Guddida Dabagalka iyo Ilaalinta Hantidda Qaranka

Guddida Dabagalka iyo Ilaalinta Hantidda Qaranka The Public Accounts Committee (PAC) is one of the ten sub-committees in the Somaliland House of Representatives.

The main function of this committee is to scrutinize the budget expenditure of the different bodies of the government and autonomous agencies.

Hargeysa – Arbaca, 6 May 2026 Gudidda Dabagalka iyo Ilaalinta Hantida Qaranka(PAC) ee Golaha Wakiillada JSL ayaa maanta ...
06/05/2026

Hargeysa – Arbaca, 6 May 2026 Gudidda Dabagalka iyo Ilaalinta Hantida Qaranka(PAC) ee Golaha Wakiillada JSL ayaa maanta yeeshay kulankii 1aad kaddib isku shaandhayntii uu sameeyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada JSL, Mudane Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon).

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray dejinta Qorshe howleedka Gudida ( Work plan), iyadoo la isla qaatay in la xoojiyo hannaanka shaqo, isla markaana la dardargeliyo waajibaadka shaqo, kormeerka iyo la xisaabtanka ee guddidu u xilsaaran tahay

𝐗𝐈𝐋-𝐖𝐀𝐑𝐄𝐄𝐉𝐈𝐍.Guddoomiye Ku-xigeenka 2aad ee Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cali Xaamud Jibriil, ayaa...
20/04/2026

𝐗𝐈𝐋-𝐖𝐀𝐑𝐄𝐄𝐉𝐈𝐍.

Guddoomiye Ku-xigeenka 2aad ee Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cali Xaamud Jibriil, ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 20-04-2026, xilalka u kala wareejiyey Guddoomiyeyaasha Guddida Dabagalka iyo ilaalinta Hantida Qaranka ee Golaha Wakiillada.

Xil-wareejintan waxaa xilka kula kala wareegay Guddoomiyihii h**e ee Guddida, Mudane Maxamed Jaamac Liibaan iyo Guddoomiyaha cusub ee Guddida Dabagalka iyo Ilaalinta Hantida Qaranka, Mudane Cabdikariin Maxamed Muxumed.

Xeerarka iyo qabyo-qoraallada ay guddidii h**e ku wareejisay guddida cusub waxaa ka mid ahaa:

1. Wax-ka-beddelka iyo kaabista Xeerka Hawnti-dhawrka
Qaranka.
2. Wax-ka-beddelkaiyo kaabista Xeerka Ka hortagga Ku Takrifalka
Hantida Qaranka iyo la Dagaalanka MusuqMaasuqa.

Munaasabadda xil-wareejinta ayaa waxaa goobjoog ka ahaa xubnihii h**e iyo xubnaha cusub ee Guddida Dabagalka iyo ilaalinta Hantida Qaranka ee Golaha Wakiillada., iyo sidoo kale Xoghaye ku xigeenka Guud ee Golaha Wakiillada, Mr. Jamaal Jaamac Jiir.

Ugu dambayn, xil-wareejintan ayaa si habsami leh uga qabsoontay xafiiska Guddida Dabagalka iyo ilaalinta Hantida Qaranka ee Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland.

𝗔𝗹𝗹𝗮𝗮 𝗠𝗮𝗵𝗮𝗱 𝗟𝗲𝗵.

𝐃𝐎𝐎𝐑𝐀𝐒𝐇𝐀𝐃𝐀 𝐆𝐔𝐃𝐃𝐎𝐎𝐌𝐈𝐘𝐀𝐇𝐀 𝐈𝐘𝐎 𝐊𝐔-𝐗𝐈𝐆𝐄𝐄𝐍𝐊𝐀 𝐆𝐔𝐃𝐃𝐈𝐃𝐀 𝐃𝐀𝐁𝐀𝐆𝐀𝐋𝐊𝐀 𝐈𝐘𝐎 𝐈𝐋𝐀𝐀𝐋𝐈𝐍𝐓𝐀 𝐇𝐀𝐍𝐓𝐈𝐃𝐀 𝐐𝐀𝐑𝐀𝐍𝐊𝐀 𝐄𝐄 𝐆𝐎𝐋𝐀𝐇𝐀 𝐖𝐀𝐊𝐈𝐈𝐋𝐋𝐀𝐃𝐀 𝐉𝐀𝐌𝐇𝐔𝐔𝐑𝐈𝐘𝐀𝐃...
13/04/2026

