Urursiyaasadeedka Shaqaalaha

Urursiyaasadeedka Shaqaalaha Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Urursiyaasadeedka Shaqaalaha, Political Party, Hargeisa.

03/08/2022

Gudida Diiwaan-galinta URURADA iyo Ansixinta Axsaabta Qaranku waxay noo diideen inay noo diiwaan-galiyaan magacii URUR SIYAASADEEDKA SHAQAALAHA, waxaanay noo sheegeen in ay na dacweeyeen URURKA SHAQAALAHA QARANKA JSL.

Waxaan ka codsanay inay na siiyaan nuqul dacwadaas ka mid ah, si aanu u aragno sababta na loo dacweeyey, taas na gudidu way no diiday inay na siiyaan.

Waxaanu dacwad ka dhan ah gudida u gudbin doonaa maxk**ada gobolka Maroodi-jeex baritoole haddii Allah yidhaa.

FG: waxaanu u arag naa in gudida diiwaan-galintu aanay xaq u lahayn inay naga hor istaagto xuquuqdayada dastuuriga ah, waxaa kale oo aanu u aragnaa in magaca na loogu diidan yahay taageerada iyo shacbiyada uu haysto iyo in magacu u taagan yahay u doodida xuquuqda bulshada Somaliland oo dhan shaqeeyayaasha ah.

K**a tanaasulayno afkaartayda iyo maba'adii-da uu URURKA SHAQAALAHU u aasaasan yahay.

Ma rabno inaanu saaxada siyaaasada ku soo kordhino muran iyo buuq cusub oo siyaasadeed.

Allah Mahad leh.

Ibraahim Adam Aw Qoobey
Gudoomiyaha URUR SIYAASADEEDKA SHAQAALAHA.

Waxaa Maanta sii Balaadhan Magaalada Hargeisa Loogu Soo Dhaweeye Gudoomiyaha UrurSiyaasadeedka shaqaalaha
26/07/2022

Waxaa Maanta sii Balaadhan Magaalada Hargeisa Loogu Soo
Dhaweeye Gudoomiyaha Urur
Siyaasadeedka shaqaalaha

01/07/2022

"Dr Gaboose Waxa uu isku Gaystay Dhaawac Siyaasadeed Waxa uu Kala Qaybiyay Deegaanka uu Kasoo Jeeddo Hantidiisina Anaa u Mag Dhabaayee Haso Doonto " Ibraahim Adam

25/06/2022

Marka h**e waxaan ilaahay uga baryayaa inuu caafimaad taam ah siiyo Maxamed Cali Maxamed dhaawaca ka soo gaadhay mudaharaadkii iyo xiniinta laga saaray ba.

Gabadhii iyadana ciidanka booliska ay gacantu ka soo gaadhay na waan ka xumahay.

Haddaba, labadaas dhacdo ba iyadoo aan ka xumahay haddana waxaan uga fikirayaa si ka duwan sida ay dadka caadiga ahi uga fikirayaan.

Xisbiyada siyaasada iyo siyaasiyiintu ba waxaa fiican in ay dhacdooyinkan aanay uga faaiidaysan qaab ay dadka iyo ciidanka iskaga horkeenayaan, balse Waa inay iga fikiraan qaab siyaasadeed iyagoo daraasad ku samaynaya hab-dhaqankan ciidanka, iyo bulshada ka na duulaya inay ka fikiraan sidii aanay mar danbe tan oo kale u dhici lahayn, ciidanka iyo bulshdu na u wada shaqayn lahaayeen.

Haddaba aniga oo ku hadlaaya magacayga iyo ka masuuliyiinta URURKA SHAQAALAHA, waxaan aaminsanay in qaranku guud ahaan u baahan yahay in dibu-eegis lagu sameeyo dhamaan dawladnimada, nidaamka siyaasadeed ee dalka, wax wada lahaanshaha, gaar ahaan siyaasada amniga iyo ciidanka, in la tayeeyo booliska oo sare loo qaado aqoontooda iyo shuruucdooda ba.

Ma haboona in siyaasiyiinta doonaysa hogaaminta dalku ay ku soo celceliyaan qalad ka dhacay ciidamada, ama khasaare ka dhashay hawl-gal Nabad-galyo oo aan badheedh loo samayn, mana aha inay ciidamada ay shalay maamulayeen baritoole na ay rabaan inay maamulaan ay war-bixintooda beeniyaan oo ay siyaasadeeyaan.

Waxaan uga sheegayaa siyaasiyiinta sidaas u fikiraysa in aanay ka talinayn mustaqbalka dalka iyo dadka, markhaati waxaa ah in aanay rajo ka damacsanayn hogaaminta dalka iyo dadka.

Ciidanka booliska iyo madaxdooda ba waxaan ku amaanayaa hawsha adag ee qaranka u hayaan, waxaanan leeyahay ilaahay ha idinka siiyo ajar iyo xasanaad, waxaanan u soo jeedinaya madaxda booliska inay degdeg wax uga qabataan wixii qalad ah ee ka dhaca hawl-galada nabad-galyada ee aad ku jirtaan.

