Puntland Ministry of Energy Minerals & Water

Puntland Ministry of Energy Minerals & Water Official page of the Ministry of Energy, Minerals and Water of Puntland State of Somalia .

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda, Cabdiraxmaan Khalid Faarax, iyo Wasiir Dowlaha Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha Do...
09/04/2026

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda, Cabdiraxmaan Khalid Faarax, iyo Wasiir Dowlaha Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha Dowladda Puntland, Amb. Maxamed Axmed Cawil, ayaa si rasmi ah xilka ugala wareegay masuuliyiintii h**e ee Wasaaradda.
Munaasabadda xil-wareejinta ayaa waxaa goobjoog ka ahaa wasiirka wasaarada mudane Liban Musse Bogor , masuuliyin ka tirsan dowlada iyo shaqaalaha
Wasaaradda.
Wasiirrada cusub ayaa ballan qaaday in ay si hufan oo mas’uuliyad leh u gudan doonaan waajibaadka loo igmaday, isla markaana ay ka shaqeyn doonaan horumarinta adeegyada Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha.

Dhankooda, masuuliyiintii h**e ayaa uga mahadceliyey shaqaalaha Wasaaradda wada shaqeyntii wanaagsanayd, iyagoo u rajeeyey masuuliyiinta cusub guul iyo horumar.

Garoowe: Axad 29-March-2026Waxaa maanta ka qabsoomay hoolka Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha xuska Maalinta Caala...
29/03/2026

Garoowe: Axad 29-March-2026

Waxaa maanta ka qabsoomay hoolka Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha xuska Maalinta Caalamiga ah ee Biyaha Adduunka. Maalintan ayaa sannadkii ba mar la qabtaa si la isugu baraarujiyo biyaha iyo muhiimadda ay innoo leeyihiin. Sannadkan halkudhiggu waxa uu ahaa ‘Jinsiga iyo Biyaha’, iyada oo looga gol lahaa in haweenka laga qaybgeliyo go’aan-gaarista biyaha ee heer kasta.

Shirkan waxaa ka soo qaybgalay wasiirka wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Puntland, wasiir kuxigeenka wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha, wasiir kuxigeenka Wasaaadda Haweenka, wasiir kuxigeenka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Ganacsiga, wasiiru dawlaha Wasaaradda Waxbarashada iyo Mareeyaha Wakaaladda Biyaha, madax ka socotay hay’adda UNICEF iyo hay’adaha kale ee ka shaqeeya biyaha, ardayda dugsiyada iyo jaamacadaha.

Shirka waxaa furay Maareeyaha PWDA Mudane Maxamed Cabdiqaadir, isaga oo martida ku soo dhoweeyey wasaaradda. Waxa kale, oo uu faahfaahin ka bixiyey ujeedka xuskan laga leeyahay.

Ugu dambayn, wasiir Kuxigeenka Wasaaradda mudane Siciid Salaad, ayaa soo xiray kulanka isaga oo xusay muhiimadda ay leedahay maalintani. Wasiirku waxa uu ku dheeraaday dadaalk wasaaradda iyo wakaaladdu ay ka geysteen horumarinta kaabayaasha biyaha. Ugu dambayn wasiirku waxa uu martida uga mahadceliyey imaatinkooda shirka

Bosaso: 24-03-2026  Waxaa kormeer shaqo lagu tagay xarumaha kaydka shidaalka ee shirkadaha ka hawlgala deegaanada Puntla...
24/03/2026

Bosaso: 24-03-2026
Waxaa kormeer shaqo lagu tagay xarumaha kaydka shidaalka ee shirkadaha ka hawlgala deegaanada Puntland, kormeerkaas oo uu hoggaaminayay Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, isla markaana uu wehlinayay Ku-simaha Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha mudane Saadaq maxamuud. Waxa kale oo wafdiga ku weheliyay Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Puntland.

Kormeerkan oo daba socday kulamo h**e oo lala yeeshay ganacsatada ka shaqeysa shidaalka, ayaa si qoto dheer loogu kuurgalay xaaladda shidaalka ee Puntland, iyadoo sidoo kale la qiimeeyay awoodda kayd ee ay Puntland u leedahay u adkeysiga xaaladaha isbeddelka leh.

Intii uu kormeerku socday, masuuliyiintu waxay dhageysteen warbixino ay soo bandhigeen madaxda shirkadaha, kuwaas oo ku saabsanaa horumarrada la taaban karo ee ay gaareen iyo qorshayaasha mustaqbalka. Waxay sidoo kale xaqiijiyeen in xaaladda shidaalka ay deggan tahay, isla markaana aysan jirin culays weyn oo jira. Kororka ku yimid qiimaha shidaalka ayaa lagu macneeyay xaaladaha colaadeed ee ka taagan Iran, hase yeeshee waxaa la adkeeyay inaysan jirin wax carqalad ah oo ku yimid qulqulka shidaalka ee dalka soo gala.

Dhanka kale, Ku-simaha Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha Puntland, Mudane Saadiq Qayrab, ayaa uga mahadceliyay ganacsatada doorka ay ka qaateen horumarinta kaydka shidaalka, isaga oo xusay in wasaaraddu ay si dhow ula shaqeyn doonto si loo sii xoojiyo horumarka la gaaray.

Ugu dambayn, Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, Mudane Shaakir, ayaa soo xiray kormeerka, isaga oo carrabka ku adkeeyay in siyaasadda Dowladda Puntland ay tahay ilaalinta danaha shacabka iyo dalka, iyo xoojinta doorka ay dowladdu ku leedahay kobcinta dhaqaalaha. Waxa uu sidoo kale tilmaamay in dowladdu si joogto ah ula socon doonto isbeddel kasta oo ku yimaada xaaladda shidaalka, isaga oo bogaadiyay dadaalka ganacsatada kuna boorriyay inay sii laba jibbaaraan dadaalkooda, maadaama dowladdu ay garab taagan tahay horumarinta kaydka shidaalka.

Dhamaad.

WAR-SAXAAFADEEDBosaso 23 Maarso 2026Kulaan uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha Dowladda Pun...
24/03/2026

WAR-SAXAAFADEED

Bosaso 23 Maarso 2026

Kulaan uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha Dowladda Puntland mudane Liban Musse Bogor , oo uu weheliyo Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda mudane shaakir, ayaa ka qabsoomay xarunta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Puntland. Kulankan ayaa diiradda lagu saaray u kuurgelidda xaaladda shidaalka Puntland iyo sidii loo ilaalin lahaa loona horumarin lahaa kaydka shidaalka ee dalka.

Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Puntland, Mudane Maxamed Caydiid Jaamac, iyo Ku-simaha Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha, Mudane Saadiq Maxamuud Qayrab, iyadoo ay sidoo kale ka soo qayb galeen inta badan madaxda shirkadaha shidaalka Puntland.

Wasiirka Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha oo furay kulanka ayaa sharaxay ujeeddada kulanka, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay in la helo xog istaraatiji ah si looga hortago khalkhal ku yimaada suuqa shidaalka. Tani waxay imaanaysaa xilli ay jirto xaalad colaadeed oo ka taagan marinka Hurmuz, oo ah marin muhiim u ah isu socodka shidaalka iyo badeecadaha.

Sidoo kale, Wasiirku wuxuu iftiimiyay doorka ay Dowladda Puntland ka qaadanayso xal u helidda caqabadaha jira, isagoo carrabka ku adkeeyay walaaca laga qabo kororka sicirka shidaalka, gaar ahaan iyadoo dalka uu wajahayo xaalad abaareed oo daran iyo dadaallo socda oo ku saabsan biyo-dhaamiska. Wuxuu ganacsatada ku booriyay inay ka qayb qaataan gurmadka iyo taageerada dadka ay saameeyeen abaaruhu.

Dhankiisa, Ku-simaha Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha, Mudane Saadiq Qayrab, ayaa soo bandhigay hannaan cusub oo lagu ururinayo xogaha shirkadaha shidaalka, si loo qiimeeyo awoodda Puntland ee la tacaalidda xaaladaha degdegga ah. Xogtan ayaa noqon doonta mid saldhig u ah go’aan-qaadashada mustaqbalka.

Ganacsatada ka soo qayb gashay kulanka ayaa soo dhoweeyay dadaallada dowladda, iyagoo muujiyay taageeradooda, kuna booriyay in la sii xoojiyo wada-shaqaynta si looga hortago xaaladaha cakiran.

