๐ฅ๐๐ก๐ ๐๐๐ฅ๐ค๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐๐ฌ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐๐ก๐ ๐๐๐:
Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha JSL, Mudane Ismaaciil Mawliid Cabdilaahi ayaa Golaha Wasiirrada uga xog-warramay saamaynta uu dagaalka Bariga Dhexe ku yeeshay dakhliga Qaranka uga soo xerooda Cashuuraha Kastamada, maadaama uu hoos-u-dhac ku yimid dhaqdhaqaaqa ganacsiga, isu-socodka badeecadaha dunida, kor u kaca qiimaha shidaalka iyo Caymiska Gaadiidka Badda.
Dhinaca kale, Wasiiru-Dawluhu waxa uu Golaha la wadaagay Qorshaha Wasaaradda ee lagu daraasadaynayo suuqyo kale oo ganacsi iyo ilo dakhli oo la isku hallayn karo. Wasiirku waxa uu sheegay in ay Wasaaraddu ku hawllan tahay dib-u-habayn weyn oo lagu samayn doono Cashuuraha Badeecadaha iyo Adeegyada (GST) iyo weliba sal-ballaadhinta cashuurtan iyada ah, si loo xoojiyo dakhliga gudaha, loo kobciyo hufnaanta nidaamka cashuuraha, loona xaqiijiyo danaha bulshada iyo horumarka dhaqaalaha Qaranka.
๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐ ๐๐๐
Xigasho Madaxtooyada JSL