11/06/2025
Goobtu wa sayla wa kormeer iyo hawlgalin shaqaale aan ku marayay gobolka hawd dhamaantii Wakhtigii diwaangalinta muwadinka National Id cardka maanta dalkeena halku ka marayo iyo sida lo isticmaalo. Wakhiga ku hawlana hirgakintiisa anigo ah agaasimaha Waxda jinsiyadaha qaranka j. Somaliland.
Fiiro gaar: waxaan ahaa asaasihii iyo maskaxdii ka danbeysay bilawga , naqshadaynta iyo macluumadka National Id kaadhka maanta la qaato, waxa ila hirgaliyay. Fikirkaas markii aan keenay,
Waxanu ka bilaabmay warqad form ah oo aan sameeyay taasi oo la odhan jiray, foomka , ama Xashida Diwaangalinta Muwaadinka, macluumadka ay ka kobnayd waxa ahaayeen.
1. Magaca muwaasinka oo afran.
2. Magaca . Hooyadii.
3. Goobta shalasho/ taarikhda dhalasho.
4. Goobta u deganyahay / gobolka/ Degmada.
5 Qabiilka u ka soo jedo.
6. Caaqilkiisa.
7. Cinwankiisa ama numberkiis.
Xaashidan diiwaangalinta muwadinta waxa xaga sare lagaga xidhi jiray sawirada muwadinka . Waxay ka koobnayd laba koobi, mid muwaadinka la siiyo iyo mid xafiisku lahadho.
Waxa xaga hoosu ku qorna qoraal muwadinka khuseeya oo ah . In maclumadkaa aan bixiyeye, sax yihiin wixii qalad kaso noqdana an maauuliyadeed qaadaya sharcigana la igu horgeeyo.
Sodoo kale waxa saxeex . Numberka 6 aad ku.lahaa caaqilkiisi oo xafiiska hor Jinsiyadaha hor iman jiray.
Ugu danbeyn waxa saxeexa u danbeeya lahaa Aniga oo ah agaasimaha waaxda jinaiyadaha qaranka Jsl. Ee wasaarada arrimaha gudaha. Cali Xasan cawaale , shanbad waaxdana wa ku shici jirtay.
Hadaba waxa is weydiin leh warqadani maxay tari jirtay ka hor intaan kaadhka loo bedelin. ya se qaadan jiray ama so donan jiray.?
Warqada Diwaanglinta muwadinka oo marka kadhkan u dhigmayaysay waxa qaadan jiray.
1. Qof kasta oo Raba in u qaato pasportka somaliland laanta socdaalka oo kalin weyn ku lahayd hirgalinta warqadan aya waxay qofka pasportka doonaya ku xidhi jirtay in uu warqada Diwaangalinta muwadinka ka soo qaato Wasaarada daakhiga. Ayado warqado marka u dhigmaysay ama ku jirtay kaalinta maanta u kaadhka dhalashadu ku jjro.
2. Waxa kale oo Warqadan lagu xishi jiray wakhti mushaeaxiintii golayaasha degaanka ee dorashada 2012.taas o komiahanka doorasgooyinku ay shurudaha ugu jirtay in muaharax kasta so cadeeyo muwadinimadiiaa warqada diwangalintana kasoo qaato wasaarada daakhiliga.
Kuwaaa o dhamaantood aanu Siin jirnay.
Wanu garankara Xildhibaan degaan oo harheisa ka tartamay 2012 in warqada u ka so qatay waaxda jinsiyadaha qaranka wasarada arrimaha gudaha
MASUULIYIINTII ILA HIRGALISAY HAWSHAN IYO HAL ABUURKAN AAN LA IMID.
1. Taliyihii laanta Socdaalka , taliye Dayib Caalin oo hada nool oo an ka codaaday in uu dadka pasporta uso doonta warqadan kuxidhi si muhiimad u yeelato madama qorshabaygu ahaa in kaadh loo badelo dhawaan kaadhka iyo pasporkuna isku xidhmaan
Taliye Dayib Allah raali ha ka noqdo wa iga aqabalay arrintii waanu hirgaliyaya.
2. Wasiirka wasaarada arrimaha gudaha , Maxamed nur caraale duur,, walow markii h**e si khaldan warqadan loogu sheegay wasiirka, oo u shaqadii agaasinimo igaga qaaday, balse nasiib wanaag mudo toba casho gudahood ah sib igu so magacaabay shaqadii , warqadiina si heer sare ah u fahmay muhiimadeeda kasib marku arkay.
3. Wasiir kuxigeenkii amniga wasaarada arimaha gudaha oo marka ahaa md. Cabdilaahi Abokor , kaasi oo qoraal u qoray dhaman cida ay khusayso waax ahaana nagu booriyay in ay horgalino , oo socodsiino Warqada , Diwaangalinta muwaadinka,
Waxa kale oo wakhtiga wasaatadu go,aan ku gaadhay fulisayna in kaadhka dhalashasa iyo ka codayntu kala gaar noqdaan komishanka doorashoyinkuna ay kaadhadh codbixinta gaar u dabacdaan , halkii awal h**e komishanku so daabici jiray kaadh, muwaadin oo lagu codaynayo. Calashan isku jira. Taasna si wacan ayay horgashay.
