06/05/2026
AGAASIMAHA GUUD OO KA QAYBGALAY SHIRKA DIBU-EEGISTA QORSHEYAASHA DOWLADDA PUNTLAND IYO MIDOWGA YURUB
Nayroobi-06-May: Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Dowladda Puntland Eng. Abdulkadir Abdidahir ayaa magaalada Nayroobi dalka Kenya kaga qeybgalay shirka dib-u-eegista qorshayaashii 2025–2026 ee Midowga Yurub iyo Dowladda Puntland.
Shirkan oo ahaa EU TAPF (Technical Assistance and Partnership Facility) & partners’ retreat ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga, wada-shaqeynta hay’adaha, iyo mideynta dadaallada horumarineed.
Agaasimaha Guud ayaa soo bandhigay mudnaanta horumarineed ee dowladda Puntland labada sano ee soo socda, oo ay ka mid yihiin horumarinta iyo dejinta siyaasado iyo sharciyo tayo leh, dhismaha iyo casriyeynta nidaamyada hay’adaha dowladda, iyo hirgelinta barnaamijyo tababar oo kor loogu qaadayo awoodda shaqaalaha dowliga ah.
.......................DHAMMAAD...................
Baahinta: Xafiiska Warfaafinta Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Puntland.