Guddida Tacliinta Sare JSL

Guddida Tacliinta Sare JSL Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Guddida Tacliinta Sare JSL, Government Official, Shacab Area, Hargeisa.

08/04/2026

Guddida Tacliinta Sare iyo Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada

Hargeysa, 06 April 2026 Guddida Tacliinta Sare iyo Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa si wadajir ah u qabtay ...
07/04/2026

Hargeysa, 06 April 2026

Guddida Tacliinta Sare iyo Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa si wadajir ah u qabtay kulan wada-tashi ah (Consultation Meeting) oo ay ka soo qayb galeen jaamacadaha dhiga Faculty of Social Work ee dalka.
Kulankan ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray laba module oo la doonayo in jaamacadaha dhiga Faculty of Social Work ay ku daraan core curriculum-ka ay ardaydu dhigtaan. Ujeeddada kulanka waxay ahayd in laga tashado sidii modules-kan loogu hirgelin lahaa sannad waxbarasheedka 2026-2027.

Intii uu kulanku socday, waxa si qoto dheer looga dooday arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin semester-ka ku habboon ee lagu dari karo modules-kan, iyo sidoo kale wakhtiga iyo habraaca fulinta.

Ugu dambayn, waxa la isla qaatay in la dardargeliyo hirgelinta qorshahan, iyadoo la isku raacay jihada iyo talaabooyinka lagu fulinayo.
Sidoo kale, kulanku wuxuu muhiim u ahaa xoojinta iskaashiga ka dhexeeya hayโ€™adaha dawladda iyo jaamacadaha, si loo hubiyo in manhajka waxbarashada daryeelka bulshada uu noqdo mid casri ah, tayo leh, isla markaana si buuxda uga jawaabaya baahiyaha bulshada.
Kulankan ayaa muujinaya dadaalka joogtada ah ee lagu horumarinayo waxbarashada sare, gaar ahaan dhinaca daryeelka bulshada, si loo soo saaro aqoonyahanno leh xirfad iyo karti ku filan oo ka qayb qaata horumarka dalka.

=Wabillaahi Tawfiiq=

XAFIISKA WARBAHINTA IYO XIDHIDHADA

Hargeysa 05 April, 2026-{KQTS}-Guddoomiyaha Gudida Tacliinta sare  iyo Guddoomiyaha Caymiska Qaranka oo ay wehelinayaan ...
06/04/2026

Hargeysa 05 April, 2026-{KQTS}-

Guddoomiyaha Gudida Tacliinta sare iyo Guddoomiyaha Caymiska Qaranka oo ay wehelinayaan Labbada agaasime guud iyo waaxyaha kala duwan ee labbada haayadood ayaa kulan muhiim ah uga qabsoomay xafiiska KTS.

Gudoomiyaha KTS ayaa soo dhoweeyey masuuliyiinta Haayada Caymiska iyagoo si qoto dheer uga dooday doorka caymisku ku leeyahay horumarinta bulshada iyo mudnaan siinta kor uqaadista wacyiga ardayda jaamacadaha dalka.

Waxaa si gaar ah diiradda loo saaray sidii ardayda loogu wacyigelin lahaa muhiimadda caymiska, loona fahamsiin lahaa faaโ€™iidooyinka uu u leeyahay qofka iyo qarankaba, sida ilaalinta mustaqbalka caafimaad iyo dhaqaale.

Sidoo kale, kulanku wuxuu hoosta ka xarriiqay baahida loo qabo in caymiska lagu daro barnaamijyada wacyigelinta ee jaamacadaha, si loo helo jiil fahamsan muhiimaddiisa.

Ugu danbayn labbada haayadood ayaa wada dhisay guddi farsamo oo ka shaqayndoona diyaarinta qorshaha iskaashi iyo muhiimad siinta hirgelinta qorshayaasha raaca koobaad.

=Wabillaahi Tawfiiq=

Xafiiska Xidhiidhka Dadweynaha.

Waxa ka qabsoomay xarunta Komishanka Tacliinta Sare kulan udhaxeeyey masuuliyiinta ugu sareysa  komishanka oo ay wehelin...
04/04/2026

Waxa ka qabsoomay xarunta Komishanka Tacliinta Sare kulan udhaxeeyey masuuliyiinta ugu sareysa komishanka oo ay wehelinayaan waaxaha kala duwan ee KTS iyo Proff Eric Herring oo ka socday jaamacada Bristol UK.

