Puntland Ministry of agriculture and irrigation -MOAI

Puntland Ministry of agriculture and irrigation -MOAI Ku Soo Dhawaada Page ka rasmiga ah ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee DPL. Halkan Waxaad kala socon kartaan shaqooyinka ay Wasaaraddu uhayso bulshadeeda.

Ku soo dhawaada official page wasaaradda beeraha iyo waraabka ee dowlada puntland. pagekan waxa aan ku soo badhigi doonaa waxqabadyada wasaaradda beerah iyo waraabka dowlada puntlan ku waas oo aan ugu adeegayno bulshada reer puntaland si ay u gaaraan hormar dhanka wax soo saarka ah, si loo helo wax soo saar ku filan dhamaan dalka.

Garoowe, 11/ April /2026: Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Puntland Cumar Cabdi Samad Dhuux oo ay weheliyaan  Wa...
11/04/2026

Garoowe, 11/ April /2026: Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Puntland Cumar Cabdi Samad Dhuux oo ay weheliyaan Wasiirku Xigaanka Wasaarada Ahmed Siciid Qolonbi, Wasiir Dawlaha Wasaarada Siciid Maxamed Awaare iyo Agaasimaha guud ee Wasaarada Cabdixakiin Maxamed Cismaan ayaa kulan ku saabsan dar dargelinta shaqada la qaateen Waaxda Maamulka & maaliyada Wasaarada.

Agaasimaha waaxda maamulka & maaliyada Maxamed Cismaan Cabdi ayaa ka warbixiyay wixii u qabsoomay mudadii labada sano ahayd, Qorshayaasha iyo caqadaha waaxda haysta .

Ugu danbeyn wasiirka ayaa uga mahadceliyay waaxda shaqada baaxada leh ay qabteen kuna bogaadiyay hufnaantooda iyo daacadnimadooda shaqo. Wuxuuna wasiirku kula dar daarmay in la laba jibaaro masuuliyada iyo waajibaad ka shaqo ee Waaxda u yaala.

— DHAMMAAD —
Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Beeraha iyo Waraabk DPL.

Garoowe, 9/April /2026: Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Puntlanr Cumar Cabdi Samad ayaa maanta kulan barasho iy...
09/04/2026

Garoowe, 9/April /2026: Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Puntlanr Cumar Cabdi Samad ayaa maanta kulan barasho iyo is xogwaraysi ah la qaatay dhammaan shaqaalaha Wasaarada Beeraha iyo Waraabka.

Kulankan ayaa waxaa qayb ka ahaa Wasiirku Xigaanka Wasaarada Beeraha iyo Waraabka Ahmed Siciid Qolonbi, Wasiir Dawlaha Wasaarada Siciid Maxamed Awaare.

Hawl-wadeenada Wasaarada ayaa soo dhoweyey Wasiirada cusub ee Wasaarada iyaga oo uga warbixiyey guud ahaan Wasaarada iyo meelaha ay qorshayaasheeda kala marayso.

Ugu danbayntii Wasiirka Cumar Cabdi Samad oo ay weheliyaan Wasiirku Xigaanka Wasaarada Ahmed Siciid Qolonbi, Wasiir Dawlaha Wasaarada Siciid Maxamed Awaare ayaa uga mahad celiyey soo dhowaynta hawlwadeenada kulankan oo ahaa isbarasho iyo kala warqaadashada hawlwadeenada Wasaarada.

Wasiir Cumar Cabdi Samad Wasiirka Wasaarada Beeraha iyo Waraabka ayaa hawlwadeenada Wasaarada kula dar daarmay sidii loolaba jibaari lahaa shaqada Wasaarada si aan dhulkeena uga helno Quud cunto oo ku filan bulshada reer Puntland ugana baaqsano wax kasta oo meela kale nooga yimaada aana u gaarno isku filaansho.

— DHAMMAAD —
Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Beeraha iyo Waraabk DPL.

08/04/2026

Garoowe, 8/April /2026: Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Puntlanr Cumar Cabdi Samad ayaa maanta kulan muhiim ah la qaatay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda iyo Agaasimeyaasha Waaxyaha kala duwan ee wasaaradda.

