31/07/2026
Maanta waxaan si rasmi ah xarigga uga jaray mashaariic horumarineed oo Dowladda Puntland ka hirgelisay Degmada Dhahar, xarunta Gobolka Haylaan.
Mashaariicdan oo ay ka mid yihiin Xarunta Maamulka Gobolka Haylaan, Xarunta Wasaaradda Maaliyadda, Xarunta Garsoorka iyo Laanta Bangiga, waxay yihiin adeegyo muhiim ah oo bulshada Gobolka Haylaan ay muddo dheer baahi weyn u qabeen. Waxayna door muuqda ka qaadan doonaan tayeynta adeegyada dowliga ah, xoojinta maamulka, dardargelinta hannaanka garsoorka, iyo kor u qaadidda amniga iyo hufnaanta adeegyada gobolka.
Muddo aan fogeyn ayay ahayd markaan dhagax-dhigay Xarumahan, dhamaystirkoodu wuxuu markhaati cad u yahay sida ay Dowladda Puntland uga go’an tahay hirgelinta mashaariic horumarineed oo wax ku ool ah, kuwaas oo kor u qaadaya tayada adeegyada bulshada, xoojinaya hay’adaha dowladda, isla markaana dardargelinaya horumarka iyo koboca deegaannada Puntland.
Waxaan u mahadcelinayaa dhammaan hay’adihii, masuuliyiintii, farsamayaqaannadii iyo bulshada kaalinta muuqata ka qaatay hirgelinta mashaariicdan. Ka Gole ahaan waxaan sii wadi doonaa dadaallada aan ugu qareemayno Golaha Fulintana kula xisaabtamayno dadaalada lagu horumarinayo adeegyada aasaasiga ah iyo kaabeyaasha dowladeed si loo xaqiijiyo horumar waara oo ay bulshada Puntland wada dheefsato.