Waxaa kale oo ugu baaqayaa bulshada inay ciidanka la shaqeeyaan, qasaare kasta oo booliska idinka soo gaadha na waxaa ka badan hawsha amni ee ay inoo hayaan ee ha loogu dul-qaato, waxaanan aaminsanay inay iman doonto maalin boolisku JSL iyo bulshada JSL aanay waxba isu sheegan doonin qasaare na ka dhex dhici doonin.

Ugu danbayn, guul baan u rajaynayaa shacabka JSL.

Gudoomiyaha URURKA SIYAASADEEDKA SHAQAALAHA.

Ibraahim Adam Aw Qoobey Ibraahim Dheere.

06/06/2022

"Xisbiyada Mucaaradku Waxay Doonayaan In Madaxwaynaha Xilka Loo Kordhiyo"Gudoomiyaha Urur Siyaasadeedka Shaqalaha

02/06/2022

Inta badan anigu waxaan tilmaamaa xaalada taagan, lkn dadka qaar waxba k**a faaiidaystaan, waxaanay moodayaan inaan cid ujeedo, inta badan xisbgii aan ka tisanaan jiray ee WADDANI ayay isku kaaya xoqaan bal hadda ba dadkaas iyo Xisbiyada Mucaaradka ba maanta waxaan u sheegayaa.

Haddii ay Xisbiyada Mucaaradku rabaan doorasho madaxtooyo inay u qabsoonto Nov-13-2022 oo doorashada URURADU na sida ay ku doodayaan ay December qabsoonto, labada doorasho ba cidii inoo qaban lahayd Waa komishanka, komishankiina meesha ayuu ka baxay hadda ba waxaan dadwaynaha la wadaagaya labadan arimood.

1. Haddii ay Xisbiyada mucaaradka ah dhab ka tahay doorashada madaxtooyadu inay u qabsoonto Nov-13-2022, Waa inay aqbalaan in la kala diro komishanka h**e ee gudoomiyahoodii ka warbixiyay shalay oo ay isla markaana ka shaqeeyaan sidii komishan cusub loo soo dhisi lahaa oo ay labadoodii xubnood na soo magacaabaan sida ugu dhakhsaha badan na ay Madaxwaynaha ugu gudbiyaan.

2. Waa inay gudoomiyaha golaha guurtida ka codsadaan inuu isagu na soo magacaabo labadiisii xubnood una gudbiyo madaxwaynaha.

3. Waa inay madaxwaynaha usoo jeediyaan inuu komishanka cusub xubnihiisii dhakhso usoo magacaabo, si dhakhso ahna u hor geeyo golaha wakiilada inta aanu xidhmin kal-fadhigan socda ee golaha wakiiladu, inta ka horaysa June-20-2022.

4. Waa inay Xisbiyada mucaaradku ka codsadaan shir-gudoonka golaha wakiilada in aanu golahu fasax galin ee ay sugaan inta laga ansixinaayo komishanka cusub ee doorashada.

Haddii ay Xisbiyada mucaaradku talaabooyinkan ay qaadaan waxay noqonayaan inay diyaar u yihiin doorashada Nov-13-2022, haddii se ay arintan ka shaqayn waayaan waxaa hubaal ah in aanay doorashada doonayn, muddo kordhinta Madaxwaynaha na ay raali ka yihiin sidoo kale ay rabaan in Xisbiyada na muddo kordhin loo sameeyo, balse muddo kordhinta Xisbiyada waxay ku suurto galaysaa xeer Lr 14/2011 oo golaha wakiiladu wax ka badal ku sameeyo, arintaas oo ah mid aan suurto galayn.

Dib u dhac kasta oo ku yimaada doorashooyinka, waxaa ka masuul noqon doona Xisbiyada, waayo iyaga ayaa laga rabaa inay wixii kala gudboon, iyo wixii talo ah ba had iyo jeer u soo jeediyaan qaranka oo aanay ka seexan, waayo ninka kursiga doonaya ayaa la rabaa inuu ka shaqo iyo dadaal ba badnaado ninka ku fadhiya.

Haddii se ay ka shaqayn waayaan oo ay naftooda iyo bulshada ba wax kale ku mashquuliyaan Waxaa hubaal ah inay ay masuuliyada dibu dhaca doorashooyinka qaybtooda qaadan doonaan.

Ururada siyaasadeed awood uma laha inay komishan soo dhisaan, balse doorashada ururada iyo ta madaxtooyada labada ba komishankii qaban lahaa waa muhiim in la soo dhiso, cida la rabo inay ka shaqaysaa oo cid kasta ku hogaamisaana Waa Xisbiyada, anagu na Urur ahaan waxaan ku boorinaynaa cid kasta ay khusayso arintani in laga sugaayo.

Waxaan u aragnaa khilaafka siyaasadeed ee dalka ka jira in aanu ahayn furista ururada, in laga heshiin karo doorashooyinka sida loo soo kala horaysiinayo, balse khilaafkii komishanka ka dhashay uu fogeeyey rajada doorashooyinka oo dhan inay sanadkan dhici karaan, sidaas darteed waxaan ugu baaqayaa Xisbiyada mucaaradka ah, madaxwaynaha iyo guurtida ba ina sida ugu dhakhsaha badan loo soo dhiso komishan cusub oo doorashooyinka inoo qabta.

