Puntland Highway Authority -PHA

Puntland Highway Authority -PHA Hay'adda Wadooyinka Puntland

13/10/2017

Guddoomiyaha Cusub ee Hay’adda Waddooyinka Puntland (PHA) Eng.Cabdirisaaq Yusuuf Cilmi oo 7-dii bishaan October 2017 Madaxweyne Cabdiweli Gaas soo magacaabay ayaa Shalay si rasmi ah xilka uga la wareegay Siciid Maxamuud Jaamac oo si kumeel gaar ah xafiiska u joogay tan iyo markii xilka laga qaaday Guddoomiyihi h**e Hay’adda Waddooyinka Puntland Maxamuud Cabdinuur Aadan 3-dii March 2017.

YAA KA MASUULA SHILALKA GADIIDKA ?Wasiirka hawlaha guud iyo gadiidka Dowlada Puntland Cabdirashiid Maxamed Xirsi, Gudoom...
30/05/2017

YAA KA MASUULA SHILALKA GADIIDKA ?

Wasiirka hawlaha guud iyo gadiidka Dowlada Puntland Cabdirashiid Maxamed Xirsi, Gudoomiyaha Hay,adda Wadooyinka Puntland Siciid Maxamed Jaamac iyo Injineero ayaa iska kaashanaya safaro loogu kuurgalayo Islamarkaana lagu qiimaynayo shilalka baabuurta ee inta badan ka dhaca wadada u dhaxaysa Garowe ilaa Tuuladda Xaaji Khayr Gobolka Nugaal.
Wafti uu hogaaminayo Wasiirka Hawlaha guud iyo gadiidka Puntland ayaa 28 bishan socdaal u kuurgalid ah ku tagay wadada isku xirta Garowe iyo Dongoroyo ka dib markii looga dooday khamiistii lasoo dhaafay shirkii gollaha wasiirada Puntland shilalka ka dhaca wadada.
Waxayna ku ogaadeen Wasaaradda hawlaha guud iyo Hay,adda Wadooyinka Puntland qiimeynta la sameeyay in shilalka ugu badani ay sababaan masuuliyad daro iyo taxadar la,aan ka timaada darawalada gadiidka, Sidoo kalana waxaa la ogaaday inay ka dhacaan shilalka ugu badan deegaanada Puntland buurta la yiraahdo Karin dhiig oo iyadu ah goolad.

Address

Garowe

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Puntland Highway Authority -PHA posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share