Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Somaliland

Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Somaliland This is the official Facebook Account of the Ministry of Trade and Tourism of the Republic of Somaliland.

Waa bogga rasmiga ah ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska, Jamhuuriyadda Somaliland.

Addis Ababa, 7 May 2026 Ganacsatada Somaliland iyo dhiggooda Israaiil oo Addis Ababa Shir ku Yeeshay* Ganacsatada Somali...
07/05/2026

Addis Ababa, 7 May 2026

Ganacsatada Somaliland iyo dhiggooda Israaiil oo Addis Ababa Shir ku Yeeshay*

Ganacsatada Somaliland iyo Israa'iil ayaa Magaalo Madaxda Dalka Itoobiya ee Addis Ababa ku yeeshay shir taariikhi ah oo ay kaga wada hadleen sidii loo abuurilahaa iskaashi ganacsi oo labada dhinac yeeshaan. Kulankan oo uu soo agaasimay Safiirka Jamhuutiyadda Somaliland ee Israaโ€™iil, Dr. Maxamed Xaaji, ayaa waxa ka qaybgalay wafti Xukuumadda ah oo uu hoggaaminayay Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Xasan Nuur, oo ay wehelinayeen Guddoomiyaha Baanka Somaliland, Mudane Cabdinaasir Axmed Xirsi, Agaasimaha Guud ee Hay'adda Caymiska Qaranka, Mudane Cabdisalaan Maxamed Maxamuud (Busi), iyo ganacsato uu hoggaaminayay Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland, Mudane Jamaal Caydiid Ibraahim.

Dhinaca kale, waxa iyaguna shirka kasoo qaybgalay Safiir Ku-xigeenka Israa'iil ee Itoobiya iyo dibloomaasiyiin kale, iyo Safiirka Israa'iil ee Somaliland oo isagu habka fogaan-aragga (online) kaga soo qaybgalay shirka.

Waxa shirka lagaga wada hadlay qorsheyaal lagu horumarinayo ganacsiga qaybihiisa muhiimka ah sida beeraha, tamarta, tiknoolajiyadda, kaabayaasha dhaqaalaha, midaamyada maaliyadeed, iyo caafimaadka.

Wasiirka ayaa hadalkii furitaanka ahaa ee uu madasha ka jeediyay ku sharxay muhiimadda uu shirkani leeyahay, goobta istiraatiijiga ah ee ay Somaliland ku taallo iyo fursadaha ganacsi iyo maalgashi ee yaalla, isaga oo ugu danbaynna sheegay inay Xukuumadda Somaliland diyaar u tahay inay soo dhawayso cid kasta oo rabta inay maalgashato kuna ganacsato Dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

Ugu danbayn, waxa fursad la siiyay ganacsatada labada dal iyagoo gunaanadkiina isla qaatay in la sii wado wadahadallada, iyo in la dhiso madal iskaashi oo lagaga doodo horumarka dhaqaale ee mustaqbalka fog ee Somaliland iyo Israa'iil.

Maanta oo ay taariikhdu tahay 07/05/2026, waxaa kulan muhiim ah ku yeeshay xarunta Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Ja...
07/05/2026

Maanta oo ay taariikhdu tahay 07/05/2026, waxaa kulan muhiim ah ku yeeshay xarunta Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Somaliland masuuliyiinta Wasaaradda iyo Mss. Katrine oo ka socotay shirkad cilmi-baadhis (Research) oo laga leeyahay dalka Boqortooyada Britain.

Kulankan waxaa hoggaaminayey Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska JSL, waxaana sidoo kale ka qayb galay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Agaasimaha Waaxda Qorshaynta, Agaasimaha Waaxda Liisamada iyo Maamulaha Xafiiska Wasiirka.

Kulanka kaddib warbixin guud oo la is weydaarsaday, waxa diiradda lagu saaray qodobbadan:

* Xaaladda dhaqaale iyo ganacsi ee Somaliland
* Heerka koboca dhaqaalaha dalka (GDP)
* Saameynta Berbera Corridor ku leeyahay dhaqaalaha dalka
* Siyaasadaha taageerada ganacsatada yaryar iyo kuwa dhexe
* Iskaashiga ganacsi ee caalamiga ah iyo fursadaha maalgashi

Ugu dambayn, labada dhinac waxay isla qaateen in la xoojiyo wada-shaqaynta u dhexeysa Wasaaradda iyo hayโ€™adaha caalamiga ah, si kor loogu qaado koboca dhaqaalaha iyo horumarinta ganacsiga Jamhuuriyadda Somaliland.

