Xildhibaan Abdikarim Aden Ali

Xildhibaan Abdikarim Aden Ali Xildhibaan Abdikarim Aden Ali

29/08/2026

ILAAJLINTA NIDAAMKA DAWLADNIMO: SI DEE AYAY XILDHIBAANADU ULA XISAABTAMAAN XUKUUMADDA HADDII LA TUHMO MAAMUL-XUMO?

Awoodaha dawladnimo waxay ku dhisan yihiin mabd’a Dastuuriga ah ee kala-lahanaanta awoodaha (Separation of Powers).
Golaha Wakiiladu waa Isha iyo Dhegaha shacabka, halka Wasiirada iyo Hay'adaha Fulintu yihiin adeeg-gudbiyayaal.

Haddii ay dhacdo in maamulka fulintu diido wada-shaqaynta, curyaamiyo balamaha rasmiga ah, ama isku dayo in uu af-suubto doorkii metelaadda xildhibaanada, halkan waa habka sharciga ah ee loo xalliyo.

1. Habka Rasmiga ah ee Xisaabtanka Dastuuriga ah
Xildhibaanadu si shaqsi ah oo garab-ka-go’an ah ula xisaabtami maayaan Wasiirada, balse waxay adeegsanayaan awoodda Golaha:

* U-yeedhitaanka Rasmiga ah (Summoning): Golaha iyo Guddiyadiisa Joogtada ah waxay leeyihiin awood sharci oo ay U-yeeedhi karaan Wasiir ama Hogaan Hay’ad Madax-banaan si looga su’aalo maamul-xumada ama adeeg-la'aanta.

* Qoraallada Su’aal-weydiinta (Written Questions): udirid qoraalo kooban oo rasmi ah oo jawaabtoodu leedahay waqti cayiman oo sharci ah.

* Kormeerka Guddiyada: Guddiyada Golaha (sida Guddida dabagalka hantida qaranka iyo Arrimaha Gudaha): Waxay si toos ah u kormeeri karaan xafiisyada dawladda iyo habka ay u shaqaynayaan.

2. Maxaa La Gudboon Xildhibaanada Haddii Wasiiradu Diidaan Wada-shaqaynta?

Haddii ay jirto xeelad ama badheedh lagu hor-joogsanayo shaqada xildhibaanada:

* Dokumentiga & Qoraallada Rasmiga ah: Waa in laga fogaado wada-hadal hoose ama shakhsi ah. Codsi kasta ama balan kasta waa in uu ka soo baxaa xafiis rasmi ah oo lagu kadiyo reer-gal (Official Records).

* Mooshinka Kalsooni Kala-noqoshada (No-confidence Motion): Haddii Wasiirku ka talaabsado sharciga, Golaha Wakiiladu wuxuu awood u leeyahay in uu mooshin kalsooni kala-noqosho ah ka keeno si loogu gudbiyo Madaxweynaha.

* Adeegsiga Awoodda Miisaaniyadda: Golaha Wakiilada ayaa ansixiya Miisaaniyadda Qaranka. Hay’adda ama Wasaaradda diida wada-shaqaynta iyo daah-furnaanta, Golahu wuxuu adeegsan karaa awooddiisa maaliyadeed si uu dib-u-eegis ama hoos-u-dhac ugu sameeyo miisaaniyadda xafiiskaas.

3. Haddii Fulintu Isku Daydo in ay Af-suubto Doorkii Metelaadda (Representation)
Wasiirku waa sarkaal Magacaaban (Appointed Officer) oo leh Doorkii Adeeg-gudbinta (Executive), halka Xildhibaanku yahay La-doortay (Elected Representative) oo leh Doorkii Metelaadda Shacabka.

* Siyaasadda & Wacyigelinta Shacabka:

Xildhibaanadu waa inay fagarayaasha iyo warbaahinta uga faa'iideeyaan shacabka si loo kala saaro sida adeegga loo bixiyo iyo sida xaqa shacabka loo kormeero.

* Xasaanadda Dastuuriga ah (Qodobka 49aad): Ilaalinta xasaanadda ay Xildhibaanadu u leeyihiin inay u doodaan shacabka iyadoon loo aaba-ayeelayn cadaadis maamul waa xaq distuuri ah oo xildhibaan kastaaba uu leeyahay.

