23/07/2025
Hargeysa – Arbaca, 23-ka July 2025 – Guddida Garsoorka, Caddaaladda, Shuruucda iyo Xuquuqal Aadamaha ee Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa saaka kulan la yeeshay Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda Mudane Yoonis Axmed Yoonis.
Kulankan oo ka dhacay xarunta Golaha Wakiillada waxa uu ahaa mid qayb ka ah waajibaadka dastuuriga ah ee Guddida ee la xisaabtanka iyo kormeerka hay’adaha fulinta, gaar ahaan kuwa ku lugta leh arrimaha Cadaalada iyo ilaalinta xuquuqda Aadamaha.
Waxa kulankan guddoominayay Guddoomiyaha Guddida Garsoorka, Caddaaladda, Shuruucda iyo Xuquuqal Insaanka, Md. Jamaal Cali Aadan (Jaah).
Mudaneyaasha Guddidu waxay Wasiirka weydiiyeen su’aalo la xidhiidha:
Heerka uu marayo nidaamka fulinta Cadaalada dalka,
Sida loo daboolayo baahiyaha caddaaladda ee heer gobol iyo
degmo,
Dariiqa loo marayo hirgelinta qorshayaasha dib-u-habeynta
Cadaalada,
Doorka Wasaaraddu ku leedahay ilaalinta xuquuqda aasaasiga
ah ee muwaadiniinta,
Iyo xal u helidda caqabadaha hortaagan helitaanka caddaalad
loo siman yahay.
Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda, Mudane Yoonis Axmed Yoonis, ayaa dhankiisa warbixin dhammaystiran ka siiyay Guddida:
Hawlaha ay Wasaaraddu qabatay intii uu xilka hayay,
Qorshayaasha waaweyn ee u degsan sanadaha soo socda,
Xaaladda maxkamadaha, xabsiyada, iyo shaqaalaha garsoorka,
Iyo xidhiidhka wada shaqayneed ee ay Wasaaraddu la
leedahay hay’adaha kale ee dawladda iyo kuwa caalamiga ah.
Wasiirku waxa uu sidoo kale ka jawaabay dhammaan su’aalihii ay Mudaneyaasha Guddidu weydiiyeen, isaga oo muujiyay diyaar-garow iyo isfahan ku dhisan wadashaqayn dastuuri ah.
Ugu dambayn, Guddoomiyaha Guddidu waxa uu u mahadcaliyay Wasiirka sidii wanaagsanayd ee uu uga soo jawaabay Dalabkii yeedhmada ahaa ee ay u direen ka guddi ahaan, sidoo kale waxa uu xusay muhiimada ay leedahay kor u qaadista adeegyada caddaaladda, isaga oo dhiirigaliyay in la dardargeliyo hirgelinta qorshayaasha wasaaradda ee la xidhiidha tayaynta Cadaalada iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha.
Omar Ahmed Isse
Xoghayaha Guddida Garsoorka, Cadaalada, Shuruucda iyo Xuququl Insaanka ee Golaha Wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland.