07/07/2025
Garoocii 2Aad!.
Aan mar kalle wax idiin ka soo garooco tababarka Horrumarinta shakhsiyadda iyo Xirfaddaha hogaaminta.
Sida aan horre idiinku sheegay aduunkan dad ka yar 10% ayaa xaqiijiyay himilooyinkii ay ku Hamiyi jireen. Waxa aan horre idin kula wadaagey iney jiraan astaamo ay dadkaasi la gaar yihiin iyo qawaacid ay raaceen oo haddii lagaa helo ay u badan tahay inaad xaqiijiso waxyaabo mucjiso leh. Qawaacid kaas mid kamidi waa kan.
Waa Xikmadda ay ku celceliyaan culimada horrumarinta shakhsiyaddu ""Oh, people Fucus, Fucus on the work that you are doing"
Dadyahoow, diiradda saara shaqadda aad markaa qabanaysaan. Ku koobnoow saacadahaas, maalmahaas shaqada aad gacanta ku hayso. Shaqadaas oo aad ku feejignaanto aan lagaa dhexgel-gelin oo aad Fucus ka saarto, waxa ka dhasha midho dhal aan caadi ahayn. Iska fogee moobilkaaga, ka shaqeyn deegaan isku dhex daadsan.
Waa tii lagu cabiray weedhahan xikmaddii laga qoray saynisyahankii dunida mucjisadda ka dhigay ee Albert Einstein.
Waxa uu yidhi "
"I work as if there is nothing else in this world except the task at hand"
"Waxaan u shaqeeyaa sidii inaaney jirin wax kale oo dunidan yaalla, marka laga reebo hawsha aan markaa gacanta ku hayo"
Waxa aan filayaa hadda inaad garowsatay qodob kaa maqnaa, dhawr cisho kadib tababarkan ayaa ka furmaya xarumaha Nuur Library iyo Faid Development Center is diwaan geli oo nagala soo xidhiidh what's appkan
±252634089304