04/04/2026
INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN
Kullu Nafsin Daaiqatul Mawt.
Waxaan tacsi Tiiraanyo Iyo Murugo leh u dirayaa dhammaan qoyska, qaraabada, ehelka, bahda dhaqanka, Iyo guud ahaan ummadda Jamhuuriyadda Somaliland ee uu ka baxay Marxuum Caaqil Maxamed Cabdi Qawdhan, oo ku geeriyooday magaalada Gabiley.
Marxuumku wuxuu ahaa haldoor bulsho oo ku suntanaa xikmad, geesinimo, dulqaad iyo hal-adayg, kaalin muuqatana ka soo qaatay nabadaynta, dib-u-heshiisiinta iyo xoojinta midnimada dalkan Somaliland. Wuxuu ahaa tiir adag oo lagu halleeyo, laguna qadariyo kaalintii uu ku lahaa ilaalinta Wadajirka Iyo Horumarka Bulshadda.
Dhaxalkii uu reebay waa mid ku suntan wanaag Iyo wadajir taas oo weligeed ku sii jiri doonta xusuusta bulshada.
Waxaan Alle SWT uga baryayaa marxuumka in uu u naxariisto, dembigiisana dhaafo, qabrigiisana u waasiciyo, kana waraabiyo Jannatul Firdowsa. Sidoo kale, waxaan Alle ka baryayaa in uu samir iyo iimaan saadiq ah ka siiyo dhammaan qoyskii, qaraabadii iyo ummadda uu ka baxay.
INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN