29/04/2026
Caynaba: Isuduwaha Komishanka Xuquuqul Aadamaha Qaranka ee gobolka Saraar, mudane Jaamac Maxamed Aadan (Food), ayaa ka qayb galay kulan muhiim ah oo ka dhacay magaalada Caynaba, kaas oo u dhexeeyey masuuliyiinta dawladda ee gobolka iyo bahda saxaafadda, ka hawl gasha gobolka. Kulankan waxa soo qaban-qaabiyey guddoomiyaha waxbarashada ee gobolka Saraar, isaga oo ujeedkiisu ahaa xoojinta wada shaqaynta iyo isfahamka u dhexeeya hay’adaha dawladda iyo warbaahinta.
Kulanka waxa ka soo qayb galay masuuliyiin sare oo kala duwan, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen guddoomiyaha gobolka Saraar, maayir ku-xigeenka degmada Caynaba, xildhibaano, isuduweyaal wasaaradeed, iyo xubno kale oo muhiim ah. Ka qaybgalka ballaadhan ee kulankan ayaa muujinaya muhiimadda ay leedahay wada shaqaynta hay’adaha kala duwan iyo saxaafadda.
Isuduwaha Komishanka Xuquuqul Aadamaha Qaranka ee gobolka Saraar ayaa madasha ka jeediyey khudbad dhinacyo badan taabanaysay, taas oo uu si qoto dheer ugu falanqeeyey muhiimadda ay leedahay xoojinta xidhiidhka wada shaqayneed ee ka dhexeeya Komishanka iyo warbaahinta. Waxa uu tilmaamay in saxaafaddu door weyn ka qaadato wacyigelinta bulshada, ilaalinta daahfurnaanta, iyo gudbinta xaqiiqooyinka jira, taas oo ka dhigaysa mid lama huraan u ah horumarka iyo dimuqraadiyadda.
Sidoo kale, waxa uu hoosta ka xarriiqay in ilaalinta xuquuqda saxaafaddu ay tahay waajibaad shaqo oo toos ah oo saaran Komishanka, isla markaana ay mar walba heegan u yihiin hubinta in wariyeyaashu si xor ah oo ammaan ah ugu gudan karaan shaqadooda. Waxa uu carrabka ku adkeeyey in Komishanku habeen iyo maalinba u taagan yahay difaaca xorriyadda hadalka, si loo helo warar iyo aragtiyo ku dhisan xaqiiqo, kana madax bannaan cabsi, handadaad, ama xadhig sharci darro ah.
Intii uu hadalka watay, Isuduwuhu waxa uu xusay in xuquuqaha aasaasiga ah ee bini’aadamka lagu dammaanad qaaday heshiisyada caalamiga ah ee xuquuqda aadamaha, kuwaas oo ay Somaliland ixtiraamto, iyo sidoo kale Dastuurka Somaliland, gaar ahaan qodobada 25aad iyo 32aad. Qodobadan ayaa si cad u dammaanad qaadaya xorriyadda hadalka, xorriyadda saxaafadda, iyo xorriyadda qofka, kuwaas oo ah tiirarka ugu muhiimsan ee bulshada dimuqraadiga ah.
Ugu dambayn, Komishanka Xuquuqul Aadamaha Qaranka waxa uu caddeeyey in ay ka go’an tahay ilaalinta, difaaca, iyo kor u qaadidda xuquuqda saxaafadda.