12/08/2026
B๐๐๐๐๐๐- ๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐
๐๐๐
๐๐ ๐๐ ๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐, ๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐ & ๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐ ๐๐ ๐๐๐
๐๐ ๐๐๐๐๐ ๐๐ ๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐.
Wafti uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Komishanka Nidaaminta Tamarta SL, Mudane Cabdi Cige Axmed Good, ayaa safar shaqo ku tegay magaalada Berbera.
Guddoomiyaha waxaa safarkan ku wehelinayay Guddoomiye Ku-xigeenka Komishanka, Mudane Eid Saleebaan Cali, Agaasimaha Guud ee Komishanka Nidaaminta Tamarta Mudane Eng. Maxamed Axmed Ibraahim (Arnab) iyo Agaasimaha Waaxda Tamarta, Eng. Khadar Maxamuud Guuleed.
Ujeeddada safarkan ayaa ahayd in waftigu si toos ah ugu kuurgalo xaaladda korantada magaalada Berbera, qiimeeyo caqabadaha jira, isla markaana baadho xalalka farsamo ee wax lagaga qaban karo dhibaatooyinka ka jira adeegga korantada ee magaalada Berbera.
Sidoo kale, hawsha waxaa ka qayb ahaa Wasiirka Wasaaradda Tamarta & Macdanta, Eng. Axmed Jaamac Barre, iyo Taliyaha Ciidanka Booliska JSL, Sareeye Guuto Cabdiraxmaan Cabdillaahi Xasan (Cabdi Dheere).
Kulamada iyo kormeerka ay masuuliyiintu ku sameeyeen xaaladda korantada magaalada Berbera ayaa lagu gaadhay go'aamo farsamo oo lagu qorsheynayo sidii wax looga qaban lahaa caqabadaha jira, loona horumarin lahaa adeegga korantada ee magaalada.
Komishanka Nidaaminta Tamarta JSL waxa uu sii wadi doonaa dadaallada lagu hubinayo helitaanka adeeg koronto oo ammaan ah, la isku hallayn karo, isla markaana waafaqsan baahiyaha bulshada iyo horumarka dalka.