26/07/2024
Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka Talo-wadaag mudane Ibrahim Mahdi Buubaa oo ay wehelinayaan guddida heer degmo ee magaalada Berbera ee urur siyaasadeedka Talo-Wadaag ayaa soo xidhay maanta Tartanka Is Dhex Galka Dhallinyarada Magaalada Berbera, tartankaasi oo uu Ururku u qabtay dhalinyarada magalaada Berbera si uu horumariyo is dhex galka dhalinyarada , la dagaalanka qabyaalada iyo Balwadaha.
Guddoomiye Ibrahim ayaa ku tilmaamay in ciyaaruhu ay yihiin waxyaabaha ay dhalinyaradu kaga badbaadi karto qabyaalada iyo aragtiyaha xun xun ee baraha bulshada la isu mariyo, waxaana uu guddoomiyuhu caddeeyay in horumarinta dhalinyarada iyo hirgelinta ciyaarahuba ay yihiin qorshayaasha koowaad ee Urur Siyaasadeedka Talo-Wadaag.
Ururka Talowadaag Sports
Ibrahim Mahdi Buba
Ibrahim Mahdi Buba