09/11/2022
GAROWE: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa qasriga Madaxtooyada ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Mudane Gregory Kasunko oo ka socday Banggiga adduunka.
Gregory Kasunko oo ah Madaxa Mashruuca Tayeynta Hay’adaha Dowladda ayaa Puntland u yimi xog ururinta habka looga faa'idaystay mashaariicda Banggiga adduunka Puntland ka fuliyey oo heer gabo gabo ah maraya.
Kulanka waxaa ka qayb-galay xubno ka tirsan Golaha Wasiiradda Dawladda iyo Madaxda xiriirayaasha mashaariicda Banggiga adduunka.