Maanta oo ay taariikhdu tahay 6 May 2026, waxaa kulan ku yeeshay Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska guddida farsamo ee l...
06/05/2026

Maanta oo ay taariikhdu tahay 6 May 2026, waxaa kulan ku yeeshay Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska guddida farsamo ee loo xilsaaray sidii ay shidaal qiimo jaban u heli lahaayeen warshadaha laydhka, warshadaha wax soo saarka iyo wakaaladaha biyaha.

Kulanka waxaa furay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska JSL, Mudane Jawhar Siciid Warsame, oo uu wehelinayo Guddoomiye Ku-xigeenka Komishanka Nidaaminta Tamarta, Mudane Eid Saleebaan Ali, iyagoo xusay muhiimadda ay leedahay in si wadajir ah looga shaqeeyo xal u helidda arrimahan saameynta ku leh adeegyada aasaasiga ah.

Ugu dambayntii, guddida farsamo waxay lafa gureen sidii shidaal qiimo jaban ay u heli lahaayeen warshadaha laydhka, warshadaha wax soo saarka iyo wakaaladaha biyaha.

๐“๐€๐‚๐’๐ˆุฅูู†ูŽู‘ุง ู„ูู„ู‘ูฐู‡ู ูˆูŽุฅูู†ูŽู‘ุง ุฅูู„ูŽูŠู’ู‡ู ุฑูŽุงุฌูุนููˆู†ูŽWasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Somaliland, Wa...
05/05/2026

๐“๐€๐‚๐’๐ˆ

ุฅูู†ูŽู‘ุง ู„ูู„ู‘ูฐู‡ู ูˆูŽุฅูู†ูŽู‘ุง ุฅูู„ูŽูŠู’ู‡ู ุฑูŽุงุฌูุนููˆู†ูŽ

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Somaliland, Wasiir Ku-xigeenka, Agaasimaha Guud, iyo dhammaan shaqaalaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska, waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan Safiya Siciid Faarax, oo hooyadeed, Marxuumad Sahra Jaamac Dacar, ay ku geeriyootay magaalada Addis Ababa.

Waxaan Ilaahay uga baryaynaa Marxuumadda in uu naxariistiisa ugu deeqo Jannatul Fardowsana ka waraabiyo, dambigeedana dhaafo, samir iyo iimaanna ka siiyo qoyskii iyo dhammaan ehelkii ay ka baxday.

Aamiin Aamiin.

04/05/2026

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska JSL, Cabdiraxman Xasan Nur, ayaa maanta ka qaybgalay xafladda dhagax-dhigga biriishka isku xidha labada daamood ee magaalo ganacsiyeedka Tog Wajaale.

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska JSL, Cabdiraxman Xasan Nur, ayaa maanta ka qaybgalay xafladda dhagax-dhigga ...
04/05/2026

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska JSL, Cabdiraxman Xasan Nur, ayaa maanta ka qaybgalay xafladda dhagax-dhigga biriishka isku xidha labada daamood ee magaalo ganacsiyeedka Tog Wajaale.

Xafladda dhagax-dhigga ayaa waxaa kasoo qayb galay masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan xukuumadda, maamulka degmada, ganacsato, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada. Sidoo kale, waxa kasoo qayb galay wefti wasiirro ah oo ka socday Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya, iyo Safiirka Itoobiya ee Sweden.

Wasiirka oo halkaasi ka jeediyey hadal muhiim ah ayaa muujiyey muhiimadda uu biriijkani u leeyahay horumarinta ganacsiga iyo isku socodka bulshada. Wasiirku wuxuu sheegay in mashruucani uu door weyn ka qaadan doono fududaynta isu socodka dadka iyo gaadiidka, isla markaana kor u qaadi doono dhaqdhaqaaqa ganacsi ee magaalada iyo deegaanada ku xeeran.

Ugu dambayn, dhagax-dhigga biriijkan cusub ayaa loo arkaa tallaabo muhiim ah oo ka qayb qaadan doonta koboca dhaqaalaha, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, iyo xoojinta xidhiidhka bulshada.

