06/04/2026
Garoowe, 06 April 2026: Waxaa maanta si rasmi ah xilka ula wareegay Wasiirka cusub ee Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland, Mudane Mohamed Abdirahmaan Mohamed Faroole, Marwo Maryan Cismaan Axmed (Fangase) oo ah Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda, iyo Mudane Cali Maxamed Cismaan oo ah Wasiiru-dowlaha Wasaaradda. Mas’uuliyiintan cusub ayaa xilka kala wareegay Wasiirkii h**e ee Wasaaradda, Mudane Siciid Jaamac Qorsheel.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka, Dr. Mohamed Mohamuud Xidig, ayaa munaasabadda ka jeediyay warbixin faahfaahsan oo ku saabsan waxqabadkii Wasaaradda muddadii ay hoggaanka hayeen masuuliyiintii h**e. Waxa uu si gaar ah u iftiimiyay horumarrada laga gaaray adeegyada caafimaadka, iyo qorshayaasha dhow iyo kuwa fog ee Wasaaraddu hiigsanayso.
Wasiirkii h**e ee Wasaaradda Caafimaadka, Mudane Siciid Jaamac Qorsheel, ayaa dhankiisa ka warbixiyay waxqabadkii la qabtay labadii sano ee la soo dhaafay. Waxa uu xusay kaalintii muuqata ee Wasaaraddu ka qaadatay hawlgalladii ka socday Calmiskaad, isagoo tilmaamay in la furay isbitaallo ku yaalla magaalooyinka Garoowe iyo Galdogob, isla markaana uu gabagabo marayo dhismaha isbitaalka Boosaaso.
Wasiirka cusub ee Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland, Mudane Mohamed Abdirahmaan Mohamed Faroole, ayaa ugu horreyn u mahadceliyay dhammaan shaqaalaha Wasaaradda—kuwa xarunta dhexe, gobollada iyo degmooyinka—iyadoo uu carrabka ku adkeeyay in uu sii wadi doono shaqadii horay u socotay. Waxa uu sidoo kale bogaadiyay dadaalkii iyo waxqabadkii Wasiirkii h**e.
Wasiirku waxa uu sheegay in ay ka go’an tahay horumarinta adeegyada caafimaadka si ay u gaaraan dhammaan bulshada, isla markaana uu ka shaqayn doono tayeynta adeegyada inta uu xilka hayo. Waxa uu shaqaalaha Wasaaradda kula dardaarmay inay ilaaliyaan anshaxa shaqo, waqtiga, iyo masuuliyadda saaran.
Munaasabadda xil-wareejinta waxaa ka qaybgalay guddiga xilwareejinta Golaha Wasiirrada, xubno ka tirsan Baarlamaanka, Agaasimeyaal, shaqaalaha Wasaaradda, saraakiil ka socotay Madaxtooyada, iyo marti sharaf kale.
Wasiirka Cusub ee wasaaradda Mohamed Abdirahmaan oo ay wehelinayaan wasiir kuxigeenka iyo wasiirudawlaha iyo wasiirkii h**e ayaa kormeer ku maray qaybaha kala duwan ee wasaaraadda waxayna booqdeen Cisbitaalka guud ee magaalada Garowe.
— DHAMMAAD —
Xafiiska Warfaafinta Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland