Abdirizak Hidig Warsame

Abdirizak Hidig Warsame Official page, Secretary General of Puntland Parliament Abdirizak Hidig Warsame

Waxaa farxad iyo sharaf weyn ii ah inaan maanta  qayb galo munaasabaddan ballaaran ee lagu xusayo Maalinta Dhallinyarada...
12/08/2026

Waxaa farxad iyo sharaf weyn ii ah inaan maanta qayb galo munaasabaddan ballaaran ee lagu xusayo Maalinta Dhallinyarada Adduunka.

Ugu horreyn, waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa Wasaaradda Dhallinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska ee Dowladda Puntland iyo Dalladda Ururrada Dhallinyarada Puntland (PYAN) oo soo qabanqaabiyey munaasabaddan qiimaha iyo muhiimadda weyn leh.

Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhammaan dhallinyarada adduunka, meel kasta oo ay joogaan, anigoo ugu hambalyeynaya munaasabadda weyn ee Maalinta Dhallinyarada Adduunka.

Dhallinyaradu waa awoodda, laf-dhabarta iyo mustaqbalka bulsho kasta. Waa iftiinka maanta iyo rajada berri. Horumarka iyo mustaqbalka wanaagsan ee bulsho kasta waxay si weyn ugu xiran yihiin sida ay dhallinyaradu u fekeraan, u diyaargaroobaan, masuuliyad u qaataan, ugana qaybqaataan dhismaha dalkooda.

Haddii aad aragto waddan ay ka jiraan horumar la’aan, amni-darro iyo caqabado bulsho, waxaa hubaal ah in loo baahan yahay dhallinyaro baraarugsan, aqoon leh, mas'uuliyad qaadata, kana shaqaysa sidii ay xaaladdaas wax uga beddeli lahaayeen.

Dhallinyaradu waa inaysan noqon oo keliya kuwa sugaya mustaqbalka, balse waa inay noqdaan kuwa maanta dhisaya mustaqbalka. Waa inay ka qaybqaataan nabadaynta, horumarinta waxbarashada, hal-abuurka, shaqo-abuurka, ilaalinta deegaanka iyo dhismaha hay’adaha dowladeed iyo kuwa bulshada.

Haddii aynu dib ugu noqonno taariikhda ummadda Soomaaliyeed, dalkeennu wuxuu caan ku ahaa in dhallinyaradu door muuqda ka qaataan halganka, difaaca iyo dhismaha qarannimada Soomaaliyeed. Dhallinyaradii Soomaaliyeed waxay marar badan ka dhiidhiyeen wax kasta oo wax u dhimaya sharafta, midnimada iyo qarannimada Soomaaliya.

Maanta, waxaa loo baahan yahay jiil cusub oo aqoon, karti, hal-abuur iyo mas'uuliyad leh; jiil fahamsan in mustaqbalka dalku uu ku xiran yahay dadaalkooda iyo go'aannada ay maanta qaataan.

Sidaas darteed, waxaan ugu baaqayaa dhallinyarada Puntland iyo guud ahaan dhallinyarada Soomaaliyeed inay ka faa’iidaystaan fursadaha jira, ay helaan aqoon iyo xirfado, ayna noqdaan hormuudka nabadda, horumarka iyo dowlad-dhiska.

Ugu dambayn, waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhammaan dhallinyarada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, waxaana leeyahay:

Hambalyo Maalinta Dhallinyarada Adduunka!

Dhallinyaro waa awoodda maanta, rajada berri iyo hoggaanka mustaqbalka.

Mahadsanidiin.

Maanta oo ay taariikhdu tahay 15/06/2026, waxaa si rasmi ah noogu furmay Kalfadhiga 58-aad ee Golaha Wakiillada Dowladda...
15/06/2026

Maanta oo ay taariikhdu tahay 15/06/2026, waxaa si rasmi ah noogu furmay Kalfadhiga 58-aad ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland. Waxaan Alle SWT ka baryeynaa inuu noogu dhammeeyo nabadgelyo, guul iyo waxqabad miro-dhal ah oo waxtar u leh shacabka iyo dalka guud ahaan.

Sidoo kale, waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa hawl-wadeennada Golaha Wakiillada doorkii muhiimka ahaa ee ay ka qaateen diyaarinta iyo qabsoomidda furitaanka kalfadhigan.

Waxaan sidoo kale mahadnaq gaar ah u jeedinayaa warbaahinta dowladda iyo tan madaxa-bannaan ee si hufan u baahisay munaasabadda furitaanka kalfadhiga.

Ugu dambayn, waxaan u mahadcelinayaa Ciidanka Amniga Golaha soo dhaweynta mas'uuliyiinta ka soo qeybgalay munaasabadda.

Mahadsanidiin dhammaantiin.

Hambalyo Meher iyo AroosWaxaan hambalyo u dirayaa Agaasime Ibrahim Mohamud Yusuf  iyo marwadiisa Xafso Faarax Xayir oo a...
14/06/2026

Hambalyo Meher iyo Aroos

Waxaan hambalyo u dirayaa Agaasime Ibrahim Mohamud Yusuf iyo marwadiisa Xafso Faarax Xayir oo arooskoodu ka dhacay magaalada Qardho ee Gobolka Kar-kaar.

Waxaan Alle uga baryayaa inuu idinka dhigo qoys barakooba oo barwaaqoba.

Hambalyo Hambalyo

Address

Garowe

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Abdirizak Hidig Warsame posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share