* Gudbinta Maxkamadda Dastuuriga ah: Haddii awoodaha tooska ah laga tallaabsado, Golahu wuxuu kiiska u gudbin karaa Maxkamadda Sare si loo fasiro shaqo-dhaafka (Jurisdictional Overreach).

4. Sida loo Xalliyo Caqabadaha (Aqoon-daro, Qabyaalad, eex ama cadaadin xildhibaano ama Badheedh looga jeedo gaadhis dan gaar ah).

* Haddii ay tahay Aqoon-daro: In la dejiyo Standard Operating Procedures (SOPs) oo cad oo tusaaya habka ay u wada-shaqaynayaan Guddiyada Barlamaanka iyo Wasaaradaha.

* Haddii ay tahay eex, cadaadin sharci darro ama ama Badheedh dan gaar ah laga leeyahay:

Xildhibaanadu waa inay midoobaan iyagoo ka duulaya danta ilaalinta Awoodda Barlamaanka (Institutional Integrity) halkay ka ahaan lahayd arin gobol, xisbi, ama mid shakhsi.

Nuxurka:
Si looga baaqsado duplication, waste of resources, iyo lack of efficiency, waa in koodh kasta oo ka mid ah Rukuunada dawladnimadu dhowraa xadkiisa sharciga ah.

16/08/2026

KHATARAHA DIMUQRAADIYADDA QABIILKA KU DHISAN:

Aasaaska Falsafadeed iyo Dhuuxa Maamulka Dadweynaha:
Dimqoraadiyada:
Dimuqraadiyaddu maaha nidaam ka xor ah eex ama galdaloolo. Sida ay tilmaameen falsafad-yahannadii h**e sida Plato iyo Aristotle, dimuqraadiyaddu waxay xambaarsan tahay halis asaasi ah oo ah inay isu bedesho maamul lagu wado dareen caadifadeed oo aan ku dhisnayn go'aano caafimaad qaba.
Marka galdaloolooyinkaas dibadda laga leeyahay lagu dhex daro nidaamka qabiilka ama qabyaaladda, natiijadu waxay noqotaa maamul curyaama oo dhaliya fadhiidnimo siyaasadeed, dhaqaale, iyo bulsho taas oo inta badan ku danbaysa caalwaa iyo burbur dhib wayn gaysta.

Xeelladaha Qarsoon ee Siyaasiga ku gabraarta danaysiga iyo eexda Qabiilka ku tiirsan:

Siyaasad-yahannada u adeegsada qabyaaladda iyo kala-qaybinta danahooda gaarka ah waxay adeegsadaan xeellado qoto dheer si ay uga hoos dusaan maankii bulshada, uuna u sii jiro maamul-xumada iyo musuqmaasuqu.

Ugu horreyn, waxaa bulshada lagu abuuraa cabsi ku dhisnaanaysa in kooxaha ama beelaha kale ay halis ku yihiin jiritaankooda.

Tani waxay sahashaa in diiradda looga leexiyo musuqmaasuqa iyo xisaab-tan la'aanta ku takrifalka hantida qaranka iyo bixin la'aanta si.ku haboon adeegyada aasaasiga ah sida biyaha, caafimaadka, iyo waxbarashada. Sidoo kale, marka lagu qabto eex ama musuq, xadgudubka shakhsiga ah waxaa loo rogaa duulaan lagu soo qaaday beesha uu si sharciga iyo garsoorka loo dhalan logo loogana adkaado.

Hantida qaranka iyo kheyraadka guud waxaa loo maareeyaa magac saami-qaybsi, iyada oo lagu shubo jeebka tiro yar oo elite ah, halka bulshada loo sheego in qabiilkoodu wax helay.

Nidaamkani wuxuu curyaamiyaa garsoorkii, wuxuu tirtiraa kartidii iyo aqoontii, wuxuuna hantida guud u rogaa saami-qaybsi aan caddaalad ku dhisnayn.
Khataraha ka Dhasha Nidaamkan;

Dhinaca siyaasadda iyo maamulka, sharcigu ma noqdo mid ka sarreeya muwaadinka; wuxuu isu beddelaa aalad loo isticmaalo sida ay dani ugu jirto kooxaha awoodda leh.

Bixinta xilalka iyo shaqaaleysiinta dawladdu ma ku dhisnaato aqoon ama xirfad, balse waxay ku dhisnataa eex iyo reer, qaraabo ama koox u kiil.

