03/06/2026
Taliyaha Hoggaanka Xiriirka Bulshada Dowladda Puntland G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa Manta Safar Shaqo ku Tagay Magalooyinka Carmo iyo Ceeldaahir ee Gobolka Bari Halkaas oo kulamo lagu xoojinaayo wadashaqaynta Booliiska iyo Bulshada Rayidka kaasoo lagu iftiiminayay sidii faham guud looga qaadan lahaa xiriirka bulshada iyo Community Policeka.
Safarkaan Shaqo ayaa Taliyaha Waxaa ku Wehliyay Gudoomiyaha Ururka Haweenka Gobalka Bari' Kaafi Cali Jiire iyo Taliyaha Hoggaanka xiriirka Bulshada ee Gobalka Bari Dhame' Aamina Salaad Ciise.
Taliye Xuseen ayaa kulan Magalada Ceeldaahir kulan kula qaatay Taliyaha Saldhiga Degmadaas iyo Maamulka kaas oo lagu Xoojinaayay wada shaqeyn guud oo dhex marta Bulshada iyo Community Policeka si la iskaga kaa shaqado wada shaqeyn guud oo ku imaata Hanaan Hufan oo Shaqo.
Sidoo kalle Taliyaha Hoggaanka Xiriirka Bulshada Dowladda Puntland G/Sare Xuseen Cali Maxamuud Ayaa Degmada Carmo kula kulmay Duqa Degmada iyo ururada Bulshada Rayidka ah kaas oo looga warbixiyay Howlaha Baaxada Leh ee Amaanka iyo wada shaqeynta Booliska iyo Bulshada kaas oo lagu Cadeeyya in ay tahay mid wanaagsan wada shaqeyntooda Guud.
Tan iyo Markii Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane H.E Said Abdullahi Deni, Taliye Xuseen U Magacaabay Hoggaanka Xiriirka Bulshada Dowladda Puntland ayaa wacyigalino ku saabsan wada shaqeynta Booliska iyo Bulshada laga bilaabay Qaar kamid ah Gobolada iyo Degmooyinka Puntland si la iskugu xiro Booliska iyo Bulshada taas oo qeyb weyn ka ah Hanaanka Booliska Dowlada Puntland iyo Shacabka Puntland. See less