Ugu dambayn, Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, Mudane Shaakir, ayaa soo xiray kulanka, isagoo ku adkeeyay shirkadaha inay soo gudbiyaan xogaha looga baahan yahay iyo talooyinkooda. Wuxuu sidoo kale ballanqaaday in dowladda ay si dhow ula shaqayn doonto ganacsatada si looga gudbo caqabadaha jira loona badbaadiyo dalka iyo dadka.

Wasiirka ayaa ugu dambayn uga mahadceliyay dhammaan ka soo qaybgalayaasha doorkooda wax ku oolka ah, kuna dhiirrigeliyay inay sii laba-jibbaaraan dadaalladooda.

— DHAMMAAD —

Garowe: 26 February 2026: Ku simaha Agaasimaha guud ee wasaarada tamarta, macdanta & biyaha mudane Saadaq maxamuud ayaa ...
26/02/2026

Garowe: 26 February 2026: Ku simaha Agaasimaha guud ee wasaarada tamarta, macdanta & biyaha mudane Saadaq maxamuud ayaa daahfuray shirka Saddex Biloodlaha ah ee Wadatashiga Daneeyayaasha Biyaha oo ka qabsoomay hoolka wasaaraddaTamarta Macdanta iyo Biyaha Puntland.

Ujeedka shirka ayaa Daarana so bandhigista qorahayaasha sanadkaan ee biyaha iyo so gudbinta waxyaalihi u qabsoomay saddexdii bilood ee tagtay, waxa kale oo shirka inta uu socday la garfooyey xaalada abaaraha puntland ka jirta iyo sidi looga qayb qaadan laha xal u helideeda iyo ka qayb qaadashada biyo dhaanada socda.

Waxaana ka soo qayb galay shirkaan maareeyaha wakaalada biyaha, hay’ada unicef iyo dhamaan bahwadaagta kale ee biyaha.

=DHAMMAAD=

Maanta waxaa xarunta Wasaaradda ku soo booqday wafdi Farsamo oo  ka socday Bangiga Adduunka (World Bank) ka tirsan waaxd...
01/02/2026

Maanta waxaa xarunta Wasaaradda ku soo booqday wafdi Farsamo oo ka socday Bangiga Adduunka (World Bank) ka tirsan waaxda biyaha, Wafdigan ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay masuuliyiinta Wasaaradda, iyagoo ka wada hadlay dardargelinta iyo xoojinta hirgelinta mashraaciida socota.

Wafdiga waxaa si diirran u soo dhoweeyay ku-simaha Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Saadiq Mohamoud Mohamed, waxaana kulanka qeyb ka ahaa la-taliyeyaasha Sare ee wasaaradda iyo Dr.Abdirizaq mohamed cali ( Bogcad) iyo Engr. Hashim haaji mohamed

Inta uu kulanku socday waxaa lagu falanqeeyay:

●Horumarka laga sameeyay mashaariicda socota.
●Fursadaha kordhinta maalgelinta iyo taageerada farsamo
● Xoojinta iskaashiga u dhexeeya Wasaaradda iyo Bangiga Adduunka

Wasaaraddu waxay uga mahadcelineysaa waftiga ma ka socday Bangiga Adduunka taageerada joogtada ah ee ay ka siiyaan horumarinta kaabeyaasha Biyaha iyo kobcinta adeegyada bulshada, iyadoo mashruuca Barwaaqo iyo mashruuca biyaha hoose (ground water)uu ka mid yahay mashaariicda istiraatiijiga ah ee lagu gaarsiinayo adeeg horumarineed oo waar ah

Garoowe: 29 January 2026  Madaxwayne kuxigeenka Puntland ahna Kusimaha Madaxwaynaha Puntland  H.E Ilyaas Osman Lugatoor ...
29/01/2026

Garoowe: 29 January 2026
Madaxwayne kuxigeenka Puntland ahna Kusimaha Madaxwaynaha Puntland H.E Ilyaas Osman Lugatoor ayaa soo xiray aqoon kororsi u socday Agaasimayaasha Guud ee Dowladda Puntland.

