Wasaaradda Waxbarashada Iyo Tacliinta sare ee Puntland

Wasaaradda Waxbarashada Iyo Tacliinta sare ee Puntland Official page, Ministry of Education and Higher Education of Puntland

13/09/2026

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dawladda Puntland Mudane Maxamed Cali Nuur (Jubba) ayaa kormeeray qaar ka mid ah dugsiyada hoose, dhexe iyo sare ee magaalooyinka Qardho iyo Xaafuun ee Gobollada Karkaar iyo Bari.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dawladda Puntland Mudane Maxamed Cali Nuur (Jubba) ayaa...
13/09/2026

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dawladda Puntland Mudane Maxamed Cali Nuur (Jubba) ayaa kormeeray qaar ka mid ah dugsiyada hoose, dhexe iyo sare ee magaalada Qardho ee Gobolka Karkaar.

Agaasimaha ayaa kulammo la qaatay maamulayaasha iyo macallimiinta iskuullada uu booqday, isagoo ka dhagaystay warbixinno ku saabsan hannaanka waxbarasho ee dugsiyada uu booqday.

Kormeerkan waxaa Agaasimaha ku weheliyey Guddoonka Waxbarashada Degmada Qardho, Xildhibaanno ka tirsan Golaha Deegaanka iyo masuuliyiin heer Gobol ah.

03/09/2026

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland Mudane Maxamed Cali Nuur (Jubba) ayaa degmada Ba**er Beyla ee Gobolka Karkaar kaga qeyb-galay munaasabad lagu soo dhaweynayey macallimiin ka socda dalka Masar oo loo soo xulay in ay qayb ka noqdaan geeddiga horumarinta iyo tayeynta waxbarashada degmada.

AGAASIMAHA GUUD EE WASAARADDA OO KUSOO DHAWEEYEY DEGMADA BA**ER BEYLA MACALLIMIIN KA SOCDA DALKA MASAR.Ba**er Beyla, Sep...
03/09/2026

AGAASIMAHA GUUD EE WASAARADDA OO KUSOO DHAWEEYEY DEGMADA BA**ER BEYLA MACALLIMIIN KA SOCDA DALKA MASAR.

Ba**er Beyla, September 03, 2026; Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland Mudane Maxamed Cali Nuur (Jubba) ayaa degmada Ba**er Beyla ee Gobolka Karkaar kaga qeyb-galay munaasabad lagu soo dhaweynayey macallimiin ka socda dalka Masar oo loo soo xulay in ay qayb ka noqdaan geeddiga horumarinta iyo tayeynta waxbarashada degmada.

Agaasimaha Jubba ayaa xusay in tallaabadani ay qayb muhiim ah ka tahay hiigsiga fog ee Wasaaradda ee ku aaddan in ardayda Puntland loo fududeeyo helitaanka macallimiin tayo leh, aqoon sare leh, kuna tababaran xeeladaha casriga ah ee baridda iyo barbaarinta.

Munaasabadda soo dhaweynta waxaa ka qayb galay Guddoomiyaha Gobolka Karkaar Mudane Cabdullahi Ismaaciil Cabdi, Xildhibaan Faarax Salaad Xaaji oo ka tirsan Golaha Wakiillada Puntland iyo mas'uuliyiin kale oo heer gobol iyo heer degmo ah.

DHAMMAAD

Xafiiska Warbaahinta, Wacyigelinta & Xiriirka Dadweynaha.
Wasaaradda Waxbarashada & Tacliinta Sare ee Puntland

Facebook:

https://www.facebook.com/Moehepuntlandofficial

Twitter:
https://x.com/Moehepuntland

Instagram:
https://www.instagram.com/moeplstate

Telegram:
https://t.me/moeplstate

Website: https://moeplstate.so

Email: [email protected]

Tiktok: https://www.tiktok.com/

SHAACINTA ARDAYDA KU GUULEYSTAY DEEQ WAXBARASHOGaroowe, Sebtembar 3, 2026: Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee...
03/09/2026

SHAACINTA ARDAYDA KU GUULEYSTAY DEEQ WAXBARASHO

Garoowe, Sebtembar 3, 2026: Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland waxa ay shaacinaysaa liiska ardayda ku guuleystay Deeq Waxbarasho oo Dalka Masar ah, taas oo ku saabsan heerarka Labaad (Master Degree) iyo saddexaad (PhD).

