Wasaaradda Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaaradda JSL

Wasaaradda Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaaradda JSL Ministry of Civil Aviation and Airports Development SL. Official page for "MOCAAD " Official page for Ministry of Civil Aviation and Airport's Development

08/11/2025

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi oo maanta kormeer ku yimid Wasaaradda Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaaradda ayaa daah-furay Mashaariic ay ka hirgalisay Wasaaraddu Madaarka Caasimadda Hargeysa ee Egal International Airport iyo Xarunta Dhexe ee Wasaaradda, mashaariicdaasi oo kala ahaa:

1. Dhismaha Terminal-ka cusub ee soo dagayaasha oo ka kooban Qaybta Rakaabka, Qaybta Marti-sharafta (VIP Lounge) iyo Qaybta Madaxda Dowladda (Executive Lounge).
2. โ Xarunta Maamulka Hawada Sare oo lagu xoojiyay qalab cusub oo suurto-galinaya hagida iyo maamulka diyaaradaha isticmaala Airspace-ka Somaliland.
3. โ Dib-u-dhis, Qurxin iyo Qalabayn dhammaystiran oo lagu sameeyay Xafiisyada Xarunta Wasaaradda.

08/11/2025

Kulankii Agaasimayaasha Waaxyaha Wasaaradda Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaaradda JSL ee todobaadlaha ahaa ayaa maanta gelinkii dambe ka qabsoomay xarunta Wasaaradda. kulanka oo uu shir gudoominayay Agaasimaha Guud ee Wasaaraddu ayaa daarnaa mahadcelin iyo is-waraysi la xidhiidha shaqadii maanta sida ay u qabsoontay.

Kulanka ayaa dhacay ka dib booqashadii taariikhiga ahayd ee uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ku yimid Wasaaradda iyo Madaarka Cigaal. Intii uu madaxweynuhu joogay, waxa uu si rasmi ah xadhigga uga jaray mashaariicdii horumarineed ee laga hirgeliyey Wasaaradda iyo Madaarka Cigaal ee Hargeysa.

Intii kulanku socday, Agaasimaha Guud ayaa uga mahadceliyey Agaasime Waaxeedyada dedaalkooda iyo sida hagar laโ€™aanta ah ee ay uga qayb qaateen fulinta iyo hirgelinta mashaariicdaas muhiimka ah ee kor u qaaday adeegyada duulista hawada iyo casriyeynta madaarrada dalka.

08/11/2025

Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa goaamo ka soo saartay Maamulka Hawada iyo eVisa.

07/11/2025

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi oo berri daah-furi doona Mashaariic ay hirgalisay Wasaaradda Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaaradda oo la xidhiidha Madaarka Caasimada iyo Xarunta Dhexe ee Wasaaradda.

Wasaaradda Duulista Hawada iyo Horumarinta  Madaaradda JSL ayaa soo saartay Awaamiir cusub oo ku saabsan Diyaaradaha ist...
02/11/2025

Wasaaradda Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaaradda JSL ayaa soo saartay Awaamiir cusub oo ku saabsan Diyaaradaha isticmaala Hawada Sare (Airspace) ee Somaliland.

๐Ÿ—“ Axad, October 26, 2025๐—ฆ๐—ต๐—ถ๐—ฟ๐—ธ๐—ฎ ๐—ง๐—ผ๐—ฑ๐—ผ๐—ฏ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ๐—น๐—ฎ๐—ต๐—ฎ ๐—ฒ๐—ฒ ๐—”๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐˜€๐—ถ๐—บ๐—ฒ ๐—ช๐—ฎ๐—ฎ๐˜…๐—ฒ๐—ฒ๐—ฑ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ ๐——๐˜‚๐˜‚๐—น๐—ถ๐˜€๐˜๐—ฎ ๐—›๐—ฎ๐˜„๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐—›๐—ผ๐—ฟ๐˜‚๐—บ๐—ฎ๐—ฟ๐—ถ๐—ป๐˜๐—ฎ ๐— ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ...
26/10/2025

