28/05/2018
Waa mid ka mid ah Horumarka lixaadka leh ee ay ku tilaabsatay Hay'adda Socdaalka iyo Jinsiyadaa Laanta Puntland.
Agaasimaha Hay'adda Socdaalka iyo Jiniyadda Laanta Puntland Mudane Mohamed Abdi Farah Qambi iyo shaqaalaha hay'adda oo isku duuban una shaqaynaya isku xirnaan iyo iskaashi ayaa waxay muujiyeen mudo kooban hanaanka hay'adda.
Sidoo kale Agaasiamaha Guud ee Hay'adda Socdalaaka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Mudane Col. Maxamed Aaden Koofi oo hormuud ah geedi socodka shaqada hay'adda ayaa Agaasime ku amaanay shaqada adag oo uu hayo iyo sida ay uga go'an tahay hay'adda inay samayso horumar la taaban karo si loogu adeego bulshada soomaaliyeed.
Muuqaalkan aad u jeedan waa Xafiiska cusub ee Degmada Qardho oo dhowaan la furay Agaasimaha qambi iyo qayb ka mid ah shaqaalaha hay'adda ayaa si wada jir ah Shalay oo ay taariikhdu ku beegnayd 28/5/2019 sameeyay calaamadaha Xafiiska Qardho kuwaas oo ku astaysnaa Magaca Hay'adda xafiiska qardho.
Sida Idiin muuqata waa Bilboard iyo Box light loo sameeyay xafiiska wuxuu Agaasimuhu ku wareeyay Maamulka Xafiiska Qardho mudane Asad Abdulkadir Ahmed.
Guul iyo Gobanimo