Proff Erick oo muddo dheer ka shaqaynayey Tacliinta Sare ayaa ku dheeraaday khibradiisa ku saabsan feild-kan Tacliinta Sare iyo sida loo horumarin karo iyadoo masuuliyiinta KTS ay la wadaageen shaqada komishanka, muddada uu shaqaynayey iyo waxyaabaha mudnaanta u leh ee ay hiigsanayaan.

Kulankan oo ahaa isbarasho iyo bilowga safar wada shaqayneed oo ay yeelanaayaan Proff Eric, KTS iyo haayada Transparency solutions ayaa kusoo dhamaaday is-afgarad buuxa iyo wada-shaqeyn midho dhal ah.

Waxa maanta ka qabsoomay xafiiska Komishanka Tacliinta Sare kulan muhiim ah oo u dhexeeyay madaxda sare ee Komishanka iy...
31/03/2026

Waxa maanta ka qabsoomay xafiiska Komishanka Tacliinta Sare kulan muhiim ah oo u dhexeeyay madaxda sare ee Komishanka iyo Wasaaradda Shaqada, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska.

Ujeeddada kulankan ayaa ahayd horumarinta iyo dhamaystirka laba kooras oo ku saabsan daryeelka bulshada (Social Protection Modules), isla markaana lagu dari doono manhajka jaamacadaha bixiya Bachelor of Social Work.

Labadan kooras ayaa si gaar ah diiradda u saaraya baahiyaha bulshada ee Somaliland, iyaga oo ka tarjumaya xaaladaha dhabta ah ee dalka, si loo helo aqoon iyo xirfad ku habboon ardayda baranaysa cilmiga shaqada bulshada. Tani waxay qayb ka tahay dadaal ballaadhan oo lagu xoojinayo tayada waxbarashada iyo xirfadaha la xidhiidha daryeelka bulshada.

Kulankan ayaa kusoo dhammaaday is-afgarad buuxa oo ku saabsan dhamaystirka barnaamijkan, kaas oo muddo ay si wadajir ah uga shaqeynayeen Komishanka iyo Wasaaradda, iyaga oo kaashanaya hayโ€™adda UNICEF. Waxaa sidoo kale la isla meel dhigay dariiqa hawlqabadka iyo tallaabooyinka xiga ee lagu hirgelinayo koorasyadan cusub si ay uga mid noqdaan manhajka Jaamacadaha dalka.

19/03/2026
Waxaa si rasmi ah maanta loo soo gabagabeeyay Tartan Aqooneedka Daljir ee Fahamka Waddaniyadda iyo Dastuurka JSL, Barnaa...
08/03/2026

Waxaa si rasmi ah maanta loo soo gabagabeeyay Tartan Aqooneedka Daljir ee Fahamka Waddaniyadda iyo Dastuurka JSL, Barnaamijkan oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka iyadoo kaashanaysa Guddida Tacliinta Sare JSL ayaa lagu soo afmeeray munaasibad si heer sare ah loo agaasimay, taas oo ay ka soo qayb galeen masuuliyiin kala duwan, maamulka jaamacadaha, guddida garsoorka, iyo ardayda jaamacadaha ku tartamaysay.

Tartanka oo soo maray marxalado kala duwan ayaa ugu dambayn waxa isku soo hadhay saddex jaamacadood, kuwaas oo soo bandhigay aqoon, dadaal iyo faham qoto dheer oo ku saabsan waddaniyadda iyo dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland. Tartanka ayaa ujeeddadiisu ahayd kor u qaadista wacyiga dhalinyarada jaamacadaha ee ku saabsan qiyamka waddaniyadda, nidaamka dowladeed iyo fahamka dastuurka.

Guddoomiyaha Guddida Tacliinta Sare Prof Xasan Cumar Halas oo madasha hadal ka jeediyay ayaa si weyn u bogaadiyay barnaamijka Tartan Aqooneedka Daljir. Waxa uu sheegay in tartankani uu yahay mid kor u qaadaya tayada waxbarashada sare isla markaana dhiirrigelinaya tartanka aqoonta ee ka dhex abuurma ardayda Jaamacadaha.

Guddoomiyuhu waxa uu tilmaamay in ardayda ka qayb gashay tartanku ay muujiyeen karti, aqoon iyo faham qoto dheer oo ku saabsan waddaniyadda iyo dastuurka dalka, taas oo muujinaysa horumarka ay sameeyeen Jaamacadaha dalku. Waxa uu sidoo kale ku amaanay Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka JSL dadaalka ay ku bixisay hirgelinta barnaamijkan muhiimka ah, isaga oo xusay in Guddida Tacliinta Sare ay diyaar u tahay sii xoojinta iskaashiga barnaamijyada kor u qaadaya aqoonta ardayda.