𝐃𝐎𝐎𝐑𝐀𝐒𝐇𝐀𝐃𝐀 𝐆𝐔𝐃𝐃𝐎𝐎𝐌𝐈𝐘𝐀𝐇𝐀 𝐈𝐘𝐎 𝐊𝐔-𝐗𝐈𝐆𝐄𝐄𝐍𝐊𝐀 𝐆𝐔𝐃𝐃𝐈𝐃𝐀 𝐃𝐀𝐁𝐀𝐆𝐀𝐋𝐊𝐀 𝐈𝐘𝐎 𝐈𝐋𝐀𝐀𝐋𝐈𝐍𝐓𝐀 𝐇𝐀𝐍𝐓𝐈𝐃𝐀 𝐐𝐀𝐑𝐀𝐍𝐊𝐀 𝐄𝐄 𝐆𝐎𝐋𝐀𝐇𝐀 𝐖𝐀𝐊𝐈𝐈𝐋𝐋𝐀𝐃𝐀 𝐉𝐀𝐌𝐇𝐔𝐔𝐑𝐈𝐘𝐀𝐃𝐀 𝐒𝐎𝐌𝐀𝐋𝐈𝐋𝐀𝐍𝐃 (𝐉𝐒𝐋).

Ka dib isku shaandhayntii uu sameeyay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada JSL, Mudane Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 12-04-2026, Guddida ee Golaha Wakiillada JSL ay doorteen hoggaankooda cusub.

Guddida Dabagalka iyo ilaalinta Hantida Qaranku waxay Guddoomiye u doorteen Mudane Cabdikariin Maxamed Muxumed, halka ay Guddoomiye Ku-xigeen u doorteen Mudane Ibraahin Cali Jaamac (Suudi).

Doorashadan oo ay goobjoog ka ahaayeen Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada, Mudane Siciid Mire Faarax (Giire) iyo Xog-haye Ku-xigeenka Golaha Wakiillada, Mr. Jamaal Jaamac Jiir, doorashadan ayaa si habsami leh uga qabsoontay Xafiiska Guddida.

Doorashadan ayaa qayb ka ah dhammaystirka dib-u-habaynta guddiyada Golaha, iyadoo la filayo in guddida Kale ay dooran doonaan hogaano cusub.

𝗔𝗹𝗹𝗮𝗮 𝗠𝗮𝗵𝗮𝗱le

𝐓𝐀𝐂𝐒𝐈 𝐓𝐈𝐑𝐀𝐀𝐍𝐘𝐎 𝐋𝐄𝐇إِنَّا لِلّٰهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعُونَGuddoomiyaha Guddida Dabagalka iyo Ilaalinta Hantida Qarank...
31/01/2026

𝐓𝐀𝐂𝐒𝐈 𝐓𝐈𝐑𝐀𝐀𝐍𝐘𝐎 𝐋𝐄𝐇

إِنَّا لِلّٰهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعُونَ

Guddoomiyaha Guddida Dabagalka iyo Ilaalinta Hantida Qaranka ee Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane MaxamedJaamac Libaan, isaga oo ku hadlaya magaciisa, ka Mudanayaasha iyo shaqaalaha Guddida, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa Ehelka, Qoyska, Qaraabada iyo guud ahaan Ummadda Somaliland ee uu ka baxay Marxuum Cabdilaahi Muuse Maxamed, oo ahaa Xildhibaan Cabdirashiid Cabdilaahi Muuse Aabihii, kaas oo xalay ku geeriyooday Magaalada Burco.

Guddoomiyuhu waxa uu Marxuumka Alle SWT uga baryayaa in uu naxariistiisa Janno ka waraabiyo, Ehelkiisa, Qaraabadiisa iyo guud ahaan Qaranka Somalilandna ka siiyo samir iyo iimaan saadiq ah.