Dhinaca dhaqaalaha, dhaqaaluhu marnaba kuma kobco kheyraadka dhabta ah ama hal-abuurka, sababtoo ah qandaraasyada iyo fursadaha waxaa loo qaybiyaa hab eex ah oo curyaamiya maalgashiga xorta ah.

Hantida cashuuraha laga ururiyana looma celiyo bulshada si loogu dhiirrigeliyo horumarka oo loo dhiso kabeyaal-dhaqaale.

Dhinaca bulshada, shakhsigu ma dareemo inuu yahay muwaadin buuxa oo xuquuq leh; qiimahiisu wuxuu ku xirnaadaa oo keliya kooxda uu ka soo jeedo ama uu talo iyo fikrad wadaag yahay.

Waxa abuurmo waardiyeyaal siyaasadeed oo aan ah shaqaale iyo dilaalay siyaasadees oo lagu bedlo.laba geliyo booskii wakiiladii shacabku doortay iyada oo la fool xumeeyo kaalintooda lana yidhaahdo waa wax matarayaal, mucaarad qaran dumis, shisheeye kalkaal iwm sii indhaha looga leexiyo meesha dhibtu ka jirto oo ah cidda awooda iyo hantidii qaraanka gacanta ku haysa oo si aan haboonayn u maamulaysa.

Tani waxay abuurtaa kalsooni-darro toos ah oo u dhexaysa shacabka iyo maamulka, iyadoo ay meesha ka baxayso aayo-ka tashigii guud.

Barnaamijka Wax-ka-beddelka:

Dhisidda Hab Caddaalad, Kalsooni, iyo Wada-jir Bulsho, Si bulshadu u gaarto noolal wanaagsan iyo mustaqbal ku dhisay caddaalad, waa in la hirgeliyaa afar tiir oo asaas ah.
Afaafka u h**eeya waa difaaca muwaadinnimada asaasiga ah. Qiimaha iyo xuquuqda muwaadinnimo waxay ku dhisanyihiin sharciga iyo jiritaanka shakhsiga, oo maaha kooxda uu ka soo jeedo. Waa in shakhsiga shaqo loo dhiibayo lagu eego xirfaddiisa, xaqsoorkiisa, iyo dhexdhexaadnimadiisa xuquuqda muwaadiniinta kale.

Sidoo kale waa in la helaa dib-u-soo-celinta caddaaladda iyo garsoorka madax-bannaan.

Caddaaladu waa tiirka keliya ee dhisa kalsoonida bulshada. Waa in si qoto dheer loo kala saaro Xeer-dhaqameedka oo ah hanti-raac bulsho iyo Qabyaaladda oo ah sun burburisa dawladnimada. Waa in xeer-dhaqameedka loo habaynayaa hab-raac caddaaladdeed oo la jaanqaada sharciga dawladda.

Waxaa kale oo lagama maarmaan ah caddaaladda dhaqaalaha iyo xisaab-tanka hantida guud. Hantida qaranka iyo cashuuraha laga ururiyo shacabka waa in lagu celiyo adeegyada asaasiga ah ee lagu horumarinayo deegaannada oo dhan iyadoo la adeegsanayo maamul hantiyeed oo hufan.
Guntii iyo gabagabadii; Wada-jirka bulshadu wuxuu ka bilaabmaa marka shacabku isku kaashadaan dano wadaag, shaqo ku dhisan karti, iyo mashruucyo horumarineed oo gobollada iyo xidha bulshada si aan eex iyo kale godbin lahayn.

Doorka Unugyada Bulshada:

Aqoonyahannada waxaa la gudboon inay falanqeeyaan, kashifaan, oo bulshada u iftiimiyaan xeelladaha qarsoon ee siyaasiga qabiilka ku tiirsan, iyagoo keenaya habab maamul oo ku dhisnaan kara cilmi, xog dhab ah, iyo qorshayaal horumarineed oo aqoon, daacadnimo, kolba meesha baahidu taalo iyo sinaan ku dhisan.

Odayaasha iyo hogaanka dhaqanka waxaa saaran inay xeer-dhaqameedka ka ilaaliyaan eexda ama difaaca dambiilayaasha, iyagoo u beddelayay aalad xallisa khilaafaadka oo taageerda caddaaladda iyo wada jirka guud.

Dhalinyarada iyo bulshada rayidka ahna waa inay dhisaan madallo xisaab-tan oo ku dhiirran maamul caddaalad ah, garsoor ka sarreeya dhammaan shakhsiyaadka, iyo kheyraad loo maareeyo wanaagga guud.

