08/04/2026
Ciidamada Booliska Magaalada Hargaysa Ayaa la sheegay inay Xidheen Nin dhaliin yaro ah oo lagu magacaabo Yuusuf Cabdiraxmaan Maxamed kaas oo ku magac dheer boqorka burco
Ninkan oo ka mid ah dhaliinyarada Tiktokerska ah ayaa Sheegay in loo haysto dayn dhan $2000 taas oo ka timi Cunto u cunay hal bil gaar ahaan bishii la soo dhaafay ee ramadan
Saddexdii habeen ee ugu dambeysay ayuu Yuusuf waday olole uu lacagtaas ku uruurinayey isagoo sameynayay muuqaallo live ah oo TikTok ah,
si dadka Mixsiniinta ah uga qeyb qaataan bixinta lacagta lagu leeyahay ee Cuntada ah
Sida uu isagu sheegay, wuxuu ku guuleystay inuu helo $1,200, halka ay weli ka harsan tahay $800
Ilo ku dhow arrinta ayaa sheegaya in tallaabadan ay ka cadhoodeen aabihii iyo beeshiisa, kuwaas oo ku eedeeyey inuu Sameeyey ceeb iyo Fadeexad bulshada dhexdeeda ah
Wararka qaar ayaa sidoo kale tilmaamaya in sii deyntiisa ay ku xirnaan karto go’aanka qoyskiisa, gaar ahaan aabihii