๐—š๐˜‚๐˜‚๐—น๐—ฎ๐˜†๐˜€๐˜๐—ฎ๐—ต๐—ฎ ๐—ช๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ๐—ฒ๐—ด๐—ฎ ๐Ÿฐ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ ๐—ฒ๐—ฒ ๐—š๐—ฎ๐—ฏ๐—ผ๐—ด๐—ฒ๐—ฏ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ง๐—ฎ๐—ฟ๐˜๐—ฎ๐—ป ๐—”๐—พ๐—ผ๐—ผ๐—ป๐—ฒ๐—ฒ๐—ฑ๐—ธ๐—ฎ ๐——๐—ฎ๐—น๐—ท๐—ถ๐—ฟ ๐—ฒ๐—ฒ ๐—ณ๐—ฎ๐—ต๐—ฎ๐—บ๐—ธ๐—ฎ ๐——๐—ฎ๐˜€๐˜‚๐˜‚๐—ฟ๐—ธ๐—ฎ ๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐—•๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐˜€๐—ต๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ช๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ๐—ป๐—ถ๐˜†๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ฒ๐—ฒ ๐—”๐—ฟ๐—ฑ๐—ฎ๐˜†๐—ฑ๐—ฎ...
08/03/2026

๐—š๐˜‚๐˜‚๐—น๐—ฎ๐˜†๐˜€๐˜๐—ฎ๐—ต๐—ฎ ๐—ช๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ๐—ฒ๐—ด๐—ฎ ๐Ÿฐ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ ๐—ฒ๐—ฒ ๐—š๐—ฎ๐—ฏ๐—ผ๐—ด๐—ฒ๐—ฏ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ง๐—ฎ๐—ฟ๐˜๐—ฎ๐—ป ๐—”๐—พ๐—ผ๐—ผ๐—ป๐—ฒ๐—ฒ๐—ฑ๐—ธ๐—ฎ ๐——๐—ฎ๐—น๐—ท๐—ถ๐—ฟ ๐—ฒ๐—ฒ ๐—ณ๐—ฎ๐—ต๐—ฎ๐—บ๐—ธ๐—ฎ ๐——๐—ฎ๐˜€๐˜‚๐˜‚๐—ฟ๐—ธ๐—ฎ ๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐—•๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐˜€๐—ต๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ช๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ๐—ป๐—ถ๐˜†๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ฒ๐—ฒ ๐—”๐—ฟ๐—ฑ๐—ฎ๐˜†๐—ฑ๐—ฎ ๐—๐—ฎ๐—ฎ๐—บ๐—ฎ๐—ฐ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ๐—ต๐—ฎ ๐—š๐—ผ๐—ฏ๐—ผ๐—น๐—ธ๐—ฎ ๐— ๐—ฎ๐—ฟ๐—ผ๐—ผ๐—ฑ๐—ถ-๐—๐—ฒ๐—ฒ๐˜….

๐—ž๐˜‚๐—น๐—ฎ๐—ป๐—ธ๐—ฎ ๐—š๐—ฎ๐—ฏ๐—ผ๐—ด๐—ฎ๐—ฏ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ง๐—ฎ๐—ฟ๐˜๐—ฎ๐—ป ๐—”๐—พ๐—ผ๐—ผ๐—ป๐—ฒ๐—ฒ๐—ฑ๐—ธ๐—ฎ ๐——๐—ฎ๐—น๐—ท๐—ถ๐—ฟ ๐—ฒ๐—ฒ ๐—™๐—ฎ๐—ต๐—ฎ๐—บ๐—ธ๐—ฎ ๐——๐—ฎ๐˜€๐˜๐˜‚๐˜‚๐—ฟ๐—ธ๐—ฎ ๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐—•๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐˜€๐—ต๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ช๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ๐—ป๐—ถ๐˜†๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ฒ๐—ฒ ๐—”๐—ฟ๐—ฑ๐—ฎ๐˜†๐—ฑ๐—ฎ ๐—๐—ฎ๐—ฎ๐—บ๐—ฎ๐—ฐ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ๐—ต๐—ฎ ๐—š๐—ผ๐—ฏ๐—ผ๐—น๐—ธ...
08/03/2026