Ardaydan ayaa lagu xulay hannaan daahfuran oo ku saleysan kala sarreynta darajada iyo dhammaystirnaanta dukumiintiyada waxbarasho, iyadoo Wasaaraddu ay shaacisay deeqdan, si loo xaqiijiyo in fursadda waxbarasho ay gaarto ardayda ugu habboon.

Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare oo ugu hambalyeynaysa dhammaan ardayda ku guulaysatay fursaddan, waxa ay ku boorrinaysaa in ay si wanaagsan uga faa’iidaystaan, kuna dadaalaan horumarinta aqoontooda.

DHAMMAAD

Xafiiska Warbaahinta, Wacyigelinta & Xiriirka Dadweynaha
Wasaaradda Waxbarashada & Tacliinta sare ee Puntland

Facebook:

https://www.facebook.com/Moehepuntlandofficial

Twitter:
https://x.com/Moehepuntland

Instagram:
https://www.instagram.com/moeplstate

Telegram:
https://t.me/moeplstate

Website: https://moeplstate.so

Email: [email protected]

Tiktok: https://www.tiktok.com/

DIB U SHAACIN FURSAD SHAQOGaroowe, Sebteembar 2, 2026; Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland waxa ay ba...
02/09/2026

DIB U SHAACIN FURSAD SHAQO

Garoowe, Sebteembar 2, 2026; Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland waxa ay bahda waxbarashada ee danaynaya ku wargelinaysaa in dib loo shaacinayo fursadda shaqo ee Maamulka Dugsiga Sare ee Waaberi ee Degmada Bandar-Bayla, Gobolka Karkaar.

Dib-u-shaacintan ayaa timid kaddib markii aan la helin codsade buuxiyey shuruudaha iyo halbeegga ku xusnaa shaacintii 1-aad ee 4-tii Bisha Ogoosto 2026 ee Wasaaraddu ay baahisay.

Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare oo ilaalinaysa tayada hoggaaminta iyo hagidda goobaha Waxbarashada waxa ay go’aamisay in fursaddan dib loogu celiyo tartan furan, si loo helo Maamule ku habboon oo buuxiya halbeegga iyo shuruudaha xilkan.

Wasaaraddu waxa ay ku dhiirrigelinaysaa dhammaan dadka leh aqoonta iyo khibradda muhiimka u ah xilkan in ay ka faa’iidaystaan fursaddan, isla markaana ay codsigooda ku soo gudbiyaan muddada iyo habraaca ku xusan Linkiga codsiga.

https://moeplstate.so/jobs-vacancies/

Fiiro gaar ah; soo gudbinta codsigu waxa ay ku egtahay Sebteembar 10, 2026.

Explore current jobs and vacancies at MoEHE Puntland.

SHAACINTA GUULEYSTEYAASHA JAGADA MAAMULEYAASHA DUGSIYO SARE​Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland waxa ...
01/09/2026

SHAACINTA GUULEYSTEYAASHA JAGADA MAAMULEYAASHA DUGSIYO SARE

​Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland waxa ay shaacinaysaa xubnaha ku guuleystay tartankii daahfurnaa ee Maamuleyaasha Dugsiyada Sare ee Cumar Samatar iyo Yaasiin Nuur ee magaalada Gaalkacyo.

​Maamuleyaasha ku guuleystay hagidda iyo hoggaaminta labadaas iskuul ayaa kala ah;

1. Mudane Maxamed Cabdullaahi Khalaf, Maamulaha cusub ee Dugsiga Sare ee Cumar Samatar.

2. Mudane Maxamed Axmed Xasan, Maamulaha cusub ee Dugsiga Sare ee Yaasiin Nuur.

​Wasaaradda Waxbarashada & Tacliinta Sare ee Puntland oo u hambalyeynaysa maamuleyaashan ku soo baxay tartanka furan, waxa ay faraysaa maamulladii sii waday dugsiyadan in ay ka shaqeeyaan xilwareejinta oo ay goob joog ka noqon doonaan guddi gaar ah oo ay Wasaaraddu u xilsaartay.

DHAMMAAD

Xafiiska Warbaahinta, Wacyigelinta & Xiriirka Dadweynaha.
Wasaaradda Waxbarashada & Tacliinta Sare ee Puntland

Facebook:

https://www.facebook.com/Moehepuntlandofficial

Twitter:
https://x.com/Moehepuntland

Instagram:
https://www.instagram.com/moeplstate

Telegram:
https://t.me/moeplstate

Website: https://moeplstate.so

Email: [email protected]

Tiktok: https://www.tiktok.com/

WASAARADDA OO BUUGAAGTA MANHAJKA SI BILAASH AH U GAARSIISAY 4,736 ARDAYGaalkacayo, Ogoosto 29, 2026; Wasaaradda Waxbaras...
29/08/2026

WASAARADDA OO BUUGAAGTA MANHAJKA SI BILAASH AH U GAARSIISAY 4,736 ARDAY

Gaalkacayo, Ogoosto 29, 2026; Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland ayaa buugaagta manhajka dugsiyada Hoose/Dhexe u qaybinaysa 4,736 arday oo dhigata 49 dugsi oo ku yaalla Gobolka Mudug.

Buugaagtan ayaa loogu talagalay ardayda ka soo jeeda qoysaska leh duruufaha dhaqaale ee gaarka ah, si loo fududeeyo helitaankooda buugaagta manhajka ee lagama maarmaanka u ah waxbarashadooda, loona yareeyo caqabadaha dhaqaale ee saameyn kara helitaanka agabka waxbarashada.

Tallaabadan ayaa qayb ka ah hiigsiga Wasaaradda ee ku aaddan in ardayda Puntland loo fududeeyo helitaanka buugaagta manhajka iyo agabka waxbarashada, gaar ahaan ardayda leh baahiyaha iyo duruufaha gaarka ah, si loo hubiyo sinnaanta fursadaha iyo tayada waxbarashada.

DHAMMAAD
Xafiiska Warbaahinta, Wacyigelinta & Xiriirka Dadweynaha
Wasaaradda Waxbarashada & Tacliinta sare ee Puntland

Facebook:

https://www.facebook.com/Moehepuntlandofficial

Twitter:
https://x.com/Moehepuntland

Instagram:
https://www.instagram.com/moeplstate

Telegram:
https://t.me/moeplstate

Website: https://moeplstate.so

Email: [email protected]

Tiktok: https://www.tiktok.com/

FASAXA MAALINTA DHALASHADA  NABIGEENNA MAXAMED (NNKH)Garoowe, Ogoosto 24, 2026; Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sa...
24/08/2026

FASAXA MAALINTA DHALASHADA NABIGEENNA MAXAMED (NNKH)

Garoowe, Ogoosto 24, 2026; Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland waxay ku wargelinaysaa dhammaan maamulka, macallimiinta, shaqaalaha iyo ardayda xarumaha waxbarashada in Talaadada, 25-ka Agoosto 2026, oo ku beegan 12-ka Rabiicul Awal 1448 Hijriyada, ay tahay maalin fasax ah, munaasabadda Maalinta Dhalashada Nabigeenna Suubban Maxamed Naxariis iyo Nabad gelyo korkiisa ha ahaatee.

Wasaaraddu waxa ay dhammaan bulshada Puntland iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyaynaysaa munaasabaddan qiimaha iyo fadliga badan.

DHAMMAAD

10-ka Dugsi ee ugu sarreeya Maadada Business ee Imtixaanka Shahaadiga ah ee fasalka 12aad.Sannad dugsiyeedka 2025-2026.
23/08/2026

10-ka Dugsi ee ugu sarreeya Maadada Business ee Imtixaanka Shahaadiga ah ee fasalka 12aad.
Sannad dugsiyeedka 2025-2026.

Address

Garowe

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Wasaaradda Waxbarashada Iyo Tacliinta sare ee Puntland posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share