27/01/2026
MAQAAL: Fariin Toos ah oo Ku Socota Dhallinyarada Ku Nool Soomaaliya iyo shacabkayga Jamhuuriyadda Somaliland
Anigu Jamhuuriyadda Somaliland ayaan ahay. Waxaan ka hadlayaa dal dadkiisu go’aan dhab uga soo go'ay maankooda qaatay, dhiig iyo dhidid ku bixiyay jiritaankiisa, kana tashaday masiirkooda si ka madax bannaan faragelin shisheeye. Fariintayaduna si gaar ah waxay ugu socotaa dhallinyarada ku nool Soomaaliya ee maanta ku nool dal fashilmay, dowlad la’aan iyo mustaqbal hubanti la’aan ah.
Somaliland lama dhisin shalay. Waxay ku dhalatay go’aan shacab oo ay hormuud u ahaayeen dhallinyaro nafahooda u huray. Waxay ka dhalatay shirar, wadatashi, is cafin, iyo heshiis ay gaadheen dhammaan beelaha ku wada nool dhulkan. Taasi waa xaqiiqo taariikheed oo aan la inkiri karin.
Dowladda maanta ka jirta Muqdisho ma aha dowlad awood leh oo matasha dhammaan ummadda Soomaaliyeed. Waa dowlad ku koobban xarun, kuna tiirsan ciidan shisheeye, dhaqaale shisheeye, iyo talo shisheeye. Awood uma laha in ay xukunto dalka oo dhan, kana hadli mayso masiirka shacab aan iyada dooran.
Dhallinyaroow, xaqiiqadu waa tan. Dal burburay wax talo ah lagama qaato. Dal aan amni lahayn, aan dhaqaale lahayn, aan midnimo lahayn, ma khasbi karo qaran kale oo is dhisay. Somaliland ma aha mushkiladda Soomaaliya. Somaliland ma burburin midnimo jirin. Midnimo dhab ah weligeed k**a jirin Soomaaliya ka dib 1960.
Midnimadu ma aha hadal, ma aha calan la wada qaato, mana aha qasab. Midnimadu waa rabitaan shacab, waa kalsooni, waa wada noolaansho dhab ah. Maanta koonfurta Soomaaliya ma midaysna. Maamul goboleedyo is diidan, dowlad dhexe oo la diidan yahay, hay’ado is burinaya, iyo hoggaan aan shacabkiisa xukumi karin ayaa ka jira.
Haddaba, sidee midnimo looga rabaa Hargeysa halka aysan ka jirin Muqdisho? Sidee Somaliland loogu eedayn karaa kala go’, iyadoo Soomaaliya lafteedu kala qaybsan tahay?
Somaliland waxay dooratay jidkeeda. Waxay tidhi waan is dhisayaa, waan is maamulayaa, waanan ilaalinayaa amnigayga iyo karaamadayda. Taasi ma aha cadownimo, mana aha diidmo walaaltinimo. Waa aayo-ka-tashi sharci ah oo shacab xaq u leh.
Dhallinyarada ku nool Soomaaliya, halkii aad wakhtiga ku lumin lahaydeen nacayb, eedayn, iyo riyo midnimo been ah, maxaa idiin diidaya inaad u istaagtaan dalkiinna burburay? Maxaa idiin diidaya inaad dhistaan dowlad idiin gaar ah, amni, iyo mustaqbal aad leedihiin?
Annagu macaanka dowladnimada waanu dhadhaminay. Amni ayaan haysanaa, doorasho ayaan qabannaa, hay’ado shaqeeya ayaan leenahay, dadkeennuna iyaga ayaa ka talinaya. Taasi ma aha wax nalooga keenay meel kale ee waa wax aanu dhisannay ka shacbi ahaan.
Shacabka Somaliland waa dad is fahmay, is doortay, is ogolaaday, oo aan u baahnayn cid kale oo u talisa. Sidaas darteed, faragelin, hanjabaad, ama cadaadis k**a beddelayso go’aanka shacab tashaday.
Fariintayadu waa mid cad. Somaliland lama laabanayso dal fashilmay. Somaliland lama hoos geynayo nidaam burburay. Somaliland waxay rabtaa nabad, walaaltinimo, iyo derisnimo ku dhisan ixtiraam iyo xaqiiqo.
Haddii aad dhab ka tahay horumar, marka h**e dalkiinna dhisa. Haddii aad rabtaan midnimo, marka h**e naftiinna mideeya. Haddii aad rabtaan sharaf, marka h**e madax-bannaanidiinna dhabta ah raadiya.
Ummad walba aayaheeda ayay ka tashataa. Anaguna waan tashannay.
Maamuusnidiin.
Abdifataah Hussien Osman
Jamhuuriyadda Somaliland