Kulankan ayaa waxaa qayb ka ahaa Wasiirku Xigaanka Wasaarada Beeraha iyo Waraabka Ahmed Siciid Qolonbi, Wasiir Dawlaha Wasaarada Siciid Maxamed Awaare

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Cabdixakiin Maxamed Cismaan, ayaa mudadii uu kulanku socday waxaa uu ka warbixiyey qaab-dhismeedka wasaaradda, nidaamka shaqo, qorshayaasha hortabinta leh, iyo heerka ay marayaan hawlaha muhiimka ah ee wasaaraddu u xil saaran tahay.

Ugu Danbayntii Wasiirka Cumar Cabdi Samad ayaa kulanka ku adkeeyey muhiimadda wada shaqaynta, isla xisaabtanka, iyo in la labanlaabo dadaallada lagu horumarinayo adeegyada la xiriira horumarka Wasaarada

— DHAMMAAD —
Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Beeraha iyo Waraabk DPL.

08/04/2026

Kusoo dhawaada muuqaal kooban oo ku saabsan sida loo sameeyo Qurmis (Organic Compost) dabiici ah, oo ah hab wax ku ool ah oo lagu horumarin karo wax-soo-saarka beeraha.

🎥 Muuqaalkan waxaad ka baran doontaa:
✔️ Sida fudud ee Qurmis loo sameeyo
✔️ Agabka deegaanka laga heli karo
✔️ Faa’iidada uu u leeyahay ciidda iyo dalagyada

07/04/2026

Hadal Jeedinta, Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Puntland Cumar Cabdisamad Yusuf, oo manta si toos ah ula Wareegay Wasaarada Beeraha iyo Waraabka Puntland.

07/04/2026

Documentary : Daawo documentary soo koobaya Wasiir Maxamed Cabdulqaadir Doonyaale iyo Wixii u qabsoomay Mudaduu joogay Wasaarada Beeraha iyo Waraabka Puntland

Garoowe, 7/April /2026: Waxaa maanta xilka Wasaarada Beeraha iyo Waraabka Puntland si rasmi ah ula wareegay Wasiirka cus...
07/04/2026

Garoowe, 7/April /2026: Waxaa maanta xilka Wasaarada Beeraha iyo Waraabka Puntland si rasmi ah ula wareegay Wasiirka cusub ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dowladda Puntland Cumar Cabdisamad Yusuf, Wasiir-ku Xigeenka Wasaarada Beeraha iyo Waraabka Ahmed Siciid Qolonbi, Wasiiru- Dawlaha Wasaarada Beeraha iyo Waraabka Siciid Maxamed Awaare Masuuliyintan Ayaa Xilka kala Wareegay Wasiirkii H**e ee Wasaarada beeraha Maxamed Cabdulqaadir Donyaale .

Ugu horayntii Agaasimaha Guud Cabdixakiin Maxamed Cismaan ayaa ka war bixiyey wax-qabadkii Wasaaradda muddadii ay Xilka hayeen masuuliyiintii h**e, isaga oo kusoo ban dhigay goobta wax qabadkii baaxada lahaa ee u qabsoomay Mudadaas.

Wasiirkii h**e ee Wasaarada Beeraha iyo Waraabka Maxamed Cabdulqaadir (Donyaale) ayaa dhankiisa ka warbixiyay waxqabadkii u qabsomay Mudadii labadii sano ahayd uu Hogaaminayey Wasaarada .
Wasiir Donyaale ayaa Sheegay in Mudadaas ay Wasaarada isbadal wayn ka qabteen meshana ka sareen Puntland beera maleh una soo ban dhigeen Caalamka khayraadka Puntland .

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Puntland Cumar Cabdisamad Yusuf ayaa Dhamaan shaqaalaha Wasaarada ayaa uga mahad celiyey soo dhowaynta Balaaran ay u sameyeen.

intaas kadib Wasiirka wasaaradda Beeraha iyo Warabka Puntland oo ay wehelinayaan wasiir kuxigeenka , wasiiru dawlaha Wasaarada iyo wasiirkii h**e ee Wasaarada ayaa kormeerey qaybaha kale ee Waraarada iyaga oo halkaas kula kala waregay Gadiidka Wasaarada Xafisyada iyo agabka kala duwan ee wasaaraadda.

— DHAMMAAD —
Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Beeraha iyo Waraabk DPL.

XAFLADDA XILWAREEJINTA WASAARADDA BEERAHA IYO WARAABKA DAWLADDA PUNTLAND
06/04/2026

XAFLADDA XILWAREEJINTA WASAARADDA BEERAHA IYO WARAABKA DAWLADDA PUNTLAND

HAMBALYO iyo SOO DHOWAYN.Bahda Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Puntland waxaa ay hambalyo u diraysaa Wasiirka Cusub ee W...
01/04/2026

HAMBALYO iyo SOO DHOWAYN.

