Wasaarada Horumarinta Beeraha Jsl Xafiiska Degmada Sallaxlay

Wasaarada Horumarinta Beeraha Jsl Xafiiska Degmada Sallaxlay Ministry Of Agricultural Development Sallahlay district office Supporting Farmers engagement in ag

xafiiska Wasaarada horumarinta beeraha ee degmadasalaxlay waxa uu ku hawlanyahay sidii kor loogu qaadi lahaa wax soo saarka degmada salaxlay

Saadaasha Roobka ee 25-May-2026 ilaa 31-May-2026.
25/05/2026

Saadaasha Roobka ee 25-May-2026 ilaa 31-May-2026.

21/05/2026

Siciid maxamed nuur nin dhalinyaro ah oo ka shaqaysanaya beertiisa oo ku taala duleedka Degmada Sallaxley .
waa tusaale iyo fariin ku socota dhalinyarada Asaagiisa ah ee aan dalkooda ka shaqaysanayn.

14/05/2026

14-May-2026, Khamiis
Waxaanu kulan la qaadanay saraakiil ka socday hay, adda GIZ oo safar shaqo ku Degmada Sallaxley .
Waxaanu warbixin ka siinay xaalada beeraha degmada sallaxlay iyo baahiyaha jira.

Dhinacooda waxa ay warbixin naga siiyeen mashruuc ay sahankiisa wadaan oo beeralayda lagaga taageerayo Aqoonta, Siidhka, qalabka iyo suuq gaynta.

Kulanka waxaa igu wehelinayay gudoomiyaha Dalada Noolays Sidiiq Jawaan iyo xubno ka mid ah maamulka dallada.
Gabo gabadii kulanka waxaanu soo tusnay teamka GIZ qaar ka mid ah beeraha duleedka sallaxlay.

Adan Abdirahman Dirie

04/05/2026

4-May-2026,Isniin.
Waxaan booqday tuulada Aadan Abokor oo ay maalmahan ka hawl galaysay mid ka mid ah cagafyada beeraha ee degmada, waxa aanu gaadhsiinay shidaalka ay ku hawl galayaan.
Sidoo kale waxaanu soo kormeernay Beerta ugu wayn ee halkan ku taal ee reer xaaji daahir.
Dhulku waxa uu noolaadaa marka dadkiisu toosaan ee ay wax kala soo baxaan.

Adan Abdirahman Dirie

27/04/2026

27-April-2026, Isniin
Waxa aanu u qaybinay Noocyo kala duwan oo siidh ah iyo qalabka lagaga shaqeeyo beeraha (Farm tools) 81 xubnood oo ka kala socday 5 iskaashato oo ka tirsan Dalada Noolays,qalabkan oo loogu talo galay in ay ka faa,iidaystaan 140 beeralay ah ayaa wajigiisa labaad la qaybin doonaa.

Sidoo kale waxaa la siinayaa beeralayda tababar ku saabsan qaabka loo beero beeraha casriga ah.

hay,adda Muslim Hands oo kaashanaysa Wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland ayaan uga mahadnaqaynaa in ay na soo gaadhsiiyeen Siidhka iyo qalabka.

sidoo kale xili roobaadkii oo loo baahnaa ayay ku soo beegeen.

09/04/2026

Kormeerka Wax soosaarka degaanka Libaax-qawdhama Degmada Sallaxley oo ay ka shaqaynayso mid ka mid ah cagafyada aanu gacanta ku haynaa.

06/04/2026

Daycatir kooban oo aanu ku sameeynay cagafta ka dib, waxaanu ku wareejinay maamulka iskaashatada Beeralayda tuulada Aadan Abokor si ay ugu qodaan beeraha degaanka una daryeelaan inta ay ka shaqaynayso degaankan.

Adan Abdirahman Dirie

Waxaanu gacmo furan iyo qalbi furan ku soo dhawynaynaa Wasiirka iyo wasiir ku xigeenka cusub ee loo magacaabay Wasaaradd...
05/04/2026

Waxaanu gacmo furan iyo qalbi furan ku soo dhawynaynaa Wasiirka iyo wasiir ku xigeenka cusub ee loo magacaabay Wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland .
waxaanu u rajaynaynaa in eebe u fududeeyo hawlaha qaran ee loo igmaday.

Sidoo kale waxaanu u rajaynaynaa Mustaqbal siyaasadeed oo wanaagsan Wasiir h**e Maxamuud Cige Yuusuf oo qaranka ugu soo adeegay si hufan,

25/03/2026

25-March-2026.
Waxaan soo kormeernay qaabka ay bulshada Degmada Sallaxley ugu shaqaynayaan cagafyada beeraha ee dadwaynuhu.
Waxaan kula dardaarmay darawaliinta in ay ilaaliyaan oo xil iska saaraan daryeelka iyo dayacyirkooda maadaama ay yihiin hanti qaran.

22/03/2026

Alle ayaa mahad leh
Roobkii gu, ga oo lagu qabawsaday ayaa ilaa xalay ka da, ayay Degmada Sallaxley ee Gobolka M/jeex.

Alle haka dhigo mid barako leh.
FG: xili roobaadka aan ka faa, iidaysano

Address

Hargeisa

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Wasaarada Horumarinta Beeraha Jsl Xafiiska Degmada Sallaxlay posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Wasaarada Horumarinta Beeraha Jsl Xafiiska Degmada Sallaxlay:

Share