17/05/2026
๐๐๐ฆ๐๐๐ฅ๐ฒ๐จ ๐๐-๐ค๐ ๐๐๐ฒ:
Gudoomiyaha, Gudoomiye Ku-xigeenka, Xubnaha Guddida iyo Agaasimaha Guud, dhamaan waxay hambalyo diiran u dirayaan shacabka Jamhuuriyadda Somaliland meel kasta oo ay joogaan, munaasibadda weyn ee sanad-guurada 35-aad ee dib-u-la soo noqoshada madax-bannaanida.
Maalintani wa maalin qiimo wayn ku leh qalbiyada shacabka Somaliland, waana xus taariikhi ah oo astaan u ah halgan dheer, midnimo, go'aan adag iyo geesinimo ay shacabka Somaliland ku gaadheen dib ula so noqoshada madax-bannaanidooda.
18-ka May waxa lagu xasuustaa naf-huridii, adkaysigii iyo dedaalkii ay sameeyeen halgamayaashii iyo shacabka reer Somaliland, kuwaas oo u soo maray marxalado adag si ay u xaqiijiyaan jiritaanka qaran madax-banaan, dimuqraadi ah, nabdoon, sido kale ku dhisan wadajir iyo isku duubni.
18-ka May waxay dhiirigelin u tahay jiilasha maanta iyo kuwa soo socda inay ilaashadaan qaranimada, midnimada, nabadda iyo horumarka dalka.
Iyadoo sannadkan la xusaayo munaasibadan wayn dalka oo ictiraaf caalami ah haysta, Somaliland waxay mar kale dunida tusaysaa inay tahay qaran leh shacab adkaysi badan, isku duuban, isla markaana leh himilo iyo mustaqbal ifaya oo ay mudan yihiin inay helaan aqoonsi iyo ictiraaf.
Ugu dambayn Guddidu waxay shacabka Jamhuuriyadda Somaliland u rajaynayaan sannado badan oo barwaaqo, nabad, horumar iyo guulo waaweyn leh.
Alle ha xafido Somaliland iyo shacabkeeda.
Hambalyo 18-ka May
Warbaahinta Xafiiska Guddida Qandaraasyada Qaranka.