๐—ž๐˜‚๐—น๐—ฎ๐—ป๐—ธ๐—ฎ ๐—š๐—ฎ๐—ฏ๐—ผ๐—ด๐—ฎ๐—ฏ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ง๐—ฎ๐—ฟ๐˜๐—ฎ๐—ป ๐—”๐—พ๐—ผ๐—ผ๐—ป๐—ฒ๐—ฒ๐—ฑ๐—ธ๐—ฎ ๐——๐—ฎ๐—น๐—ท๐—ถ๐—ฟ ๐—ฒ๐—ฒ ๐—™๐—ฎ๐—ต๐—ฎ๐—บ๐—ธ๐—ฎ ๐——๐—ฎ๐˜€๐˜๐˜‚๐˜‚๐—ฟ๐—ธ๐—ฎ ๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐—•๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐˜€๐—ต๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ช๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ๐—ป๐—ถ๐˜†๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ฒ๐—ฒ ๐—”๐—ฟ๐—ฑ๐—ฎ๐˜†๐—ฑ๐—ฎ ๐—๐—ฎ๐—ฎ๐—บ๐—ฎ๐—ฐ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ๐—ต๐—ฎ ๐—š๐—ผ๐—ฏ๐—ผ๐—น๐—ธ๐—ฎ ๐— ๐—ฎ๐—ฟ๐—ผ๐—ผ๐—ฑ๐—ถ-๐—๐—ฒ๐—ฒ๐˜….

Culimada Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland ayaa maanta Barnaamij Wacyigelin Diini ah u qabtay Shaqaalaha Guddida...
07/03/2026

Culimada Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland ayaa maanta Barnaamij Wacyigelin Diini ah u qabtay Shaqaalaha Guddida Tacliinta Sare JSL.

๐—š๐˜‚๐˜‚๐—น๐—ฎ๐˜†๐˜€๐˜๐—ฎ๐˜†๐—ฎ๐—ฎ๐˜€๐—ต๐—ฎ ๐—ช๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ๐—ฒ๐—ด๐—ฎ ๐Ÿฏ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ - ๐—ž๐˜‚๐—น๐—ฎ๐—ป๐—ธ๐—ถ๐—ถ ๐Ÿญ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ ๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐Ÿฎ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ ๐—ฒ๐—ฒ ๐—ง๐—ฎ๐—ฟ๐˜๐—ฎ๐—ป ๐—”๐—พ๐—ผ๐—ผ๐—ป๐—ฒ๐—ฒ๐—ฑ๐—ธ๐—ฎ ๐——๐—ฎ๐—น๐—ท๐—ถ๐—ฟ ๐—ฒ๐—ฒ ๐—ณ๐—ฎ๐—ต๐—ฎ๐—บ๐—ธ๐—ฎ ๐——๐—ฎ๐˜€๐˜๐˜‚๐˜‚๐—ฟ๐—ธ๐—ฎ ๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐—•๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐˜€๐—ต๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ช๐—ฎ๐—ฑ...
07/03/2026

๐—š๐˜‚๐˜‚๐—น๐—ฎ๐˜†๐˜€๐˜๐—ฎ๐˜†๐—ฎ๐—ฎ๐˜€๐—ต๐—ฎ ๐—ช๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ๐—ฒ๐—ด๐—ฎ ๐Ÿฏ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ - ๐—ž๐˜‚๐—น๐—ฎ๐—ป๐—ธ๐—ถ๐—ถ ๐Ÿญ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ ๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐Ÿฎ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ ๐—ฒ๐—ฒ ๐—ง๐—ฎ๐—ฟ๐˜๐—ฎ๐—ป ๐—”๐—พ๐—ผ๐—ผ๐—ป๐—ฒ๐—ฒ๐—ฑ๐—ธ๐—ฎ ๐——๐—ฎ๐—น๐—ท๐—ถ๐—ฟ ๐—ฒ๐—ฒ ๐—ณ๐—ฎ๐—ต๐—ฎ๐—บ๐—ธ๐—ฎ ๐——๐—ฎ๐˜€๐˜๐˜‚๐˜‚๐—ฟ๐—ธ๐—ฎ ๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐—•๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐˜€๐—ต๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ช๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ๐—ป๐—ถ๐˜†๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ฒ๐—ฒ ๐—”๐—ฟ๐—ฑ๐—ฎ๐˜†๐—ฑ๐—ฎ ๐—๐—ฎ๐—ฎ๐—บ๐—ฎ๐—ฐ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ๐—ต๐—ฎ ๐—š๐—ผ๐—ฏ๐—ผ๐—น๐—ธ๐—ฎ ๐— ๐—ฎ๐—ฟ๐—ผ๐—ผ๐—ฑ๐—ถ-๐—๐—ฒ๐—ฒ๐˜….

