10/05/2026
Garoowe:10May, 2026 Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Isgaadhsiinta, Tiknoolojiyadda, Hiddaha, dhaqanka iyo Dalxiiska ee Dowladda Puntland Farxaan Cali Xirsi oo ay weheliyaan Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada ee arrimaha qurba-joogta & dibu-dejinta dowladda Puntland Faarax Maxamuud Aw-cismaan iyo agaasimaha guud ee Wasaaradda Maxamed Ciise Cismaan ayaa Garoowe tababar uga furay 30 kamid ah hawl-wadeenada xafiisyada warfaafinta iyo xiriirka dadweynaha ee Wasaaraddaha dowladda Puntland.
Tababarkaan ayaa diiradda lagu saarayey horumarinta iyo tayeynta shaqada xafiisyada Warfaafinta, midaynta farriimaha dowladda, hab-maamuuska xilalka mas’uuliyiinta dowladda, xirfadaha hab-qoraalka iyo dejinta qorshayaasha hortebinta leh shaqooyinka xafiisyada ay ka kala socdeen hawl-wadeenada ka faa’iidaystey tababarka.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Isgaadhsiinta, Tiknoolojiyadda, Hiddaha, dhaqanka iyo Dalxiiska ee Dowladda Puntland Farxaan Cali Xirsi ayaa ku booriyey hawl-wadeenada inay tababarkaan uga faa’iideeyaan xafiisyadooda kuna dabbakhaan shaqo maalmeedka xarumohooda, wuxuuna xusay in yihiin albaabkii laga soo gelayey hay’adaha dowladda dadweynahana gaarsiinayey adeegyada ay dowladdu u hayso.