14/07/2024
Isniinta & Salaasada !
Sannadka Islaamka bishiisa u horraysa ee Muxarram oo aynu ku jirno maalinta tobnaad waxay ku astaysan tahay maalin taariikh aad u wayn ku leh Sooyaalka ummada Islaamka, waa maalinta loo yaqaanno Caashuura, waa maalin Muslimiintu meel ay joogaanba laga rabo inay soomaan iyadoo loo ballan qaaday hadyad aad u qaali ah, taasoo ah in Rabbigii abuuray ka dhaafayo sannad buure ah danbigii ay galeen, sannadkii lasoo dhaafay oo dhan dambigiisii ayaa Ilaahay ku masaxayaa.
Dhanka kalana waa maalin taariikh suntan ku leh maalmihii dunida soo maray oo waa maalinkii Ilaahay badbaadiyay Nabigiisii uu la hadli jiray ee Muuse waana isla maalinkii uu Rabbiga wayni halaagay ee uu badda ku hafiyay Fircoon oo ahaa ninkii taariikhda aadamaha ku galay inuu sheegtay Ilaahnimo .
Haddaba sanadkan 1446h ee tirsiga Islaamka ayaa waxa ay maalintaasi ku beegan tahay maalinta Salaasada ee 16-ka July.
Waa fursad dahabi ah oo mudan in laga faaidaysto, waa maalin kaliya oo aynu soonkeeda ku helayno danbi dhaafka sannad dhan.
Dhanka kalana waxa sunne ah in maalin laga horraysiiyo ama maalin laga danbaysiiyo, berri oo Isniin ah waa sagaaloodkii uu Nebigu Scw yidhi: “Haddii aan sannadka danbe gaadho waan soomi doonaa”. Soon berri oo Isniin ah, Salaasadana raaci oo yaan fursaddaasi ku dhaafin.
Ilaahay ha inna aqbalo oo ha innoo danbi dhaafo.
Waxaa qoray Sh. Xamse Cumar Kujoog.