28/12/2020
Bilan iyo Balwaddeedii
3.
"Laamiga ma idinkaa iska leh gabarey, cabbaar ayaad iskaga laafyoonaysay, gabar laandheere ah baaba tahaye," Ayaa cod debecsan oo xifaalo iyo maagis iskugu jira, gaariga dhexdiisa laga soo yiri. Muusig u shidnaa oo aanan markii h**e maqlayn, baa guuxiisu isoo gaarayaa. Waji dhoollacaddaynayana waa isoo eegayaa.
"War naga tag, laamigu waaba bannaan yahay ee maad martid," Baan sida qof bakadsan, oo haddana is-difaacaysa ugu jawaabay. Oo waxaan isku daray bootin aan uga fogaanayo gaariga taakada la ii soo jirsiiyay, iyo afka oo aan marada saartay, qajilaad darteed, baan haddana socodkaygii sii watay. Goor aan xitaa tillaabada qaaday ma xasuusto. Is-xak**aynta oo dhan ayaa iga luntay. In aan wali la taaganahay iyo in aan ka dhaqaaqayba, maamulkeeda anigu ma hayn. Ma aqaan wax dhacay.
"Maxaa kugu dhacayna oo la boodday? Waan kula kaftamayay oo kaliya. Fiiri ! ma ku sii qaadi karaa haddii aad jeceshahay? " ayaan geeskayga ka maqlay. Waa isagii oo i feer wada gaarigii, oo taayirka rogaya - aayar u soconaya.
"Maya ! Iskuulka waa ii dhow yahay," Ayaan durbadiiba si isku dhex yaac ah ugu jawaabay, anoo aan fekerinba, oo socodkaygii sii watay. Laakiin iskuulku iima dhawayn. Marka laga tago in aanan la qabsan nimanka la hadalkooda, haddana kani waaba ka sii burji wayn yahay.
"Waayahay, waa si fiican, laakiin istaag horta, arrin muhiim ah ayaan kuu sheegayaa," Ayuu i yiri, inta uu gaariga istaajiyay si aan u joojiyo socodka.
"Maxaad iga rabtaa? Bal haye," Baan ugu jawaabay, anoo wali saluugsan go'aanka aan qaatay ee ah taagnaanta. Waxaan is-leeyahay nambar iyo wax buu ku waydiin doonaa, laakiin anigu nambarkayga inaan siiyo diyaar uma ahi.
"Mid baan kuu sheegayaa. Dantaadu kuma jirto in aad iskuulka ka daahdo, oo albaabka lagaa xirto. Sidaas u la soco. Waana ku salaamayaa," Ayuu yiri.
Muraayaddii ayuu dallacday, oo leebar gaariga siiyay, si aan anigu islawayni u arko. Waad dareemaysaa in uusan ugu talagalin-ba jawaabtayda in uu sugo. Durbadiiba iga libdhay. "Huuuh...Haaah..." Waa neef tuuray! Haddana hawo ayaan qaatay. Laakiin maxaa igu dhacay? Ma ahan markii ugu horreysay, ee nin gaari wata uu ila qabsado, balse waligiis iima saamayn sidaan oo kale! Ma codkiisii debecsanaa, maagiddiisii xifaalada wadatay, dhoollacadayntiisii qariibka ahayd, iyo gariirkii muusigga, oo saanta isla helay, baa i sixray? Mise muraayadda hortayda lagu dallacday, iyo leebarka wada socday, baa qabkayga dhaawacay? Mooji. Maya! Waa in aan is adkeeyo. Ma ninkaas xunka ah ee aan haddeer laamiga ku arkay, baa sidaas oo dhan ii saamayn kara. Waboy waba! Ilaahow muu hadda soo noqdo! Horta kibir baa kujiray soo maaha? Markii u danbaysay isagoo aan jawaab iga sugin buu muraayadda iga dallacday oo dhaqaaqay. Wey oo wey! "Markuu i lahaa, 'Dantaadu kuma jirto in aad daahdo, oo iskuulka lagaa xirto,' xitaa fursad iima siin, aan ku iraahdo, maxaa kaa galay dantayda, iyo iskuulkayga." Alla intuu ii soo noqdo oo aan intaas ku iraahdo, muu iska tago. Ciil badanaa !
"Naayaa Bilan, soo dheere, aan orodnee, ma in Jeenigaab albaabka naga xirto ayaad rabtaa? " baa hortayda cod dhuudhuuban looga yiri, oo gacanta la ii haatiyay.
Alla waa Sacdiyo ! Waa saaxiibtay aan isku fasal nahay. Waan ku orday. Labo gabdhood oo kale ayaa la socda, oo fasallo kale ah. "Alla kaasaa nacay, Jeenigaab, maxaa isaga maalin kasta albaabka ku taagay," Baan cod xuurtaysan ku iri, aniga oo aan wali orodkii joojin, laakiin gabdhihii labo tillaabo u jira. Indhahayga waxaa laga dareemayaa sida in aan niyadda ka habaarayo Jeenigaab. Jeenigaab waa macallin ka tirsan iskuulka, balse fasalkayaga aan xiisad ugalin. Sida aan maqlayna maba xiisado badna. Waxaad mooddaa in uu qaabilsan yahay ardada cayr-cayrsigooda. Ciddii soo daahda isagaa ciqaaba. Albaabka isagaa xira. Ardada lacagta bisha la daahda, isagaa fasalka ka soo saara. Wax ka xifaaltan badan maleh, haddii aad qoorta isla gashaan. Xitaa adoo dugsi sare ah ayuu ul kula soo aadayaa.
"Alla Bilanay, ardadaas soo ordaysa fiiri, kii baa mindhaa albaabka taagan," Sacdiyo markay intaas igu tiri, iyo waxaa isku wakhti noqday, ardadii ka soo horjeedkayaga ka soo ordaysay oo orod albaabka ku galay. Jeenigaab baa madaxa albaabka kala soo baxay, oo indhaha nagu dhuftay annagoo soo ordayna. Wuuba ku raaxaystaa orodkayaga. Markuu arkay inaan labo tillaabo u soo jirno, buu qam siistay albaabka, oo quful wayn ka gaarsiiyay. Kaligayo ma ahane ardo badan, oo wiilal u badan, oo sidayada oo kale ordayay, baa albaabku na kulmiyay. Albaabku waa mid la iska dhex arko, oo ka samaysan biro adag, sida xabsiyada. Wakaas Jeenigaab sii socda isagoo aad moodid in uu gool soo dhaliyay.
"Jeenigaabow, surweelkaas iyo shaarkaas isk**a beddeshid miyaa? " Cabdifitaax oo agtayda taagan baa yiri, isaga oo qoslaya.
Cabdifitaax waa wiil aan isku fasal nahay, waana wiilka ugu fawdada badan iskuulka. Qosol baa lagu wada dhuftay intayadii meesha taagnayd, oo toboneeyo arday ahayd. Inta uu bariir iska kiciyay Jeenigaab, buu soo kala wareegay oo hortayada soo istaagay. Albaabka oo kaliya ayaa noo dhexeeya. Anigu afka ayaan marada saartay oo ka sii jeestay. Inuu i aqoonsado baan diidanahay. In badan buu albaabka iga xirtay anoo soo ordaya, oo inuu igarto baa laga yaabaa.
"Waa kee najaaska aan laga najaasanayn ee hadlay, yaa magacayga soo qaad ku yiri? Car wakaase haddaa nin tahay ku celi waxaad sheegaysay. " Jeenigaab baa si caro leh u yiri, intuu indhaha galka ka soo saaray.
Shibta ayaa loo xulay. Cidna uma jawaabin. Wuxuu qaylqayliyo, oo uu hadba wiil indhaha ku gubo, bal in uu u hadlo, oo uu hadba mid timahiisa wax ka sheego, buu markii danbe iska tagay. Cidna lama hadlin, ilaa uu cabbaar sii socday.
"Jeenigaabow, Xaliimo Bararaf maxaad isku tihiin? " baa Cabdifitaax mar kale yiri, isagoo qoslaya.
