Golaha Caddaaladda iyo Dimuquraadiyadda

Golaha Caddaaladda iyo Dimuquraadiyadda Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Golaha Caddaaladda iyo Dimuquraadiyadda, Political organisation, Garowe.

Halkani waa bogga rasmiga ah ee Golaha Caddaaladda iyo Dimuquraadiyadda Soomaaliyeed, oo ah gole siyaasadeed oo ay ku midoobeen siyaasiyiin iyo indheer-garad Soomaaliyeed.

𝗪𝗮𝗿-𝗦𝗮𝘅𝗮𝗮𝗳𝗮𝗱𝗲𝗲𝗱Mowqifka Golaha Caddaaladda iyo Dimuqraadiyadda “GCD” ee Is-Afgaradka Dhexmaray Xukuumadaha Puntland iyo ...
06/10/2025

𝗪𝗮𝗿-𝗦𝗮𝘅𝗮𝗮𝗳𝗮𝗱𝗲𝗲𝗱

Mowqifka Golaha Caddaaladda iyo Dimuqraadiyadda “GCD” ee Is-Afgaradka Dhexmaray Xukuumadaha Puntland iyo Somaliland.

Dawladda iyo shacabka Puntland waxay mar walba u yihiin lafdhabar ilaalinta midnimada iyi wadajirka dadka iyo dhulka Soomaaliyeed.

Puntland waxaa lagu aasaasay mabda’ ku dhisan ilaalinta midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, raadinta nidaam federaal ah oo caddaalad iyo awood-qaybsi ku dhisan, difaacidda danaha iyo midnimada bulshada reer Puntland, iyo xaqsoorka guud ee bulshada Soomaaliyeed.

Haddaba, heshiiska is-afgarad ee lagu sheegay in ay gaareen Puntland iyo Somaliland waa xadgudub cad oo ka hor imanaya mabda’a midnimada Soomaaliyeed. Goluhu wuxuu si gaar ah u iftiiminayaa qodobadan:

​1.​Ku xadgudubka himiladii Puntland: Is-afgaradka waxaa lagu sheegay in Puntland ay “soo dhoweynayso xaqa ay Somaliland u leedahay aaya ka tashigeeda.” Tani waa gaf iyo meel ka dhac culus oo ka hor imanaya himilada aasaaska Puntland, sida ku xusan qodobka 1aad, farqaddiisa 2aad, iyo qodobka 4aad, farqaddiisa 1aad ee Dastuurka Dawladda Puntland. Puntland waxaa lagu dhisay ujeeddo ah ilaalinta midnimada iyo federaalka Soomaaliya, ee ma aha in la aqoonsado gooni isu taag ama kala goyn.

​2.​Hoos u dhigista maqaamka dawladnimo ee Puntland:
Is-afgaradka wuxuu hoos u dhigay maqaamka sharci ee Dawladda Puntland, iyadoo lagu soo koobay ereyga “Puntland” oo kaliya, halkii ay ahayd “Dawladda Puntland.” Tani waa meel ka dhac kale oo si ula kac ah hoos loogu dhigayo maqaamka dawladnimo ee Puntland. Sida ku cad qodobka 1aad, farqadda 1aad ee Dastuurka Puntland, magaca rasmiga ah waa “Dawladda Puntland ee Soomaaliya”.

Sidoo kale, Goluhu wuxuu caddaynayaa in nabadaynta Ceerigaabo ay tahay arrin u baahan ka qaybgal dhammaan qaybaha bulshada deegaanka, si loo helo nabad waarta oo ku dhisan wada-tashi, caddaalad iyo isku tanaasul bulshada dhexdeeda ah.

Goluhu wuxuu ugu baaqayaa Baarlamaanka Puntland inuu guto waajibaadkiisa dastuuriga ah, isla markaana xakameeyo xadgudubyada iyo meel ka dhacyada sharci ee ay Xukuumadda Puntland ku tallaabsanayso, si looga hortago in Puntland ka weecdo himilooyinkii iyo mabaadi’dii lagu aasaasay dawladnimadeeda.

Ugu dambayn, Goluhu wuxuu soo dhoweynayaa iskaashi kasta oo ay galayso Dawladda Puntland oo aan xadgudub ku ahayn maqaamkeeda dawladnimo, danaha reer Puntland iyo guud ahaan midnimada Soomaaliya.

Afhayeenka GCD

Saki Rabiica

Guddoomiyaha Golaha Cadaaladda iyo Dimuqraadiyadda Dr. Guled Salah ayaa jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Zambia ay soo d...
30/09/2025

Guddoomiyaha Golaha Cadaaladda iyo Dimuqraadiyadda Dr. Guled Salah ayaa jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Zambia ay soo dhoweyn ballaaran u sameeyeen muddo safar afar maalin ah oo uu ku joogay dalkaas.

Dr. Guuleed ayaa Jaaliyadda Soomaaliyeed uga warbixiyay xaaladda guud ee dalkii, sidoo kalana ku dhiirigeliyay inay sii kordhiyaan maalgashiga ay ganacsatada Soomaaliyeed ee Zambia ku nool ka fuliyaan dalka, gaar ahaan maalgashiga la xiriira arrimaha bulshada iyo waxsoosaarka.