๐Ÿ—“ Axad, October 26, 2025

๐—ฆ๐—ต๐—ถ๐—ฟ๐—ธ๐—ฎ ๐—ง๐—ผ๐—ฑ๐—ผ๐—ฏ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ๐—น๐—ฎ๐—ต๐—ฎ ๐—ฒ๐—ฒ ๐—”๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐˜€๐—ถ๐—บ๐—ฒ ๐—ช๐—ฎ๐—ฎ๐˜…๐—ฒ๐—ฒ๐—ฑ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ ๐——๐˜‚๐˜‚๐—น๐—ถ๐˜€๐˜๐—ฎ ๐—›๐—ฎ๐˜„๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐—›๐—ผ๐—ฟ๐˜‚๐—บ๐—ฎ๐—ฟ๐—ถ๐—ป๐˜๐—ฎ ๐— ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ฎ๐˜†๐—ฎ๐—ฎ ๐— ๐—ฎ๐—ฎ๐—ป๐˜๐—ฎ ๐—ธ๐—ฎ ๐—พ๐—ฎ๐—ฏ๐˜€๐—ผ๐—ผ๐—บ๐—ฎ๐˜† ๐—›๐—ผ๐—ผ๐—น๐—ธ๐—ฎ ๐—ฆ๐—ต๐—ถ๐—ฟ๐—ฎ๐—ฟ๐—ธ๐—ฎ ๐—ฒ๐—ฒ ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ.

Shirka oo uu guddoomiyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Abdirashid Abdi Jama , ayaa ujeeddadiisu ahayd soo bandhigidda Warbixinta Waxqabadka Waaxyaha Wasaaradda ee ( July โ€“ September 2025).

Intii uu socday shirka, waxaa lagu falanqeeyay waxqabadka iyo caqabadaha waaxyaha kala duwan, iyadoo lagu dhiirrigeliyay in la xoojiyo qorshayaasha horumarineed ee qayb walba si loo dardar-geliyo adeegyada duulista iyo madaarrada dalka.

Wasaaradda Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaaradda waxay sii wadaysaa dadaallada lagu horumarinayo adeegyada duulista iyo madaarrada dalka, iyadoo mudnaanta la siinayo hufnaanta, tayada, iyo isla xisaabtanka shaqada qaranka.

26/10/2025

Wasiirka Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaaradda ayaa hor-tagay Guddida Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Golaha Guurtida JSL.

Wasiirka ayaa Warbixin ka siiyay Guddida Arrimaha Wasaaraddu ugu xil-saaran tahay Qaranka ee Duulimaadyada, Hawada, Gaadiidka Cirka, Maamulka iyo Horumarinta Madaaradda. Waxaana Wasiirku uu faah-faahiyay tallaabooyinka ay ilaa imika qaaday Wasaaraddu ee la xidhiidha Arrimaha Hawada.

Ugu dambayn Wasiirku waxa uu ka jawaabay dhammaan suaalihii xubnaha Guddidu ka waydiiyeen Maamulka Hawada, Arrimaha eVisa iyo Shuruucda dal-ku-galka ay ku dhaqmayaan Shirkaddaha Diyaaraddaha ee Somaliland ka haw-gala.

25/10/2025

๐Ÿ“… ๐—ฆ๐—ฎ๐˜๐˜‚๐—ฟ๐—ฑ๐—ฎ๐˜†, ๐—ข๐—ฐ๐˜๐—ผ๐—ฏ๐—ฒ๐—ฟ ๐Ÿฎ๐Ÿฑ, ๐Ÿฎ๐Ÿฌ๐Ÿฎ๐Ÿฑ

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo Wasiirka Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaaradda ku ammaanay tallaabooyinka uu ilaa imika qaaday ee Arrimaha Hawada

๐‘พ๐’‚๐’“-๐’”๐’‚๐’™๐’‚๐’‚๐’‡๐’‚๐’…๐’†๐’†๐’…
22/10/2025

๐‘พ๐’‚๐’“-๐’”๐’‚๐’™๐’‚๐’‚๐’‡๐’‚๐’…๐’†๐’†๐’…

19/10/2025

Wasaaradda Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaaradda oo dayactir ku samaysay Madaarka Ceerigaabo

Wasaaradda Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaaradda ayaa dhammaystiryay wajiga koowaad ee Dayactirka Madaarka Ceerigaabo, iyada oo la dayactiray Dhabada Diyaaradaha (Runway), Qaybta Dhigista Diyaaradaha (Abron) iyo Xafiisyada Madaarka.

Waxa kormeer ku tagay Wasiiru-dowlaha Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka iyo Maayar-ku-xigeenka Ceerigaabo, waxa goobta ku sugnaa oo Warbixin ka siiyay shaqada socota Agaasimaha Waaxda Madaaradda ee Wasaaradda Duulista Maxamed Xuseen Jaamac, Isu-duwaha Wasaaradda Duulista ee Gobolka Sanaag Aadan Yusuf Musa

Address

Airport Road
Hargeisa

Opening Hours

Monday 07:00 - 14:00
Tuesday 07:00 - 14:00
Wednesday 07:00 - 13:00
Thursday 07:00 - 12:00
Saturday 08:00 - 14:00
Sunday 07:00 - 14:00

Telephone

+252654312751

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Wasaaradda Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaaradda JSL posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Wasaaradda Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaaradda JSL:

Share