Xaliimo Bararaf waa islaan iskuulka xaaq-xaaqda, oo xoogaa gacmo gaagaaban sida Jeenigaab oo kale. Qosol baa isqabsaday. Ardada inta daacadda ahna Cabdifitaax bay ku xanaaqsan yihiin, oo leeyihiin, "Ma annagaa iskuulka naga cayrinaysaa, nagadaa ninyahaw Jeenigaab ha nagu faarfaarine, mar danbe waxba ha ku oran saaxiibow." Jeenigaab ma maqlin hadalkii, oo xafiisyada oo uu hormarayay buu ku leexday. Waxaan iridda dhoobnaano, oo hadba ardo kale oo soo daahday ay noogu yimaadaan, ayaa labadii xiiso oo h**e dhammaadeen.
Cabbaar kaddib ha soo baxo Jeenigaab oo ul wata. Annaga ha na soo abbaaro. Albaabkii ayuu inta naga furay, oo na soo xareeyay, ayuu nagu fayliyay barxad fasallada hortooda ah. Qorraxda ayaa na haysa. Intuu xoogaa noo booteeyay, buu markii danbe wuxuu noo istaagay geed tallaal naga soo horjeeda hooskiisa, si uu noogu ilaaliyo safka, qorraxdana uu uga gabbado. Ciddii safka khalada ama damacda inay fariisato ul baa taqaan. Cakuye Jeenigaab! Mar h**e bay i dhaaftay xiisaddii aan jeclaa ee taariikhda. Maanta jadwalka taariikh baa labada xiiso ee h**e nagu lahayd. Macallin Muuse ayaa maaddadaas i jeclaysiiyay. Waa macallin sheeko badan oo balaaqo leh. Casharradiisa markuu sharxo wixii ka danbeeya akhrinba uma baahna. Xitaa sidiisa kale waa macallin dabeecad fiican. Ardada kuwa ugu fawdada badan baa xitaa ixtiraama. Markuu xiisadda noogu jiro fasalku waa shib, qof sheekaynaya maleh. Isaga ayaa naga keensaday in aan sidaas u ixtiraamno. Alla yaa macallimiinta oo dhan Muuse oo kale ka dhiga.
Bal Muuse iyo axadkaan na hor taagan isku fiiri. Horta sababta na loo ciqaabayo ma soo daahitaankaa, mise waa caydii Jeenigaab? Yeelkadeede! Waxaanba soo xasuustay qoraal aan shalay Facebook ka akhriyay, ma xasuusto qofkii soo dhigay. Waxaa kamid ahaa, "Horta maxaa loo la jeedaa in ardada lagu ciqaabo, in xiisadaha la dhaafiyo? Waxa loo ciqaabayo soo waxbarasho darteed ma ahan? Haddaba sidee loogu ciqaabi karaa waxbarasho la'aan, si ay wax u bartaan? Inleen haddii xiisadaha la dhaafiyo, soo k**a dhigna in waxbarasho la'aan lagu ciqaabayo." Su'aalahaas iyo ka badan ayaa kamid ahaa. Runtii waa qoraal aniga Bilan ahaan i saameeyay, oo dood cusub igu abuuray. Mararka qaarkood waxaan is iraahdaa, Facebook macallimiin kale ayaa jooga oo kuwayaga ka fiican. Waligood macallimiintayadu maskaxdayada ma dhisin, in ay cashar noo dhigan ma ahane, marka laga reebo macallin Muuse. Horta waa inaan Jeenigaab wayddiiyo su'aalahaas. Maya...Maya, baxarkaas kuma jiro. Ma anaa Jeenigaab su'aalo wayddiiya, oo uu i caayaa, ardaduna iga xaraabaystaan.
Goor aan cabbaar taagnayn ayaa maamulihii noo yimid. Xoogaa buu inta wax noo sheeg-sheegay buu na xareeyay. Sidaas baan maalintaas ku dhammaystay. Maalintii danbe ee xigtay anoo isla laamigii soo haya oo iskuulka u soo socda, baan arkay gaari ila siman.
"Naa Bilaney, cabbaar baan kuu dhawaaqaynay ee gaariga soo gal, yuusan Jeenigaab albaabka naga xiran sidii shalay oo kale," Baa cod dumar gaariga looga dhex yiri.