Aqoonsi iyo Adkeysi
30/04/2026

Aqoonsi iyo Adkeysi

Berbera, 29 April 2026Wasiirka Ganacsiga iyo Dalxiiska JSL oo Kormeeray Haamaha Kaydka Shidaalka ee Gaarka Loo LeeyahayW...
29/04/2026

Berbera, 29 April 2026

Wasiirka Ganacsiga iyo Dalxiiska JSL oo Kormeeray Haamaha Kaydka Shidaalka ee Gaarka Loo Leeyahay

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Xasan Nuur, ayaa saaka booqasho ku tegay qaar ka mid ah haamaha kaydka shidaalka ee gaarka loo leeyahay ee ku yaalla Magaalo Madaxda Berbera ee Gobolka Saaxil. Ujeeddada booqashada Wasiirka ayaa daarranayd u kuurgelidda iyo indho-indhaynta kaydadka kala duwan ee ay ka mid yihiin Berbera RFS Terminal, Salaamoil Terminal iyo East Africa Storage Terminal oo ah ilaa hadda kuwa sida joogtada ah ee u shaqeeya marka laga yimaaddo Haamaha Kaydka Shidaalka Qaranka (BOT).

Intii uu Wasiirku ku sugnaa kaydadkaa kala duwan waxa faahfaahin laga siiyay nooca kaydka, xaddiga shidaal ama gaasta wax lagu karsado ee uu qaado, iyo hannaanka uu u shaqeeyo oo ah mid casri ah.

Ugu danbayn, Wasiirka waxa lagusoo wareejiyay qaybaha kaydadka iyo meelaha ay ku yaallaan, iyada oo Wasiirku gunaanadkii kormeerkaa ku bogaadiyay masuuliyiinta kaydadka maalgashiga wayn ee ay sameeyeen iyo doorkooda muuqda ee ay ka qaateen koboca dhaqaale iyo sumcadda Dalka . Waxa uu sidoo kale uga mahadnaqay qaabilaadda iyo xogta ay siiyeen, kuna dhiirrigaliyay inay sii wadaan casriyaynta iyo ballaadhinta kaydka si Somaliland usoo jiidato ganacsatada mandaqadda ku nool ee shidaalka ka ganacsata ulana tartanto kaydadka kale ee gobolka ka jira.

Maanta oo ay taariikhdu tahaya 28 April ๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ” waxa Xarunta Qaramada Midoobay (UN) ee magaalada Nairobi ee dalka Kenya ka ...
28/04/2026

Maanta oo ay taariikhdu tahaya 28 April ๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ” waxa Xarunta Qaramada Midoobay (UN) ee magaalada Nairobi ee dalka Kenya ka qabsoomay kulan muhiim ah oo u dhaxeeyey wefti ka socday Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Hayโ€™adda UNESCO. Weftigan oo ka koobnaa:

1. Caydaruus Abdi - Agaasimaha Waaxda Dalxiiska iyo Aasarta Qadiimiha ah.
2. โ Ridwaan Cabdirashiid - Maamulaha xafiiska Wasiirka
3. โ Khalid Abdillahi - Hayโ€™adda Expertise France.
4. โ Jaamac Cabdillahi - Madaxfka Qaranka JSL

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray sidii loo abuuri lahaa xidhiidh iskaashi oo rasmi ah oo ka dhexeeya labada dhinac, gaar ahaan, in Laga wada shaqeeyo dhinacyada illaalinta aasaarta qadiimiga ah ee dalka.

Intii uu kulanku socday weftiga Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiisku waxay Hayโ€™adda UNESCO warbixin ka siiyeen goobaha muhiimka ah ee aasaarta qadiimiga ah ee JSL iyo muhiimada ay leedahay illaalinta iyo horumarinta goobahaas, si ay uga qayb qaataan kobcinta dalxiiska iyo dhaqaalaha dalka.

Ugu damabayntii Labada dhinac ayaa isla qaatay in la sii xoojiyo wada shaqaynta, iyada oo loo ballamay kulamo kale oo ka dhici doona Somaliland.

Maanta oo ay taariikhdu tahay 28 April 2026 waxaa xarunta guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska JSL ka dhacay kulan...
28/04/2026

Maanta oo ay taariikhdu tahay 28 April 2026 waxaa xarunta guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska JSL ka dhacay kulan balaadhan oo lagaga arrinsanayey sidii ay warshadaha laydhka, warshadaha wax soo-saarka iyo wakaaladaha biyahu ay u heli lahaayeen shidaal jaban.

