08/07/2022
Hambalyada Munaasibada Ciidul Adxa 1443 ee Jimciyatul Axbaab.
WAR-SAXAAFADEED
Jimciyada horumarinta bulshada ee dhinacyada Waxbarashada Diinta iyo Maadiga ah, Caafimaadka iyo Qaban-qaabinta Xafladaha iyo Xusaska Diiniga Ah (Jimciyatul Axbaab), waxa ay hambalyo iyo bogaadin balaadhan u diraysaa, dhamaan-ba Shacabka reer Somaliland iyo guud ahaan-ba ummadda Islaamka ahi meel kasta oo ay Caalamka ka joogaanba. Munaasibada Ciidul Adxa 1443 (Hijiriyada), Awgeed. Ciid Mubaarak, Ciidal Caafiya, Kullu Caam, Wa Antum,Bil Khayr.
Waxaanan Illaahay uga baryeynaa dhamaanba Shacabka reer Somaliland in ay sanadka, sanadkiisa ku gaadhaan bash-bash, barwaaqo iyo caafimaad qab. Inta xanuunsanaysa ee jiiftana waxaanu Illaahay uga baryeynaa in uu xanuunka ka dulqaado, Caafimaadna siiyo. intii dhimatayna Alle u danbi dhaafo una naxariisto.
Jimciyatul Axbaab waxa ay sidoo kale bulshada reer Somaliland usoo-jeedineysaa inay Alla-baryaan oo Ilaahay isku xidhaan, isla markaasina ay ducada iyo Alla Bariga badiyaan, oo joogteeyaan. Oo ay ka ducaystaan abaarta daran ee dalka ka jirta. Jimciyatul Axbaab, sidoo kale waxa ay bulshada Somaliland ilaahay uga baryeysaa, inuu quluubtooda mideeyo, xanuunada, sixir-bararka iyo dhamaan dhibaatooyinka bulsho ee ay ka cabanayaana Alle si degdega uga dulqaado.
Jimciyatul Axbaab, waxa ay sidoo kale bulshada Somaliland ku adkeyneysaa inay isku tashadaan oo ay midoobaan, isla markaasina meel uga soo wada jeestaan adkaynta iyo ilaalinta nabadgalyada iyo waxkasta oo wiiqaya midnimada Qaran-nimada Somaliland.
Alla Mahad leh
Sayid Muxamed Sayid Cabdilaahi
Gudoomiyaha Jimciyatul Axbaab