23/12/2025
Waxaan xanuunka geerida la qayb sanayaa Agaasimaha Warfaafinta iyo Wacyigelinta Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Ibraahim Maxamuud Yuusuf, oo hooyadiis Saynab Maxamed Ibraahim ay ku geeriyootay magaalada Boosaaso.
Waxaan uga tacsiyeynayaa geeridan naxdinta leh Agaasimaha, qoyskiisa, ehelkii, qaraabadii iyo dhammaan asxaabtii ay marxuumaddu ka baxday.
Allah ha u naxariisto Hooyo Saynab, naxariistiisa jannada Firdowsana ha ka waraabiyo, ehelkeedana samir iyo iimaan ha ka siiyo.