04/03/2021
04/03/2021
. Gaadhsii qof kasta oo is leedahay waa anfacaysaa
Waxaynu Wax iska yara odhan doonaa xanuunka la idhaa dhiikarka kaas oo ah mid kamida xanuunada dilaaga ah ee lala noolyahay ilaa hada waxa la ogsoonyahay in 972million oo dad ahi la tacaalayaan xanuunkaa dhiikarka la idhaa
Hadaba Akhriste aan ku Horeeyno noocyada kala duduwan ee dhiikarka madaama oo badi dadku moodaan in uu jiro hal nooc oo xanuunka dhiikarka ah ka ah la idhaahdo
1. Labile hypertension
~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~
Waa nooc kamida dhiikarka kaas oo is bad badalaya Mar Cadaadiska dhiigu aad ubadanayo hadana uu hoos usoo dhacayo sidoo kale noocan dadka uu ku dhacaa aad ayay u maskax wareeraan waayo haday dhakhtar utagaan oo uu ku idhaa dhiikar ba aad leedahay hadana mid kale utagaan kii kalana ku idhaa ma lihid waxan lagugu sheegay
2. Persistent hypertension
~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~
Noocan waa nooc joogto ah oo cadaadiska dhiigu uu aad usareeyo
3. Accelerated hypertension
~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~
waa nooc kamida dhiikarka kaas oo qof la noolaa marka h**eba xanuunkan uu si dag dag ah uu ukacayo cadaadiska dhiigu
4. Resistent hypertension
~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~
waa nooc kamida dhiikarka kaas oo aan ka jawaab celinayn ugu yaraan 3dex daawo oo ah kuwa dhiikarka loo qaato
5. White coat hypertension
~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~
waa nooc kamida dhiikarka kaas oo marka uu qofku yimaadaba xarun caafimaad cadaadiska dhiigiisu saais ukacayo hadii uu gurigiisa tagana uu normal noqonayo
6. Mask hypertension
~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~
waa nooc kamida dhiikarka kaas oo cadaadiska dhiigu kacayo marka uu joogo gurigiisa hoosna usoo dhacyo marka uu xarun caafimaad imaado
7. Hypertension malignant
~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~
waa nooc kamida dhiikarka kaas oo xadiga cadaadiska dhiigu sare ukacayo isgoo wata calaamado ay ka mid yihiin dawakhaad ama miir beelid , indho beelid iyo calaamado kale Halis ah
8. Idiopathic intracranial hypertension
~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~
Waa nooc kamida dhiikarka kaas oo si fiican loo aqoon waxa keena kaas oo kubadan dumarka uu misaankoodu aad ubadanyahay iyo caruurtaba waana midka ugu badan ee keena indho beelida dag daga ah
W/Q =Abdimajed Mohamed MD
Refrence = Medscape , Imam Danish one of medical book