4. Agaasimihii guud oo marka ahaa Cabdilaahi balacki isla markaana aha cidii i magacwaday Xilka agaasimaha waxda jinsiyadaha aniga oo ahaa marka h**e agaasimaha waaxda Gobolada iyo siyaasada, wakhtiga la imagacaabayna waxa wasaarada wasiir ka ahaa Dr gabooze oo agaasimaha amar ku siyay in waaxda u i bedelo asaguna magacaabista sameeyo,
Waxa xusid mudan in aan xilka waxda ka cudur daartay anigoo u sheegay in waaxdaasi jawl badan iyo shaqo badan u bahantahay, balse waxay labada masuulba igu maslaxeen in aan aqbalo xilka isla marka waxay ii balan qaadewn in ay ila shaqaynayaan, hawlkasta oo an waxda ka qabanayo. Walow wax yar kadib uu wasiirkii Dr gaboose iska casilay xilka, hawshiina la kawsatay wasiir duur.
5. Ugu danbeyn waxa hawshan ai laxaad leh uga qayb qaatay Xoghayntaydii Xafiiska oo hada jooga wasaarada, Sacad cali.
Dhamaan masuuliyintaasi way noolyihihiin waxayna markhaati ka yihiin bilawgii fikirkan iyo hindisahan in uu ka yimid xagayga ayana ila hirgaliyeen. Wan u mahadnaqayaa dhamaantood
INTA KADIB MAXA DHACAY .
Mudo waxay warqadii sida kuso shaqaysaba, Waxa isbedel ku yimid masuuliyintii wasaararada walow hada taarikhdii isbedelka aan hilmaan sanahay lkn waxay ahay 2013 melahaas.
Waxa wasaatada wasiir ka noqday waran Cali maxamed Waran cade, waxa agaasimo guud ka noqday, nin hada magaciisi aan liqsanahay, oo bil gudaheed marku Xilka la wareegay xanuunsaday, shaqadina ka tagay .
Waxa la so magacaabay oo agasime guud lo ao magacaabau Cabdi samad Cumar maal, oo hada ah garyaqaanka guud ee Qaranka.
Waxyar kadib waxay wasaaaradu goaansatay in arrinta Diwaangalinta muwaadinkako bedelo hab casri oo laga dhigo National Id carka ama kaadhka dhalashada muwaadinka , ayadoo madaxweynaha Jsl Marxum Axmed Silaanyo ka codatay arrintan in wax kala qabto.
Waxa u madaxweynuhu magacaabay steering comitte, gudida diwaangalinta muwaadinka , oo u gudoomiye u yahay Wasiirka wasaarada arrimaha Gudaha Cali Waran cade, waxa xubnaha gudidiaas ka mid ahaa.
1. Wasir Cali waran W.A.G. gudomiye
2. Xirsi Xaji cali. W. Madaxtoiyada.
3. Sacad Cali shire. Wasirka qorshaynta
4. Samsm cabdi aadan
W. Waxbarashada.
Waxa kale oo u madaxweynuhu magacabay gudi kale oo gudidan hoos tagta oo lagu magacabo TASK FORCE.
1. Cabdisamad cumar maal Ag. Guud W.A.G.
2. Cali.Dahir Oo ahaa agaasimaha itga dawlada, wakhtigii dawladi muse bixina noqday Gudoomiyaha banka jsl.
3. Cali shoonbe oo aha lataliye. Wakhtigas
4. C/ raxmaan oo wakhtiga aha school an magaciisi ilawsanahay maamule ka aha , hada se ah Xubin komishanka Dorasvooyinka kana timid xaga xisbigii
ucid..
Ugu danbeyn waxa la hirgaliyaya systemki dabacaada kaadhka oo laga bilaabay gobolka maroodi jeex iyo degmooyinka hoos timaada.
videogani wa markii ay dhamaatay hargeisi ayaanu u rarnay kitatkii lagu diwangalinayay dadka degmooyinka iyo tumooyinka go olka marodi jeex .
Markaa taariikh dheer, iyo hawl culus ayu ka mid yahay vidiogan cawa idiin muuqda.
Kadhkan yar ee.dhalashaduna waxa u ka aoo maaxday maskaxda ninka qoralkan qoray waxan taaba galiyay madaxda qaranka wana kaas maanta aynu manaafacaadanayno, walo hal face kaliya aan ka isticmaalno, oo faces kale oo muhiim ahi oo isla kaadhkan un ah ino hadhsanyihiin in aan u gudubno insha All
ah iyana waynu gaadhi.
Waxa iga Xasuusin ah dhaman masuliyinta aan halka ku xusay wa wada nool yihiin. Intan ka warqabo. Hawshana waxay ahayd hawl dheer oo anan qoraal iyo laba iyo sadex midna kuso koobi karin. Balse cawa in yar aan ka tatabtay.
Ali hasan awale ( Garaad Nageeye)