Caddaaladu maaha wax qof kale kuu soo saaro, balse waa wax muwaadiniintu ay si wadajir ah u dalbadaan qof kastana ku qanco ka qayb qaadashada horumarinta wax yaabaha lagu gaadgi karo nolol fiican oo ku salaysan sinaan, cadaalad iyo wadajir bulsho oo ku dhisan is jacayl iyo iskaashi.

04/08/2026

DIMQORAADIYADA QABYAALADA KUDHISAN QARAN MALAGU HANAN KARAA?

Halgan, Gobanimodoon. Raadin Xirriyad iyo Dawladnimo Saxa: waxa loo soo maray dariiq aad u dheer oo gumaysigii kadib lahaa heerar kala duwan oo mid kastaaba waayohiisa gaarka ah lahaa hadana mar kastaba rajo iyo waa la gaadhi sidi la rabay lagusoo waday laguna soo gudbay ilaa iyo laga soo gaadhay halka aynu maanta joogno oo iyana aan ka madhanyn waayo iyo duruufo ugaar ah oo inooga baahan maarayn, horusocod iyo u gudbid marxalad tan kasii fiican inoohana roon oo ah midda aynu hayaanka ku ahan guudiguna ku taamaayay in uu mar uun jilbaha dhigto juna fara adaygo.
Hadaadnis waydiiso waxa laga yaabaa in qof ba arrin gooni ahi madaxiisa kusoo dhacdo oo kusoo horumarto. Si kastaba ha ahaatee bal aan dhugono oo dheeho liiska marxaladihii kala duwanaa ee la soo maray, oo mid kastaaba u baahantay in qoraalo badan iyo buugaag laga qori karo:
1. Halgankii gobanimo doonka.
2. Dawlado musuqmaasuq ah.
3. Hanti Wadaagga Cilmiga Ku dhisan iyo hogaaminta ciidamada.
4. Markale Gobanumo Doon iyo Dagaal Qadhaadh.
5. Dib Curashadii Somaliland.
Heshiis Bulsho iyo Axdi Qarameed:
Lagu dhawaaqay in diinta lagu dhaqmo, cadaalada, amniga iyo sinaanta bulshadana la ilaaliyo.
6. Xisbiyada Badan:
Dimqoraadiyada Qabyaalada ku Dhisan.

7. Xukunka Diinta: Halkani Waa halka uu geedigu hayaanka ku ahaa welina kusii jeedo. Hadaba Maxaa inaga hortaagan, Goorma ayaase la gaadhayaa?

Maxay adiga kula tahay?

14/07/2026

DAADMADHEEDH:
5 Sano oo foolxumayn iyo 2 kooxood oo reeraysan.
Xukuumada xad gudub iyo cadaalad darro ayay ku tahay in ay ilaa hadda taageersantahay sida wax u socdaan.
Umada intii badnaydna aan laga xishoon xaqoodana ladhowrin.

25/01/2026

Culimada yaan lagu khaldamin.
Waxa la yidhi Abeeso dhul u eeki ayay kugu dishaa wadaadna dad u eeki. Hilibkoodu waa sun waana lagu dhintaa.
Waxa ay kahadlaan waa diin.
Waxa ay ku hadlaana waa Qur'aan iyo Xadiis.

Yaan laysku khaldin Bayd gaabka iyo culimada waa wayn ee rabaaniyiinta ah.

26/12/2025

Safar aan ugu kuur galnay aniga iyo Wefti Balaadhan oo ka amba baxay Magaalada Hargaysa si aan Xogogaal ugu noqon xaaladda nololeed ee dadka iyo deegaanka, isla markaana aanu qiimayno saameynta abaarta ba’an iyo biyo la’aanta ka jirta Degmadda Haro-sheekh iyo deegaanada hoos yimaada.

Deeganada aanu kormeerka ku marnay waxa ka mid ah.

1: Galoolay
2: Gatiitalay
3: Qaloocato
4: Xidh xidh
5: xayndaale
6: Xaaxi
7: Dhoobo wayne
8: dabo gumbur
9: ismaacii diiriye
10:qol qol
11: dabo goroyaale
13: bali cabane
14: cali cawad
15: mureec
16: caraale
17: bali cigaal
18:qarwaabe
19:cabdi dheere

Address

Hargeisa

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Xildhibaan Abdikarim Aden Ali posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share