28/09/2025

Guddoomiyaha Golaha Cadaaladda iyo Dimuqraadiyadda Dr. Guled Salah oo safar ku jooga dalka ayaa jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Lusaka ku boggaadiyay horumarka iyo dadaalka xooggan ee ay halkaas ka wadaan iyo kaalinta wanaagsan ee ay ka qaataan marwalba horumarka dalkooda iyo dadkooda.

Waxa uu kula dardaarmay jaaliyada oo kulan martiqaad iyo soodhoweyn ah u sameeyay inay sii xoojiyaan kaalinta waxtarka leh ee ay horumarka dalka kaga jireen, si gaar ah waxa uu u xusay inay maalgashadaan adeegyada bulshada ee dadka Soomaaliyeed baahida badan u qabaan dayac badana uu ka haysto oo ah adeegga caafimaadka.

24/09/2025
Tacsi Tiiraanyo LehGolaha Cadaaladda iyo Dimuqraadiyadda waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan ehelka, qaraabada, asxaabt...
23/09/2025

Tacsi Tiiraanyo Leh

Golaha Cadaaladda iyo Dimuqraadiyadda waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan ehelka, qaraabada, asxaabta iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed geerida ku timid Gen. Axmed Cabdi Cali (Qalyare) (Alle ha u naxariisto), oo maanta ku shahiiday isagoo difaacaya dadkiisa, dalkiisa iyo diintiisa.

Isaga iyo dhammaan geesiyaashii dagaalkaan xaqqa ah u huray Naftooda oo ah wixii ugu qaalisanaa, si aynu inteena ka dambaysa ugu noolaano sharaf, karaamo iyo xorriyad.

Abaalkiina Janno Alle ha ka dhigo.
Samir iyo iimaan dhammaanteen Alle ha inaga siiyo.

15/08/2025

Guddoomiyaha Golaha Caddaaladda iyo Dimuqraadiyadda Dr. Guuleed Saalax oo ku eedayay Madaxweynaha Puntland in deeqdii dawladda Imaaraatka ee Solar ka magaaladda Boosaaso la musuqmaasuqay labana dhigtay shirkad gaar loo leeyahay, taas oo cukays kusii noqonaysa qiimaha korontada magaaladda oo awalba sareeyay.

Dr. Guuleed wuxuu uga digay Madaxweynaha in uu ka laabto haddii kalana ay imaanayso maalin laga xisaabtamayo gacanta umadana lagusoo celindoono.

War-Saxaafadeed - Xaaladda Korontada Boosaaso
13/08/2025

War-Saxaafadeed - Xaaladda Korontada Boosaaso

War-saxaafadeed ku saabsan Xaaladda
19/07/2025

War-saxaafadeed ku saabsan Xaaladda

19/07/2025

War-saxaafadeed ku saabsan Xaaladda

Daryeelka iyo garab istaagga ciidamada Puntland waa waajib saaran qof walba oo reer Puntland ah, maadaama ay naftooda u ...
18/07/2025

Daryeelka iyo garab istaagga ciidamada Puntland waa waajib saaran qof walba oo reer Puntland ah, maadaama ay naftooda u hurayaan difaaca dalkooda, dadkooda, iyo nabadgelyada guud ee shacabka.

BAAQ NABADEED Golaha Cadaaladda iyo Dimuqraadiyadda (GCD) isagoo ka duulaya Muhiimadda ilaalinta nabadda, xasiloonida iy...
15/07/2025

BAAQ NABADEED

Golaha Cadaaladda iyo Dimuqraadiyadda (GCD) isagoo ka duulaya Muhiimadda ilaalinta nabadda, xasiloonida iyo badqabka shacabka wuxuu ka walaacsanyahay dagaalka nasiib darada ah ee ka dhacay maanta degmada Dhahar. Colaaddaasi waxay khatar weyn ku tahay nolosha dadka rayidka ah iyo wada noolaanshaha bulshada deegaanka.

Waxaan ugu baaqeynaa dhammaan dhinacyada ku lugta leh dagaalka in ay si degdeg ah u joojiyaan dirirta, una hoggaansamaan xabbad-joojin buuxda. Lama aqbali karo in dhiigga shacabka iyo ciidamada walaalaha lagu daadiyo isqabqabsi siyaasadeed.

Dowladda Puntland waxaan ugu baaqeynaa in ay ka fogaato adeegsiga awood ciidan, taas badalkeedna waa in tabashooyinka shacabka si dhab ah loo dhageysto waxna laga qabto.

Goluhu wuxuu xasuusinayaa dhammaan dhinacyada dagaalamaya in dagaalku aanu noqon karin xal, balse uu horseedayo dhiig daata, barakac, burbur, khasaaro iyo kala fogaansho. Waxaa la gudboon dhammaan qaybaha ay khuseyso in ay doortaan waddada nabadda, si loo badbaadiyo deegaanka, loona ilaaliyo midnimada ummadda..

Ugu dambayn, Waxaan tacsi tiiraanyo leh u diraynaa dadkii ku dhintay. Waxaanna iillaah uga baryaynaa inuu dembigooda dhaafo, una naxariisto. Dadkii ku dhaawacmayna waxaan u rajaynayaa caafimaad degdeg ah


Dhammaad


Address

Garowe

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Golaha Caddaaladda iyo Dimuquraadiyadda posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share