26/06/2025
Bismillaahi Raxmaani Raxiim,
Asalaamu Calaykum Waraxmatullaahi Wabarakaatuh,
Aniga oo ah Guddoomiyaha Xidhiidhka Tenniska Kubbadda Miiska ee Jamhuuriyadda Somaliland, waxaan halkan ka jeedinayaa mahadnaq, bogaadin iyo hambalyo qiiro leh oo ku wajahan dhammaan ka qaybgalayaashii iyo marti sharaftii ka soo qaybgashay xafladda xuska maalinta qiimaha badan ee 26-ka Juun.
Xafladdan oo si heer sare ah uga dhacday hoolka dalladda dhalinyarada ee SONYO, waxa ay ahayd mid xambaarsan qiimaha xorriyadda, qiimaha dhalinyarada, iyo kor u qaadidda doorka isboortigu ku leeyahay wacyigelinta iyo horumarinta bulshada.
Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa:
Musharrax Xildhibaan Nuur Cumar Iidaan, oo u tartamaya Golaha Wakiilada, kana mid ahaa marti sharaftii xafladda — mahadsanid taageeradaada muuqata ee ciyaaraha iyo dhalinyarada.
Mudane Jamaal, Agaasimaha Waaxda Sports-ka ee Wasaaradda Ciyaaraha — oo ka jeediyay hadal rajo iyo yididiilo xanbaarsan, kana hadlay qorshaha mustaqbalka ee lagu hirgelin doono ciyaarta Long Tennis-ka si ay fursad u noqoto jiilka soo kacaya.
Aqoonyahan Xasan Faaiz, ahna bare jaamacadeed, oo jeediyay hadal qiimo leh oo dib inoogu celiyay xusuusta iyo taariikhda qiimaha badan ee 26-ka Juun, taas oo calaamad u ah halgankii xorriyadda.
Khaalid Jiilaani, khabiir sare oo ku takhasusay ciyaaraha fudud — oo si qurux badan uga hadlay doorka isboortigu ku leeyahay horumarka dhallinyarada iyo jir ahaan iyo maskax ahaanba.
Ugu dambayn, waxaan si qoto dheer ugu mahadcelinayaa:
Mudane Cabdillaahi Maxamuud Jiidhe, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ciyaaraha — oo si rasmi ah u soo xidhay xafladda, hadal muhiim ahna kaga hadlay ahmiyadda ciyaarta tenniska kobbadda miiska, isagoo xusay in ay tahay ciyaarta kaliya ee si isku mid ah ay u wada ciyaari karaan dhalinyarada iyo odayaasha.
Sidoo kale wuxuu shaaciyay in tartankii degmooyinka caasimadda ee tennis-ka uu si rasmi ah u bilaaban doono isbuuca soo socda, isagoo xusay in tartankii h**e ee qori-u-tuurrka degmooyinka uu guul ku dhammaaday.
Intaa waxaa dheer, ma ilaawi karo doorka weyn ee ay ku lahaayeen Hoolka Dalladda SONYO, oo si hufan noogu martigeliyay xafladda. Waxaan u dirayaa mahadnaq weyn gaar aha Agaasimaha Dalladda SONYO iyo dhammaan shaqaalaha halkaas ka hawlgala. Doorkiinnu waa tusaale u ah sida dhalinyaradu u noqon karto xoog iyo horumar.
Ugu dambayn, aniga oo matalaya Xidhiidhka Tenniska Kubbadda Miiska ee JSL, waxaan si kal iyo laab ah ugu hambalyeynayaa dhammaan shacabka Jamhuuriyadda Somaliland munaasabadda 26-ka Juun — maalinta xorriyadda, madax-bannaanida, iyo sharafta ummadeenna.
Waxaan Ilaahay ka baryayaa in uu shacabka Somaliland siiyo:
Horumar, Barwaaqo, Guul iyo Aqoonsi caalami ah.
Mahadsanidiin dhammaantiin.
Guddoomiyaha Xidhiidhka Tenniska Kubbadda Miiska
Jamhuuriyadda Somaliland
-----‐------------------@@@@@@@