Allah Mahad leh.

Gudoomiye Ibraahim dheere.

01/06/2022

Doorasho in aanay Nov-13-2022 dhacayn Waa hubaal.

1. Mar haddii aanu jirin komishankii doorashada qaban lahaa.

2. Dhismaha komishanka cusub oo wakhti qaadan doona.

3. Golaha wakiilada oo bishan June 20-keeda fasax gali doona isla markaana soo noqon doona bisha Augustus kaas oo xiligaas na xukuumadu hor gayn doonta go’aanka gudida baadhaysa komishankii h**e iyadoo markaana laga rabo golaha wakiilada inay xubnaha ka sii hadhay komishankan ay codka kalsoonida u qaadaan.

4. Komishanka cusub dhismihiisa iyo ansixintiisa golaha wakiiladu wuxuu noqon doonaa kal-fadhiga golaha wakiilada ee bisha december 2022, wuxuu na hawl gali doona ugu horayn bisha December 2022, ugu danbayn na bisha January 2023.

5. Doorashada ururadu k**a soo horaynayso bisha May sanadka 2023.

Anigu markaan intaas oo dhan eegay waxaan garan Waayay waxa Xisbiyada mucaaradku doonayaan ee ay wakhtiga ugu luminayaan buuqa iyo mudaharadka, shacabka JSL haddii uu sameeyo isu soo bax kasta marna maaha iyagu kuwii doorashada qaban lahaa.

Waxaa ii muuqata in ay aad u yar tahay waayo-aragnimada siyaasadeed ee Xisbiyada mucaaradka.

Shacabka JSL waxaan u soo jeedinayaa in ay isku duubni, midnimo, nabad-galyo iyo samir kaga gudbaan wakhtigan adag ee siyaasadeed.

Mar walba waxaan u taaganay ilaalinta qaran-nimada JSL, qiimaha ay inagu joogto dawlad-nimada JSL qof kasta wuu garanayaa, uma na malaynaayo inuu jiro qof wax kale ku doorsanaya ama raba inuu qaran-nimada JSL burburiyo.

Ugu danbayn waxaan shacabka JSL ugu baaqayaa inay ilaashadaan qaran-nimada JSL, inay gacan siiyaan dawlada, hay’adaha amniga, iyo cid kasta oo u istaagta xal u helida muranka siyaasadeed ee wakhtigan jira.

Gudoomiye Ibraahim dheere

19/05/2022

Qof kasta oo caqli lihi Waa uu arkayaa in aanay doorasho madaxtooyo dhacayn, sababta oo ah maba hayno komishankii inoo qaban lahaa! Hadda ba November 13 yaa doorashada inoo qabanaaya?

16/05/2022

War saxaafadeedka Gudoomiyaha URURKA SHAQAALAHA.

12/05/2022

Nidaamka dimuquraadiyadu wuu noocyo badan yahay hase yeeshee waxaa muhiim ah in xisbi waliba qeexo nooca dimuquraadiyadeed ee aaminsan yahay ee ay ku dhisan tahay siyaasadiisa uu bulshada ku maamuli doono.

Ururka/Xisbiga SHAQAALUHU wuxuu aaminsan yahay nooca dimuquraadiyadeed ee loo yaqaano dimuquraadiyada dastuuriga ah (constitutional democracy) taas oo odhanaysa.

Dimuqraadiyada la isku raacsan yahay - xukun ku salaysan is-afgarad halkii uu ka ahaan lahaa xukun aqlabiyada ku dhisan. Dimuqraadiyadda Dastuuriga ah oo dalka iyo dadka ba lagu maamulo dastuurka. Dimuqraadiyada wada tashiga – taas oo ah wada tashi dhab ah balse aan ahayn codbixin oo keliya, sidoo kale xuquuq Siman siinaysa muwaadiniinta dalka taas oo meesha ka saaraysa takoorka iyo hayb-sooca bulshada, islamarkaana ay xudun u tahay go'aan qaadashada sharciga ah.

URURKA SHAQAALUHU wuxuu si dhab ah u dabayaqayaa dastuurka iyo xeerarka dalka JSL.

Mr. President Welcome to the United States, as leaders and officials of the LABOR PARTY, we look forward to supporting y...
13/03/2022

Mr. President Welcome to the United States, as leaders and officials of the LABOR PARTY, we look forward to supporting you in your national efforts whenever and wherever you are, especially during your trip to the United States. We look forward to working with you on Somaliland's interests.
God bless the people and the country of the Republic of Somaliland.

WAR-MURTIYEED KA SOO BAXAY URUR SIYAASADEEDKA SHAQAALAHA.
09/03/2022

WAR-MURTIYEED KA SOO BAXAY URUR SIYAASADEEDKA SHAQAALAHA.

Address

Hargeisa

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Urursiyaasadeedka Shaqaalaha posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share