Ku simaha Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha Puntland mudane Saadaq Maxamuud oo uu weheliyo Agaasimaha Waaxda Qorshaynta ee Wasaaradda ayaa ka qaybqaatay tababarkaan oo la xiriira Hoggaaminta sare iyo Horumarina oo loo qabtay Agaasimayaasha Guud iyo Madaxda Hay’adaha Madaxa bannaan ee Dowladda Puntland oo ay weheliyaan Agaasimayaasha Waaxyaha Qorshaynta Puntland. Aqoon kororsigaan ayaa waxaa bixinayey khubaro ka socota Kenya School of Government KSG oo ah hay’adda u xilsaaran tababarka shaqaalaha, Talobixinta iyo Cilmi Baarista ee Dowladda Kenya.

Tababarkaan oo socday intii udhexeysa 25-29 Jan 2026 ayaa lagu baranayay Hoggaaminta wanaagsan, samaynta iyo fulinta qorshayaasha Dowladda, qiimaynta iyo dabagalka shaqooyinka dowladda iyo la dagaallanka musuqa.

Tababarkaan oo ahaa mid si wayn loo soo agaasimay ayaa soo xiriddiisii Madaxwayne kuxigeenka Puntland ahna kusimaha Madaxwaynaha Puntland Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor uu shahaadooyinkii siiyey ka qaybgalayaashii tabobarka.

-DHAMMAAD-

-XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA TAMARTA, MACDANTA IYO BIYAHA PUNTLAND-

Shir-madaxeedka U-qareemidda Biyaha iyo Nadaafadda – PuntlandWasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha ee Dowladda Puntlan...
28/01/2026

Shir-madaxeedka U-qareemidda Biyaha iyo Nadaafadda – Puntland

Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha ee Dowladda Puntland ayaa Garowe ku qabatay shir-madaxeed heer sare ah oo lagu xoojinayo u-qareemidda Arrimaha Biyaha iyo Nadaafadda (WASH) ee gobollada Puntland.

Shirkan waxa ka soo qaybgalay Wasaradaha Kala ah waxbarashada, caafimaadka, degaanka, gargaarka iyo arimaha biniaadantimada, beerahaa iyo qorshaynta ayaa lagu falanqeeyay:

- Helitaanka khayraad iyo dhaqaale lagu horumariyo adeegyada biyaha iyo nadaafadda
- Xoojinta iskaashiga hay’adaha dowladda iyo la-hawlgalayaasha
- Dejinta istiraatiijiyad waarta oo looga hortago abaarta lana hubinayo biyo nadiif ah

“Biyaha iyo Nadaafaddu ma ahan kaliya baahi; waa xuquuq aasaasi ah oo u baahan iskaashi iyo qorshe waara.”

Shir-madaxeedkani wuxuu adkeynayaa ka go’naanta Dowladda Puntland ee ku aaddan in bulshadeeda la gaarsiiyo biyo nadiif ah, adeegyo nadaafadeed oo tayo leh, isla markaana la yareeyo farqiga u dhexeeya magaalo iyo miyi.

XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA TAMARTA, MACDANTA & BIYAHA.

Wasiirka Wasaarada Tamarta, Macdanta iyo Biyaha Puntland Liibaan Muuse Boqor ayaa shir guddoomiyay shir ka dhacay xafiis...
14/01/2026

Wasiirka Wasaarada Tamarta, Macdanta iyo Biyaha Puntland Liibaan Muuse Boqor ayaa shir guddoomiyay shir ka dhacay xafiiska dhexe ee wasaarada, waxaana weheliyey Kusimaha Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha Puntland Saadiq Maxamud Maxamed, Mareeyaha Guud ee Wakaaladda Horumarinta Biyaha Puntland maxamed c/qaadir waxaaana ka qayb galay Madaxda shirkada Biyaha NUWACO iyo eng Maxed Saleeban oo ka socday Hay'adda Unicef.

Kulankan ayaa looga hadlayey hanaanka hormarinta biyaha Garowe iyo katashiga mashruuca R wash.

mashruuca Rwash ee ka socda Caasimadda halka uu marayo iyada oo la xusay in uu dhammaaday qodaalka ceelka cusub cabirkiisuna yahay 640m loona sameen doono pipe si loo soo garsiiyo magaalada ugana fa’idaystaan bulshada .