Alla! Waa Sacdiyo aan isku fasal ahayn, oo gaari lagu wado. Laakiin gaarigu waa kii shalay 'e. See u wax u khaldan yihiin. Ma anaa riyoonaya mise waa dhab? Maxaa sacdiyo iyo gaarigii shalay isku keenay? Muraayadaha oo dhan buu haaf-dajiyay, si aan u arko cidda saaran gaariga. Kursiga baasajeeriga (darawalka ku xiga) Sacdiyo ayaa saaran. Gadaalna labadii gabdhood ee shalay Sacdiyo la socday. Wiilka gaariga wada waa isla kii shalay laftirkiisii. Butuli iima furin, wuuba is-khaafinayaa. Mar mar buu xitaa inta uu Sacdiyo eego, buu leeyahay, "Sacdiyo, ma ka tagnaa gabadhaan, ma socoto baan u malaynayaaye," Markaasaa Sacdiyana tiraahdaa, "Alla gabadhaan isku fasal baa nahay, way na raacaysaa Ibraahinow,". Anigu wali indhahaan taagayaa, oo meel la iga jiraba ma aqaan.
"Abaayo Sacdiyo ani gaarigaan raaci mayo," Baan si naxdin naxdin ah u iri, aniga oo aan garanayn goorta ay erayadaani iga soo baxeen.
"Bilan abaayo maxaa kaa khaldan? Wiilkaan miyaa taqaanaa adi? Waa dariskayaga anagaa soo raacnay isagoo soo socda. Midda kale, ma gaari annagu aan saarannahay baad ka cabsanaysaa?" bay iigu jawaabtay, si boobsiis ah.
Waxaan is iri war jiraaba cakaaruu imaane, gal gaariga. Mar horta waan farxay oo ninkaan cid ii taqaana waan rabay, oo xan fareesh ah iga siisa. Marna u qaadan waa bay igu noqotay. Shirka danbe ayaa gabdhihii ku jiray isku durkeen, si ay boos iigu banneeyaan. Dalaq baan iri. Mukayf baa i qabsaday, iyo muusiggii shalay oo kale mid ka sii macaan. Qorraxdii aan lugaynayay iyo meesha aan dhex fadhiyo kala fogaa. Ibraahim in la yiraahdo Sacdiyo ayaan haddeer ka maqlayay. Isaguna in Bilan la i yiraahdo mindhaa Sacdiyo ayuu ka maqlay, markay ii yeeraysay. Muraayadda yarta ah ee wajigiisa ka korreysa - ee loogu talagalay in darawalku adeegsado, marka gaarigu dib-dib u baxayo - ayuu si shaxaarinnimo ah iigu soo aaddiyay. Indhihiisii cadcaddaa iyo dhoollacadayntiisii mucjisada ahayd ayuu iga daawadsiiyay.
Mar kaliya ayaan dareemay gacan labadayda lugood dhexdooda haahaabanaysa ! Saa waan booday !
"Naa maxaa la bood-boodaysaa Bilaney, qarxisadii meeday? Kor u istaag horta, mindhaa adaa ku fadhiyee. Midda kale maxaa ka fekeraysay? Cabbaar dhan baan kula hadlayay, oo aad ii soo jeensan waydaye." Afey oo intaas i leh baan ku baraarugay, sida qof hurdo ka kacay.
Inleen Afey baa qarxisadii sigaarka lagu shidanayay raadinaya, oo dhabtayda ka baaraya. Waa waxaas waalanee, maxaa aniga dhabta ii saaray. Midda kale cabbaaradaanba sigaar ma shidan.
"War naga tag, waa naga nixisaye, qarxiso ma aanu aragee." Anoo ugu jawaabay iyo waxaan isku daray, in aan is-hurgufo anoo taagan.
"Naa xagee buu ka baaray qarxisada," Bay Sahro Kuus tiri, iyadoo qoslaysa, oo iga xaraabaysanaysa.
Qolkii oo dhan baa qosol isqabsaday. "Gah...Gah...Gah"-da Cali Ruugaaye baa iigu daran, oo isagu dadka qosolka wayn ah. Midig baan fiirshay, mise Farxaan Cadde iyo Hani baa lug ku rafanaya.........
La soco qaybta 4-aad.
Faalladaada hoos noogu reeb (comment), dareenkaaga "reaction" ku muuji, siina faafi (share).
W/Q: Maxamed Jaarlees
Indhacaat