๐—ช๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ๐—ฒ๐—ด๐—ฎ ๐Ÿฏ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ  - ๐—ง๐—ฎ๐—ฟ๐˜๐—ฎ๐—ป ๐—”๐—พ๐—ผ๐—ผ๐—ป๐—ฒ๐—ฒ๐—ฑ๐—ธ๐—ฎ ๐——๐—ฎ๐—น๐—ท๐—ถ๐—ฟ ๐—ฒ๐—ฒ ๐—ณ๐—ฎ๐—ต๐—ฎ๐—บ๐—ธ๐—ฎ ๐——๐—ฎ๐˜€๐˜๐˜‚๐˜‚๐—ฟ๐—ธ๐—ฎ ๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐—•๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐˜€๐—ต๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ช๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ๐—ป๐—ถ๐˜†๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ฒ๐—ฒ ๐—”๐—ฟ๐—ฑ๐—ฎ๐˜†๐—ฑ๐—ฎ ๐—๐—ฎ๐—ฎ๐—บ๐—ฎ๐—ฐ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ๐—ต๐—ฎ ๐—š๐—ผ๐—ฏ๐—ผ๐—น๐—ธ๐—ฎ ๐— ...
07/03/2026

๐—ช๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ๐—ฒ๐—ด๐—ฎ ๐Ÿฏ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ - ๐—ง๐—ฎ๐—ฟ๐˜๐—ฎ๐—ป ๐—”๐—พ๐—ผ๐—ผ๐—ป๐—ฒ๐—ฒ๐—ฑ๐—ธ๐—ฎ ๐——๐—ฎ๐—น๐—ท๐—ถ๐—ฟ ๐—ฒ๐—ฒ ๐—ณ๐—ฎ๐—ต๐—ฎ๐—บ๐—ธ๐—ฎ ๐——๐—ฎ๐˜€๐˜๐˜‚๐˜‚๐—ฟ๐—ธ๐—ฎ ๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐—•๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐˜€๐—ต๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ช๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ๐—ป๐—ถ๐˜†๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ฒ๐—ฒ ๐—”๐—ฟ๐—ฑ๐—ฎ๐˜†๐—ฑ๐—ฎ ๐—๐—ฎ๐—ฎ๐—บ๐—ฎ๐—ฐ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ๐—ต๐—ฎ ๐—š๐—ผ๐—ฏ๐—ผ๐—น๐—ธ๐—ฎ ๐— ๐—ฎ๐—ฟ๐—ผ๐—ผ๐—ฑ๐—ถ-๐—๐—ฒ๐—ฒ๐˜….

๐—ž๐˜‚๐—น๐—ฎ๐—ป๐—ธ๐—ฎ ๐Ÿญ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ:
๐‘ผ๐’๐’Š๐’—๐’†๐’“๐’”๐’Š๐’•๐’š ๐’๐’‡ ๐‘ฏ๐’‚๐’“๐’ˆ๐’†๐’Š๐’”๐’‚
๐—ฉ๐—ฆ
๐‘ฉ๐’†๐’…๐’†๐’“ ๐‘ฐ๐’๐’•๐’†๐’“๐’๐’‚๐’•๐’Š๐’๐’๐’‚๐’ ๐‘ผ๐’๐’Š๐’—๐’†๐’“๐’”๐’Š๐’•๐’š

๐—ž๐˜‚๐—น๐—ฎ๐—ป๐—ธ๐—ฎ ๐Ÿฎ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ:
๐‘ผ๐’๐’Š๐’—๐’†๐’“๐’”๐’Š๐’•๐’š ๐’๐’‡ ๐‘ฏ๐’๐’๐’š ๐‘ธ๐’–๐’“๐’‚๐’ ๐’‚๐’๐’… ๐‘ฐ๐’”๐’๐’‚๐’Ž๐’Š๐’„ ๐’”๐’„๐’Š๐’†๐’๐’„๐’†
๐—ฉ๐—ฆ
๐‘จ๐’ƒ๐’‚๐’‚๐’“๐’”๐’ ๐‘ป๐’†๐’„๐’‰ ๐‘ผ๐’๐’Š๐’—๐’†๐’“๐’”๐’Š๐’•๐’š

Address

Shacab Area
Hargeisa
0000

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Guddida Tacliinta Sare JSL posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Guddida Tacliinta Sare JSL:

Share