Garoowe: Khamiis 20-Nov-2025: Ujeeddo: Mowqifka Puntland ee Hindise Sharciyeedka Tamarta Soomaaliya iyo Dhismaha Hay'add...
20/11/2025

Garoowe: Khamiis 20-Nov-2025: Ujeeddo: Mowqifka Puntland ee Hindise Sharciyeedka Tamarta Soomaaliya iyo Dhismaha Hay'adda Tamarta Qaranka (NEA)

Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha Dowladda Puntland oo ah hay'adda u xil saaran horumarinta, maamulida iyo tayaynta adeegyada Tamarta waxay cadaynaysaa mowqifkeeda ku aadan in aanay Dowladda Puntland qayb ka ahayn geeddi-socodkii horseeday ansixinta Sharciga Tamarta Soomaaliya iyo dhismaha Hay'adda Tamarta Qaranka (NEA)................

‎-----------Dhammaad------------
XAFIISKA WARFAAFINTA IYO WACYIGALINTA WASAARADDA TAMARTA, MACDANTA IYO BIYAHA DOWLADDA PUNTLAND.

Garoowe: Isniin 17-Nov-2025: Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha dowladda Puntland Siciid Salaad ...
17/11/2025

Garoowe: Isniin 17-Nov-2025:

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha dowladda Puntland Siciid Salaad ayaa ka qaybgalay shirka dawladda Puntland iyo hay'adda Unicef ee dib u eegista qorshe hawleedka hay'adda ee deegaamada Puntland.

‎Kulanka oo socon doona muddo labo maalin ah waxaa lagu soo bandhigayaa qorshihii hay'adda ee sanadkii tagay iyo kan qorsheysan labbada sano ee soo socda. Shirka waxaa furay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga caalamiga, waxaana shirka kasoo qaybgalay hay'addaha dawladda ee wadashaqaynta la leh Unicef.

‎-----------Dhammaad------------
XAFIISKA WARFAAFINTA IYO WACYIGALINTA WASAARADDA TAMARTA, MACDANTA IYO BIYAHA DOWLADDA PUNTLAND.

Garoowe: Axad-9th-Novembner-2025:Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha Dowladda Puntland ayaa qabatay shirka saddex bi...
09/11/2025

Garoowe: Axad-9th-Novembner-2025:

Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha Dowladda Puntland ayaa qabatay shirka saddex biloodlaha ah ee wadatashiga bahwadaagta Biyaha, shirkaas oo sadexdii biloodba mar laqabto si loogu-wadaago xogta mashaariicda qabsoomay, kuwa qorsheysan, caqabadaha taagan iyo shaqooyinka hortabinta leh.

Shirka waxaa furay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha dowladda Puntland Eng Ismaaciil Maxamed Xasan, Agaasimaha ayaa kor istaagay mihiimada biyaha iyo xaaladaha abaareed ee hadda ka taagan qayb kamid ah deegaamada Puntland iyo sidii qayb looga qaadan lahaa latacaalida xaaladahaas aabareed. Agaasimaha ayaa ugu dambayn furitaanka kadib soo dhoweeyey ka qaybgalayaasha shirka.

Shirka waxaa kaloo kasoo qaybgalay Maareeyaha wakaaladda Horumarinta Biyaha, wasaaraddaha iyo haya’daha wasaaradda kala shaqeeya arimaha biyaha, nadaafada iyo fayadhowrka. Sidoo kale shirku intuu socday waxaa lagu soo bandhigay warbixino laxiriira shaqooyinka Biyaha, nadaafada iyo fayadhowrka, caqabadaha taagan iyo dadaalada wasaaradda iyo bah-wadaagteeda. Ugu dambayn Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Mudane Siciid Salaad Maxamed ayaa soo xiray shirka, isaga oo carabka kusii adkeeyey sidii gacan looga gaysan lahaa xaaladaha aabareed ee qayb kamid ah deegamada Puntland ka jira.

-----------------Dhamaad-----------------
XAFIISKA WARFAAFINTA IYO WACYIGALINTA WASAARADDA TAMARTA, MACDANTA IYO BIYAHA DOWLADDA PUNTLAND.

Address

Xaruntii H**e Ee Dalxiiska, Dhabarka Danbe Ee Madaxtooyadii H**e Ee DPL
Garowe

Opening Hours

Monday 07:00 - 14:00
Tuesday 07:00 - 14:00
Wednesday 07:00 - 14:00
Thursday 07:00 - 14:00
Saturday 07:00 - 14:00
Sunday 07:00 - 14:00

Telephone

+252907776380

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Puntland Ministry of Energy Minerals & Water posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Puntland Ministry of Energy Minerals & Water:

Share