Bahda Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Puntland waxaa ay hambalyo u diraysaa Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka DPL Cumar Cabdisamad Yusuf Dhuux

Garowe, 24 Maarso 2026 — Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka, oo uu hoggaaminayo Wasiir *Hon. Mohamed Abdulkadir Donyaale* ,...
25/03/2026

Garowe, 24 Maarso 2026 — Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka, oo uu hoggaaminayo Wasiir *Hon. Mohamed Abdulkadir Donyaale* , iyadoo kaashanaysa Xafiiska Mashruuca Sugnaanta Cuntada iyo Adkaysiga (S-FSRP) iyo wasaaradaha bah-wadaagta ah, ayaa qabatay kulan lagu ansixinayay natiijooyinka daraasaddii ka dhalatay xog-ururinta, ka-qaybgalka iyo wadatashiga bulshada ee wajiga koowaad ee mashruuca, laguna fuliyay degmooyinka Boosaaso, Qardho, Iskushuban iyo Gaalkacyo.

Kulanka ayaa lagu ansixiyay Qorshayaasha Maalgelinta Degmooyinka (DIPs) ee Boosaaso, Qardho, Iskushuban iyo Gaalkacyo, kuwaas oo diiradda saaraya wax ka qabashada baahiyaha muhiimka ah ee kala ah:

* Hirgelinta nidaamyada waraabka ee ku shaqeeya tamarta cadceeda
* Horumarinta kaabayaasha suuqyada
* Ilaalinta iyo maareynta deegaanka
* Daryeelka caafimaadka xoolaha iyo horumarinta calafka

Sidoo kale, kulanka waxaa si rasmi ah loogu ansixiyay habraaca iyo jadwalka fulinta hawlahaas (Implementation Roadmap).

  11 march 2026-  Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Puntland, Mudane Maxamed Cabdulqaadir Saalax (Doonyaale) , Wa...
11/03/2026

11 march 2026- Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Puntland, Mudane Maxamed Cabdulqaadir Saalax (Doonyaale) , Wasiiro ka tirsan Dowladda iyo Agaasimaha Guud ee madaxtooyada oo kormeer ku tagay xarun ku taalada bannaanka magaalada Garoowe oo uu Cabdi Mubaarak Maxamed (Awoowe) ugu deeqay carruurta agoonta ah ee ay ka tageen ciidamadii Puntland, gaar ahaan kuwii ku shahiiday dagaalladii Calmiskaad.

Ugu danbayn Wasiirka ayaa uga mahad celiyay tallaabadan qiimaha leh ee uu u qaaday daryeelka carruurta, iyo dadaalka uu ku hirgeliyay dhismaha guryaha, beerta iyo xoolaha ariga ah ee uu ugu talagalay. Waa dadaal mudan in lagu daydo. Dowladda ahaan waxaan ballan qaadaynaa inaan garab istaagi doono mashruucan iyo dadaallada la midka ah.

— DHAMMAAD —
Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka DPL

Ogaysiis: Fursad Shaqo oo kabanaan Wasaaradda Beeraha iyo WaraabkaWasaaradda Beeraha iyo Waraabka Puntland iyo Mashruuca...
07/03/2026

Ogaysiis: Fursad Shaqo oo kabanaan Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka
Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Puntland iyo Mashruuca Adkeysiga Nidaamyada Cuntada Soomaaliya (FSRP) waxa ay idiin hayaan fursado shaqo oo kala ah:
1. Rangeland and Watershed Management specialist
2. Project Engineer
3.Livestock Development Specialist

Si aad u hesho faafaahin dheeraad ah, fadlan booqo mareegta wasaaradda www.moai.pl.so
ama wac ☎️3060
Fadlan ku soo dir codsigaaga shaqo 📧 [email protected]
FG: Fursadu waxay xirmaysaa 14 March 2026

Address

Garowe, Puntland
Garowe

Opening Hours

Monday 08:00 - 17:00
Tuesday 08:00 - 17:00
Wednesday 09:00 - 17:00
Thursday 08:00 - 17:00
Sunday 08:00 - 17:00

Telephone

+252907729055

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Puntland Ministry of agriculture and irrigation -MOAI posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share