01/08/2024
QALBIGA RABADHKII HADMUU RADAYAA
Waxa aan ahaa gabadh yar oo gurigooda joogta, waxa aanan lamid ahaa hablaha asaaggayga ah haday tahay hawl qabad iyo haday tahay waxbarashaba. Waxaa la ii koriyay sida ugu quruxda badan ee inan loo koriyo, waxa aanan lanoola walalahay iyo waalidiintay. Hadda waxa aan noqday gashaanti. Waxa aan sameeyay dhawr xidhiidh oo aan kutalagalkayga ahayn oo aan kaliya iskaga ilaalinayo waxa la dhaho (NABSI) . Nabsigu waa wax aad u xun runtii. Waxa aan ahay qof aaminsan jaceylka, in aan qof jeclaadana k**a xumi, laakiin waxa aan ka baqaa in aan jeclaado qof khaldan oo aan halkaa ku noqdo qalbi hiil waayay, ama aan nolosha ka dhaco qof awgii, balse maanta waxa aan galay xaaladdii aan ka cabsan jiray! Waxa aan jeclaaday qof aan wakhtiba ii hayn oo anan u xisaabnayn. Magaranayo sababta aan u jeclaaday amase aan ugu dulloobay qof aan ii ogayn dhibka aan u marayo dartii. Iima dabacsana, iimana naxariisto, daryeelna kuma qabo, marka aan dhaho maxaad sidan iigu galaysaa? waxa uu ii sheegaa in ay sidani dabeecaddiisa tahay oo aan ku galo ama aan kaga tago. Waxa aan go’aansaday in aan katago, balse waan awoodi waayay sababtoo ah anaa jecel, k**ana maarmi karo. h**e ayaa looyidhi naf wax jeceli dhiig maleh. Waxa aan dhiman jiray maalinka qudha dhawr jeer. Markasta oo aan xanuun dareemo waxa aan iska dhagaysan jiray heestii yurub geenyo ee ahayd:
Hankii k**aan reebino kaan rabay.
Xiskan raacaybaa rabaayad noqdee.
Kii aan u rarnaa cishqiga ribbadoo.
Ruuxaan maqanbaa rajo ku sugaa.
Dhaaxaan rigrignaa raxleeyay dartaa.
Dhaaxaan raacdadaa rafaad umutee.
Raxmadda caashaqu hadmay ku rushayn.
Qalbiga rabadhkii hadmuu radayaa.
Haddaan ruuxdani raggaba kaligaa.
ku moodayn rafiiq raaliyo maan noqdeen.
Dartaa raraniyo rafaad qarsatee.
Adaa raxan raadshay jaceylkan rajoobey.
Inteen run la’aan riyo uun ku jiroo.
khilaafka ragaadshay raadkii cishqigee.
Adaa kala riday reerkeeni dhisnaa.
Inteen rukuma ha rujin kulahaa.
Ugu dambeyn waxa aan noqday qalfoof madhan oo uu qalbigeedii la qaatay qof aan dhawrayn ilaa uu iga tagay oo aan ka noqday qabyo, waase imtixaan aduun e waxa aan isku dayay in aan kasoo kabto qacdii h**e, markaas ayaan tiriyay tixdan yar:
Alloow daciif baan ahay dulmanoo.
Adaa daayinoo aqbalo ducadee.
Dagdag iigu fuli dalbashadaydoo
Damqashayda iyo xanuunkan idilay
Ayaan la dareemin diiftaydee.
Qalbigan damqanaaya dayroo
Daweeye iigu door dabiiba naftoo
Dirac rageed aan ku daayo duul tagay.
Maalmo xanuun badan kaddib, ducadaydii waa la aqbalay. waxa aan noqday qof cashar ka qaadatay dhibkii soo maray, dadkana uga digta markalena aan la dagi/khiyaami karin oo ka feejigan dhaawacyada qalbiga.