Kulankan waxaa shir gudoominayay Wasiirka Wasaarada Mudane Cabdiraxmaan Xasan Nuur, waxaana ku wehlinayey Wasiir ku xigeenka Wasaarada Mudane Jawhar Siciid Warsame, waxaana ka soo qayb galay Wasiirka Wasaarada Tamarka iyo Macdanta, Maareeyaha Haamaha kaydka shidaalka qaranka, Komishanka Nidaaminta Korontada iyo ganacsatada shidaalka soo dajiso.

Ugu danbayntii kulankan waxaa la isku af gartay in la sameeyo gudi farsamo oo ka shaqaysa sidii ay shidaal jaban u heli lahayeen Warshadaha laydhka, warshadaha wax soosaarka iyo wakaaladaha biyaha.

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Somaliland, Garyaqaan Cabdiraxmaan Xasan Nuur, oo ay wehelinay...
26/04/2026

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Somaliland, Garyaqaan Cabdiraxmaan Xasan Nuur, oo ay wehelinayeen Agaasimaha Xidhiidhka Gobollada iyo Isuduwaha Gobolka Awdal ee Wasaaradda, ayaa maanta xarunta Gobolka Awdal ee Borama, gaar ahaan Hotel Rays, ku qabtay kulan wada-tashi ah oo u dhexeeyay Wasaaradda iyo ganacsatada Gobolka Awdal.

Kulankan waxa kasoo qaybgalay Badhasaabka Gobolka Awdal, Mudane Cabdirashiid Xasan Mataan, Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Gobolka Awdal, masuuliyiin kale oo ka tirsan Dawladda, iyo ganacsato kala duwan oo ka hawlgala Gobolka Awdal

Ujeeddada kulanka ayaa ahayd xoojinta iyo wada shaqaynta u dhaxaysa Wasaaradda iyo ganacsatada, si kor loogu qaado horumarka ganacsiga, loona fududeeyo adeegyada ganacsi, isla markaana loo abuuro jawi ganacsi oo ku habboon Gobolka Awdal.

Intii uu kulanku socday, waxa si qoto dheer loo falanqeeyay xaaladda guud ee ganacsiga ee Gobolka Awdal iyo caqabadaha jira. Doodaha ayaa diiradda lagu saaray sidii loo horumarin lahaa ganacsiga, iyada oo la is dhaafsaday fikrado iyo talooyin wax-ku-ool ah oo kor u qaadi kara koboca dhaqaalaha Gobolka.

Sidoo kale, Wasaaraddu waxa ay soo bandhigtay qorshayaasheeda ku aaddan horumarinta ganacsiga iyo fududaynta adeegyada la xidhiidha, si loo dhiirrigeliyo ganacsi hufan oo tartan leh.

Dhanka kale, ganacsatada ayaa si furan u soo jeediyay baahiyahooda iyo caqabadaha ay la kulmaan, gaar ahaan arrimaha la xidhiidha cashuuraha, helitaanka nidaamka kala xadaynta Ganacsiga iyo helitaanka suuqyo ku filan. Arrimahan ayaa si gaar ah loogu lafa-guray, iyada oo la isla gartay muhiimadda ay leedahay in xal waara loo helo.

Wasiirku waxa uu carrabka ku adkeeyay in Wasaaradda ay ka goโ€™an tahay xoojinta iskaashiga ay la leedahay ganacsatada, isla markaana ay mudnaan siin doonan wax ka qabashada baahiyaha jira, si loo gaadho horumar dhaqaale oo waara oo ku salaysan iskaashi iyo kalsooni. Wasiirku waxa uu sidoo kale ganacsatada kula dardaarmay kor u qaadidda doorkooda ku aaddan nabadaynta Gobolka Selel si loo helo deegaan ganacsi oo nabdoon. Waxa uu sidoo kale ku dhiirrigeliyay maalgashiga goobaha dalxiiska oo ilaa hadda aad u dihin.

Ugu dambayn, kulanka waxa lagu soo gabagabeeyay is-afgarad iyo ballan-qaad ku saabsan sii wadidda wada-tashiyada noocan oo kale ah, si loo xoojiyo xidhiidhka iyo wada shaqaynta u dhaxaysa dawladda iyo ganacsatada.

Address

Near Presidential Palace
Hargeisa
3232

Opening Hours

Monday 08:00 - 14:00
Tuesday 08:00 - 14:00
Wednesday 08:00 - 14:00
Thursday 08:00 - 14:00
Saturday 08:00 - 14:00
Sunday 08:00 - 14:00

Telephone

+2522529444

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Somaliland posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Somaliland:

Share