25/10/2025
Garoowe, Puntland - Soomaaliya
Sabti: 25 Oktoobar, 2025
Kal-fadhiga 57-aad Ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Oo furmay maanta.
Guddoomiyaha Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland Avv. Siciid Cand Muumin @ Said Mumin oo maanta ka qayb-galay furitaanka Kal-fadhiga 57-aad ee Golaha Wakiillada Puntland.
Munaasabadda Kal-fadhiga 57-aad ee Golaha oo uu hogaaminayo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland Hon Abdirisak Ahmed Said, iyo Gudoomiye ku xigeenka 1-aad Hon Mohamed Baarri Shire, iyo Gudoomiye ku xigeenka 2-aad ee Golaha Hon Mohamed Mahamud Esse.
Munaasabadda waxaa sidoo kale ka soo qeyb galay Madaxweynaha Dowladda Puntland H.E Said Abdullahi Deni, Madaxweyne ku-xigeenka H.E Ilyas Osman Lugatoor, Xildhibaannada Golaha Wakiillada, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Guddoomiya Difaacaha Xuquuqda Aadanaha, Xeer ilaaliyaha Guud, Xubno katirsan Garsoorka Maxkamadda Sare, xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, Xubno ka mid ah laba Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Duqa Garoowe, Isimo, Culimo, hayโado caalami ah, ururrada bulshada rayidka ah, saraakiil, Hawl-wadeennada, Saxaafadda iyo marti sharaf-ka kale.
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Hon Abdirisak Ahmed Said ayaa akhriyey khudbadda Golaha kal-fafhiga 57-aad ee Golaha Wakiillada Puntland.
Sidoo kale, Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ka horjeediyey Golaha khudbadda Dastuuriga ah, si rasmiyana u furay Kal-fadhiga 57-aad, si-waafaqsan Qodobka 80-aad, farqaddiisa 12-aad ee Dastuurka Dawladda Puntland.
โ DHAMMAAD โ