24/08/2026
WAR-SAXAAFADEED
Hargeysa, 24 August 2026
Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay dhawaan soo saartay Wareegto Summadeedu tahay Ref:JSL/WG&D/XW/01/03/190/2026 kuna taariikhaysnayd 18/08/2026, ujeeddeeduna ahayd Amar Siidaynta Alaabaha Kaargooga iyo Dhaqangelinta Wareegtada Wasiirka, taas oo ka dhalatay qiime kordhin ay shirkadda Integrated Shipping Services (ISS) ku samaysay adeeggii ay bixinaysay ee DO-ga (Delivery Order), oo ay Wasaaraddu u aragtay in aanay hadda munaasab ahayn culaysna ay ku keenayso ganacsiga iyo bulshadaba wakhti xaadirkan.
Haddaba, iyada oo suuqa Somaliland uu ku salaysan yahay mabaadi'da suuqa xorta ah, haddana waxa lagama maarmaan ah in Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiisku ay la socoto qiimaha suuqa iyo inay ku ilaaliso in ascaartu aanay dhib u geysan danta guud ee bulshada Jamhuuriyadda Somaliland, sida uu dhigayo Qodobka 14ªad ee Dastuurka JSL iyo Qodobka 37aad ee Xeerka Nidaamka Xukuumadda iyo Hay'addaha Madaxa Bannaan, Xeer Lr. 71/2025
Haddaba waxa baraha bulshada lagu faafiyey warar been abuur ah waxna aanay ka jirin oo sheegaya in la xidhay ganacsiga shirkadda Integrated Shipping Services (ISS), balse Wasaaraddu ay amartay oo keliya in aanay kordhin qiimaha DO-ga (Delivery Order) ee badeeccada dekadda hada yaalla ee shirkaddasi keentay lagana qaado qiimihii h**e, wixii cabasho ahna kulan degdeg ah la iskaga iman doono.
Ugu dambayn, Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiisku waxa ay caddaynaysaa in aanay marnaba xidhin shirkada ISS ee uu leeyahay muwaadinka magaciisu yahay Axmed Cismaan Geelle, diyaarna u ahayn in ay xidho iyo inay tallaabo dhib u keenaysa midna qaaddo, balse taas bedelkeeda ay diyaar u tahay in ay la eegto dhamaan wixii tabasho ah, si loo qaado talaabooyinka ugu macquulsan ee ganacsadaha iyo bulashadaba dan u ah.