01/06/2026
Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Biyaha JSL, Mudane Maxamed Cabdimaalik, iyo Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Mudane Mukhtaar Xaaji, ayaa maanta kulan muhiim ah la qaatay qaar ka mid ah Agaasimayaasha Waaxyaha Wasaaradda.
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta hawlaha shaqo ee waaxyaha kala duwan, kor u qaadista hufnaanta shaqada, iyo xoojinta wada-shaqaynta si loo xaqiijiyo himilooyinka Wasaaradda.
Wasiirka iyo Wasiir-kuxigeenka Wasaaradda ayaa Agaasimayaasha ku adkeeyay inay laba jibbaaraan dadaallada ay ku gudanayaan waajibaadka shaqo ee saaran, isla markaana ay dardar geliyaan fulinta qorshayaasha iyo adeegyada ay Wasaaraddu u hayso bulshada.
Waxa ay sidoo kale carrabka ku adkeeyeen in wadajir, karti iyo masuuliyad lagu gaadhi karo guulo waaweyn, si Wasaaradda Horumarinta Biyaha JSL ay u sii xoojiso doorkeeda ku aaddan horumarinta adeegyada biyaha iyo gudashada waajibaadka qaran ee loo igmaday.