﴿كُلُّ نَفْسٍ ذَائِقَةُ الْمَوْتِ ۗ وَإِنَّمَا تُوَفَّوْنَ أُجُورَكُمْ يَوْمَ الْقِيَامَةِ ۖ فَمَنْ زُحْزِحَ عَنِ النَّارِ وَأُدْخِلَ الْجَنَّةَ فَقَدْ فَازَ ۗ وَمَا الْحَيَاةُ الدُّنْيَا إِلَّا مَتَاعُ الْغُرُورِ﴾

Aamiin, Aamiin, Aamiin.

𝐇𝐚𝐫𝐠𝐞𝐲𝐬𝐚 — 25 January 2026 Guddida Dabagalka iyo Ilaalinta Hantida Qaranka iyo Guddida Dhaqalaha ee Golaha Wakiillada ay...
25/01/2026

𝐇𝐚𝐫𝐠𝐞𝐲𝐬𝐚 — 25 January 2026 Guddida Dabagalka iyo Ilaalinta Hantida Qaranka iyo Guddida Dhaqalaha ee Golaha Wakiillada ayaa maanta kulan muhiim ah isugu yeedhay qaybo ka mid ah Hay’addaha Dawladda, Hay’adaha Caalamiga ah, Ururrada Bulshada, Jaamacadaha iyo Khubaro ku takhasusay Maamulka Maaliyadda iyo Arrimaha Hanti-dhawrka.

Kulanka ayaa daaranaa soo bandhigidda Habraacyada kala duwan ee Guddiyadu ku shaqeeyan, kuwaas oo hagaya hawlaha dabagalka, hanti-ilaalinta, iyo hubinta isla xisaabtanka hay’adaha qaranka.

Habraacyadan waxaa soo jeediyay khabiir sare, Mudane Axmed Yuusuf Dirirr, oo h**e u ahaa Hanti-dhawrihii Guud ee Qaranka, isla markaana qayb muhiim ah ka ahaa diyaarinta iyo dhammaystirka habraacyada la soo bandhigay.
Kulanka maanta ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo isla xisaabtanka, daahfurnaanta, iyo ilaalinta hantida qaranka.

25/01/2026

𝐇𝐚𝐫𝐠𝐞𝐲𝐬𝐚 — 25 January 2026 Guddida Dabagalka iyo Ilaalinta Hantida Qaranka iyo Guddida Dhaqalaha ee Golaha Wakiillada ayaa maanta kulan muhiim ah isugu yeedhay qaybo ka mid ah Hay’addaha Dawladda, Hay’adaha Caalamiga ah, Ururrada Bulshada, Jaamacadaha iyo Khubaro ku takhasusay Maamulka Maaliyadda iyo Arrimaha Hanti-dhawrka.

11/12/2025

Maalinta Musuqmaasuqa

Xuska Maalinta Caalamiga ah ee loo asteeyey la dagaalanka Musuqmaasuqa ee 9-ka December, oo ay si wadajir ah Usoo agaasi...
09/12/2025

Xuska Maalinta Caalamiga ah ee loo asteeyey la dagaalanka Musuqmaasuqa ee 9-ka December, oo ay si wadajir ah Usoo agaasimeen Gudida ilaalinta iyo dabagalka Hantida Qaranka ee Golaha Wakiilada Somaliland, Xafiiska Hantiidhawrka Guud ee Qaranka Jamhuuriyada Somaliland iyo Komishanka Maamul wanaaga Qaranka ayaa maanta ka Qabsoomay Hotel Ambassador.
Kulankaa oo sannadkan halku-dhigiisu aha, midaynta dhalinyarta si looga hor tago musuqmaasuqa una gaadho mustaqbal wanagsan.

Guddida Dabagalka iyo Ilaalinta Hantidda Qaranka

09/12/2025

“Musuq maasuqu waa xanuun kudhaca Siistamka Dawladnimo waa xanuun Safmareen ah”

Mp Mohamed Jama Liban
Gudoomiyaha Guddida Pac

“Musuq maasuqu waa xanuun kudhaca Siistamka Dawladnimo, waa xanuun Safmareen ah”
09/12/2025

“Musuq maasuqu waa xanuun kudhaca Siistamka Dawladnimo, waa xanuun Safmareen ah”

Address

Road Numaber 1/Sha'ab Area/Near Presidentail Palance
Hargesa

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Guddida Dabagalka iyo Ilaalinta Hantidda Qaranka posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Guddida Dabagalka iyo Ilaalinta Hantidda Qaranka:

Share