31/05/2026
Gudoomiye ku xigeenka degmada Garoowe Maxamed Cali Xamari ayaa ka qayb galay tababar Aqoon kororsi ah oo loo qabtay Gudoomiyayaasha Xaafadaha Garoowe .
Ujeeddada tababarkan ayaa ahayd xoojinta doorka bulshada ee amniga iyo kor u qaadidda iskaashiga ka dhexeeya Ciidanka Booliiska
Tababarka waxaa diiradda lagu saaray qodobbadan:
1. Muhiimadda ilaalinta amniga iyo doorka bulshada ee sugiddiisa.
2. Kor u qaadidda aqoonta, fahamka iyo wada-shaqaynta ka dhexeysa Ciidanka Booliska iyo Guddoonnada Xaafadaha.
3. Abaabulka bulshada iyo wacyigelinta xaafadaha si loo xoojiyo nabadgelyada.
4. Soo gudbinta xogaha amniga iyo ka hortagga dambiyada.
Tababarka waxaa ka qayb galay Agaasimaha arimaha bulshada degmada Garoowe Saadiq xirsi ,Madaxa Amniga degmada Garoowe Maxamed Cabdirisaaq fidaar ,Madaxa xaafadaha Xaliimo Cabdulqaadir Bare iyo Taliye Ku-xigeenka Hoggaanka Xiriirka Bulshada iyo Ilaalinta Xuquuqda Aadanaha ee Ciidanka Booliska Puntland, G/le Khadar Gool-nuug oo tababarka bixinayay .