20/04/2016
Tababar lagaga hadlayey Waxbarashada Madaniga ah iyo Hawl-gelinta Hawlaha la Xiriira Doorashada Somalia ee 2016 iyo doorka ay haweenka, dhalinyaradda iyo dadka laga tiradda badan yahay ama minority groups lagaga hadlayey ayaa ka dhacay Hotel Damal ee Caasimada Garowe.
Tababarkaas waxaa ka soo qeyb galay Ururka Haween Puntland,Dhalinyaradda, Nabadoono, Xildhibaano iyo aqoonyahano iyagoo halkaasi ku lafa guray sharaxaadda qoondada dhalinyaradda, haweenka iyo dadka laga tirada badan yahay ee doorashadda 2016 heer Federaal iyo dhiiri-gelinta ka qeybgalka siyaasadeed ee dhalinyaradda.
Waxaa fulisay Hay’ada ACEED waxaana maal gelisay hay’ada USAID.